Welcome Alldalka Information Centre

 10/8/2005.  Wararkii Ugu dambeeyay ee arimaha Soomaalida                                                                                                            

Madax ka socotay Q.M. oo socdaalka ay ugu kuurgalayaan xaaladaha amaan ee     G/Jubooyinka shalay ku yimid magaalada Kismaayo.  

Ujeedada socdaalka wafdiga ka socday Q.M. ayaa lagu sheegay in  uu la xiriiray ogaanshaha xaalada amaan ee gobolada Jubooyinka, waxaana ay booqdeen degmooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Kamsuuma & Jilib.  Xubnihii ka socday jamciyada quruumaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda Isbahaysiga Dooxada Jubba, maamulka magaalada Kismaayo & ururada bulshada.

Madaxda ka socotay Q.M. ayaa socdaalka waxa uu ahaa mid gogol xaar u ah sida ay sheegeen xubnahaasi kuwa ka mid ah,  booqasho dhawaan lagu wado in uu ku yimaado G/Jubooyinka Maxwell Geylard oo ah u qeybsanaha hay’ada hormarinta barnaamijyada ee Q.M. UNDP-da dalka Soomaaliya.   

Sidoo kale wafdigan ka socda Q.M. ayaa u kuurgalaya xaalada nabadgalyo ee G/Jubooyinka, si ay hay’adaha gargaarka markale uga howlgalaan goboladaasi oo ay ugu dambeysay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha gargaarka mudo haatan laga joogo 18 bilood.

 

Cabdiraxmaan Xudeyfa

Alldalka- Mogadishu