Bogga Fikradaha

 

WAA SIDEE XAALKA UBADKEENNA KU NOOL QURBAHA?

 Waxaan shaki ku jirin in dadku yar iyo weynba  ay u baahan yihiin tarbiyad
wanaagsan, laakiin waqtiga loogu baahi badan yahay ay tahay waqtiga carruurnimada.
Baahidaa dheeraadka ah darteed islaamku wuxuu siiyay barbaarinta carruurta ahmiyad
weyn. Xadiis ayuu Nabigu NNKA wuxuu ku yiri macnihiisu yahay (Ma jiro ilmo dhasha oo
aan ku dhalan Fidro (Diin toosan) laakiin labadiisa waalid ayaa ka dhiga nasraani,
yuhuudi ama majuusi . Xadiiskani wuxuu ina tusinayaa in barbaarinta ilmuhu ay ku
xiran tahay hadba sida ay u dooraan labada waalid, oo wuxuu qaadanayaa hadba
dhaqanka iyo diinta ay haystaan dadka barbaarinaya.

Tarbiyadda carruurtu waxay bilaabantaa inta aanu ilmuhu dhalan. Waxay ka bilaabantaa
in ilmaha loo dooro inay hooyo u noqoto gabar wanaagsan, sidaa darteed ayuu nabigu
nagu boorriyey in waxa aan gabar ku dooranayno ay ugu horrayso Diintu. Sidoo kale
waxa aanu ilmuhu ka maarmin oo uu u baahan yahay in iyana loo dooro daris wanaagsan,
dugsi wanaagsan, deegaan wanaagsan iyo bulsho wanaagsan.

Haddii uu ilmuhu waayo mid ka mid ah waxyaalaha aan kor ku xusnay waxay
barbaarintiisu noqonaysaa mid kala dhimman. Haddii ilmuhu helo Aabbe iyo hooyo
wanaagsan wuxuu helay lafdhabartii tarbiyaddiisa.

Waxyaalaha kale ee kaabayaasha ah ee aanu ilmuhu ka maarmin sida aan soo sheegnayba
waxaa ka mid ah bulsho wanaagsan. Soomaalidu waxay ku maahmahdaa (Dariskaagu
diintiisa ayuu kuu yeelaa). Darisku waa halka ay ka bilaabanto xiriirka bulshadu.
Waxaa jirta xikmad oranaysa: Haddii aad doonaysid in wiilkaagu hagaago saaxiibki
hagaaji. Taa macneheedu waxay noqonaysaa, wiilkaaga daji meel uu ka helayo saaxiib
wanaagsan amaba daris wanaagsan.

Ilmuhu wuxuu ku daydaa marba midka aynigiisa ahi waxa uu samaynayo. Maahmaah ayaa
oranaysay: shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa. Markaa arintu waxay noqonaysaa in
ilmaha tarbiyaddiisu waaridka ka sokow ay ku xiran tahay bulshada uu ku dhex nool
yahay. Markaa su’aashu waxay noqonaysaa sidee ayay noqonaysaa tarbiyadda ilmo ku
dhex koray bulsho aan muslim ahayn?


KHATARTA KU KORIDDA DHULKA GAALADA

Runtii wax badan ayay culimadu ka hadashay khatarta iyo dhibaatada ku sugan ku
noolaanta dhulka gaalada. Doodi kama taagna in ilmaha ku dhex kora bulsho leh dhaqan
iyo diin ka duwan midda bulshada uu u dhashay ay haysataa uu la kulmayo dhibaatooyin
iyo caqabado badan oo intooda badan aanu ka dabbaalan Karin. Ilmaha muslimka ah ee
dhulalka galbeedka ku kora waxaa runtii mustaqbalkiisa ku jira shakki weyn oo aan
baaxaddiisa la suurayn Karin. Dhibaatooyinkaasi waxay ka iman karaan dhanka Diinta,
dhaqanka iyo akhlaaqda iyo xagga afka ama luqadda.Aabbe ka mid ah kuwa carruurta ku
koriya dhulalka galbeedka ayaa laga soo xigtay inuu yiri: Inaan dhulalkan joogno
waxay la mid tahay sida nin doon yar badda dhexdeeda saaran. Iskama ilaalin karno
qoyaan iyadoo ay dhan walba nooga dhacayaan mawjado iyo hirar.


Dhibaatooyinka xagga Diinta.

Mar haddii uu ilmihii ku dhex nool yahay bulsho aan muslim ahayn rajada xagga diinta
ee laga qabaa aad ayay u yar tahay. Arintaa waxaa aad u dareemi kara dadka la
shaqeeya hay’adaha ka shaqeeya arimaha carruurta , macallimiinta iskuulada iyo kuwa
dugsiyada laba-maalmeedlaha ah ee dhulalkan reer galbeedka wax ka dhiga. Ilmuhu
waxay fursad heli karaan oo ay dugsi aadi karaan maalmaha wadamadan fasaxa laga
yahay ee sabtida iyo axadda, inta kale waxay aadaan iskuulka, cidda macallinka
iskuulka uga ahina waan ka dharagsannahay inaanay diin u sheegine ee wixii looga
bixi lahaa inay u sheegaan ayba u badan tahay. Qorshaha iskuulada wadamadan u
dhigani waa in la helo arday diin ka dharla’ oo mabda’ooda iyo dhaqankoodu is
waafaqsan yahay.

Walaal ka mid ah kuwa wadamadan reer galbeedka jooga ayaa iiga waramay arintan:
Macallin ayaa dhawr qof oo ardadiisa ka mid ah ayuu fasalka dhexdiisa meel wada
fariisiyey. Ardaydu waxay ka kala yimaadeen wadamo kala diin ah. Mid walba wuxuu
waydiiyey cidda abuurtay ee uu caabudo. Mid walbaa wuxuu aaminsanaa ayuu sheegay.
Markii midba meel ku dhuftay ayuu macallinkii inta ardaydii kale ku soo jeestay
yiri: Bal eega wax la isku waafaqsan yahay oo diin ah ma jirto, marka qof walboow ha
isku mashquulinnin diin iyo wax la mid ah. Ilmihii  sidaa uu ku yiraahdo macallinkii
uu ka qaadanayey aqoonta sidee xaalkiisu noqon?

 Ilmihii la arko inuu is ilaalinayo ama ka hor imaanaya qorshahooda waxaa la
saarayaa culays dhan walba ah si loogu qasbo inuu qaato waxa loogu yeerayo. Waxaa
lagu sheekaystaa wiil yar oo ay dhaleen laba waarid oo aad ugu dadaala sidii ay
daadkan soo rogmaday inankooda uga samatabixin lahaayeen ay macallimiintiisii ka
dhaadhicin kari waayeen waxyaalihii ay doonayeen. Ilmihii wuxuu ku dhex jiraa laba
macallim oo uu midba mid beeninayo. Iskuulka wixii looga sheego guriga ayuu lagu
beeniyaa, oo la yiraahdaa: maya hooyo ama aabbe waxaasi waa xaaraan, wixii guriga
looga sheegana iskuulka ayaa lagu beeniyaa.  markii ay macallimiintii arkeen in
wiilkan yari uu meel adag ku tiirsan yahay ayay waxay bilaabeen inay cillado kale u
raadiyaan oo ay ku bah-dilaan, sida: Luqadda kuma fiicna, waxba ma fahmo, iwm.
Ilmihii wuxuu u dulqaadan kari waayey inuu ku dhex noolaado laba macallim oo ay yar
tahay waxay isku waafaqayaan.Wuxuu ku qasbanaaday inuu labada dhan mid u go’o.Wuxuu
doortay inuu
 macallimiintiisa aqbalo. Haddii uu sidaa yahay kii ay dhaleen laba waarid oo xil
iska saaraya, sidee noqonayaa kuwa ay dhaleen kuwa aan xilba iska saarin.

Waxaa cibro-qaadasho noogu filan qiso uu Sh. Maxammed Umal uu ku sheegay muxaadaro
uu jeediyey. Wuxuu ka waramay wiil yar oo waaridkii dhalay ay ku dareen reer ay
qaraabo ahaayeen oo qaxootinnimo ku tagay Austaralia. Muddo markii ay wada
noolaayeen ayaa wiilkii iyo reerkii is qabteen, kadibna wuxuu u dacwooday hay’ad
kuwa carruurta qaabilsan ah, wuxuuna u sheegay inaanay reerkani dhalin. Hay’addii
wiilkii yaraa waa kaxaysteen, waxayna u geeyeen qolada kaniisadaha. Wiilkii yaraa
wuxuu hadda ka yahay meel kaniisad ah kuwa dadka u yeera(Muaddin).

Ugaarsiga gaarka ah ee ilmaha lagu hayo waxaa dheer siyaasadda guud ee ku wajahan
dadyowga muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa ku dhex nool wadamada aan muslimka ahayn.
Waxaa dadka muslimiinta ah loo dajiyey qorshe dheer oo ah sidii looga dhigi lahaa
dad aan diin u nasab sheegan. Xattaa qaarkood waxay muslimiinta u quuri kari waayeen
inay diinta  kiristanka soo galaan. Nin ka mid ah baadirayada ugu waaweyn ee
kiristanka  ayaa mar uu la hadlayey qolada diinta kiristanka faafiya ayaa wuxuu
yiri: Ma rabno in dadka muslimiinta ah aad diintooda intaad ka soo bixisaan aad
diinteenna soo galisaan, waayo taasi qaddarin iyo faan ayay u tahay, laakiin waxaan
rabnaa inaad diintooda ka bixisaan oo aad ka dhigtaan kuwa aan diin lahayn.

Waqtigii burburka ugu weyni soomaalida ku dhacay ee ay u soo qaxeen dhulalkan
galbeedka, waxaa iyana sidoo kale la qabay burburkaa wadammo badan oo dad islaam ahi
ku nool yihiin oo iyana burburay. Markii la arkay dadkii muslimka ahaa oo ku soo
qulqulaya dhulalka galbeedka ayaa taleefishin ku yaal wadan ka mid ah wadamadan
yurub  wuxuu sii daayey dood ku saabsan sidii dadka loo gaarsiin lahaa diinta
kiristanka. Raggii dooddaa ku jiray baadari ka mid ah ayaa wuxuu yiri: Waxaan
filayaa hadda inaan loo baahnayn in dawladdu dhaqaale badan ay ku bixiso dibadda,
waayo dadkii aannu halkaa uu aadi lahayn, gaar ahaan wadamada soo koraya iyagoo
soconaya ayay inoo yimaadeen.

 

OLOLAHA KIRISTAAMAYNTA SOOMAALIDA

Waxaan jeclaan lahaa qoraal gaaban oo aan ka soo xigtay qoraal dheer oo uu qoray nin
la yiraahdo Eilef J. Gard oo uu uga hadlayo xaaladda kiristaamaynta Soomaalida inaan
soo qaato. Qoraalkaas wuxuu  qoraagu ku qoray luqadda Noorwiijiga, qofkii u baahanna
wuxuu ka akhrisan karaa cinwaankan www.fjellhaug.no

Qoraalka oo aan si guud ahaana  u soo turjumay wuxuu leeyahay: Sida dadka kale
Soomaalida waxaa laga helaa koox kiristaan ah. Qiyaastii waa ilaa Kun ku dhawaad.
Qaar waxay kiristaanka qaateen waqtigii gumaysigii ingiriiska iyo talyaaniga,
tusaale ahaan  xaaska madaxweynihii hore ee Somaliland(Maxammed X. Ibraahin Cigaal)
waa kiristaan.Waxay hadda gacanta ku haysaa isbitaal ku yaal Hargaysa.Menonittene
waxay ka wadday hawl kiristaamayn ah koonfurta Somaaliya kontomeeyadii iyo
lixdameeyadii, laakiin waxay wadanka ka bexeen markii Siyaad barre uu wadanka
afgambiga ku qabsaday. Sidoo kale waxaa iyana ka baxay SIM. Ururo kale ayaa waxay ka
dhismeen Somaliland iyo agagaarka Muqdisho sagaashameeyadii, tusaale ahaan IAS.
Kenya iyo Itoobiya waxaa jira dhawr urur iyo kaniisado oo hawl ka wada soomaalida
dhexdeeda iyo qaar ku jira diyaargarow. Intii ay hawsha ku jireen ururradaasi waxaa
diinta kiristaanka qaatay dhawr soomaali ah. Dhanka waqooyi-bari Kenya dhawr urur
ayaa waxay ka wad! aan wada shaqayn, waxaana ka mid ah, Scripture Mision iyo Pinsevenner, waxayna ka dhex
wadaan Soomaalida dhexdeeda.

Gudaha Norway waxaa jooga xoogaa kiristan soomaali ah oo gaaraya ilaa toban. Qaar ka
mid ah ururada kiristaanka ayaa waxay shaqo ka wadaan soomaalida Norway joogta,
waxaana ka mid ah, Kristent interkulturelt arbeid (KIA).Waxay wadaan mashruucyo ay
ka mid yihiin in ardayda laga caawiyo casharada(leksehjelp), iyo ururada haweenka.
KIA waxa kale oo ay xaafadda Grorud ee Oslo ka waddey muddo dhawr sano ah mashruuc,
waxayna xoogga saaraysay arimaha qoysaska. Waxaa intaa dheer oo ay soomaalida
dhexdeeda ku leedahay shaqsiyaad saaxiibbo ah iyo kuwa ay la xiriirto.


Qoraalkani wuxuu si buuxda inoogu muujinayaa waxayaabaha wadankeennii ka socda ee ah
kiristaamaynta iyo sida aan u moognahay.waxa kale oo aan ka arkaynaa sida ay
baylahda u yihiin kuwa u soo qaxay dhulalkan galbeedka. Waxaa halkaa ka baxaya
hadalkii ahaa, Soomaalidu boqolkiiba boqol waa muslim.

Haddii ALLAAH idmo qaybaha ka haray qoraalka dib ayaa laga soo galin doonaa.

C/qaadir C. Diini

Abuyuunus@yahoo.com
abuuyuunas@yahoo.com