Sannad-guuradii 45aad ee 26 Juun & Daahfurka buugga NABADSHE Axadda, 26 June 2005 oh!art, waxa farxad u ah inay kugu marti qaado xaflad lagu daah-furayo buug cusub oo la magac baxay NABADSHE, kuna saabsan nabadaynta. Waxa qoray qoraaga da’da yar ee Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan). Daah-furka buugga waxa ku lammaan ka taariikhaynta 26ka Juun oo ku beegan sannad-guuradii 45aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimada ka qaadatay dalka Britain. Munaasibaddu waxay isugu jiri doontaa gardaadin iyo taariikhayn. Waxaana munaasibaddaa khudbado, suugaan iyo arrimo kale oo muhiim ah ka soo jeedin doona dad caan ah oo soomaalida dhexdeeda magac weyn ku leh iyo weliba dad ajaanib ah oo afsoomaaliga ku hadla oo munaasibaddaas innagala qayb geli doona.[insha Allaah] Waxa ka mid ah. Dhanka suugaanta
1. Ismaaciil Aw-aadan, abwaan Xagga khudbadaha
1. Dr. Mohamed D Afrax – Guddoomiyaha Somali P.E.N Waa munaasibad qaali ah oo si heer sare ah loo agaasimey, ka soo qayb galkaagu waa muhiim, kaalintaaduna waa lagama maarmaan. Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah kala xidhiidh, Ayaan Maxamuud 07903712949, Maxamed Baashe 02077906611, Xasan Macallin 07950154170. ama ka bogo www.aftahan.com Maalinta Axadda Taariikhda 26 June 2005 Waqtiga: 6da galabnimo
Goobta:
Oxford House
Gaadiidka:
Buses: 8, 388, D6, 254, 106,
Ka soo qayb gal wacan
|