WAA SIDEE XAALKA UBADKEENNA KU NOOL
QURBAHA?
Waxaan shaki ku jirin in dadku yar iyo weynba ay u baahan yihiin
tarbiyad
wanaagsan, laakiin waqtiga loogu baahi badan yahay ay tahay
waqtiga carruurnimada.
Baahidaa dheeraadka ah darteed islaamku wuxuu siiyay
barbaarinta carruurta ahmiyad
weyn. Xadiis ayuu Nabigu NNKA wuxuu ku yiri macnihiisu yahay
(Ma jiro ilmo dhasha oo
aan ku dhalan Fidro (Diin toosan) laakiin labadiisa waalid
ayaa ka dhiga nasraani,
yuhuudi ama majuusi . Xadiiskani wuxuu ina tusinayaa in
barbaarinta ilmuhu ay ku
xiran tahay hadba sida ay u dooraan labada waalid, oo wuxuu
qaadanayaa hadba
dhaqanka iyo diinta ay haystaan dadka barbaarinaya.
Tarbiyadda carruurtu waxay bilaabantaa inta aanu ilmuhu
dhalan. Waxay ka bilaabantaa
in ilmaha loo dooro inay hooyo u noqoto gabar wanaagsan,
sidaa darteed ayuu nabigu
nagu boorriyey in waxa aan gabar ku dooranayno ay ugu
horrayso Diintu. Sidoo kale
waxa aanu ilmuhu ka maarmin oo uu u baahan yahay in iyana
loo dooro daris wanaagsan,
dugsi wanaagsan, deegaan wanaagsan iyo bulsho wanaagsan.
Haddii uu ilmuhu waayo mid ka mid ah waxyaalaha aan kor ku
xusnay waxay
barbaarintiisu noqonaysaa mid kala dhimman. Haddii ilmuhu
helo Aabbe iyo hooyo
wanaagsan wuxuu helay lafdhabartii tarbiyaddiisa.
Waxyaalaha kale ee kaabayaasha ah ee aanu ilmuhu ka maarmin
sida aan soo sheegnayba
waxaa ka mid ah bulsho wanaagsan. Soomaalidu waxay ku
maahmahdaa (Dariskaagu
diintiisa ayuu kuu yeelaa). Darisku waa halka ay ka
bilaabanto xiriirka bulshadu.
Waxaa jirta xikmad oranaysa: Haddii aad doonaysid in
wiilkaagu hagaago saaxiibki
hagaaji. Taa macneheedu waxay noqonaysaa, wiilkaaga daji
meel uu ka helayo saaxiib
wanaagsan amaba daris wanaagsan.
Ilmuhu wuxuu ku daydaa marba midka aynigiisa ahi waxa uu
samaynayo. Maahmaah ayaa
oranaysay: shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa. Markaa
arintu waxay noqonaysaa in
ilmaha tarbiyaddiisu waaridka ka sokow ay ku xiran tahay
bulshada uu ku dhex nool
yahay. Markaa su’aashu waxay noqonaysaa sidee ayay
noqonaysaa tarbiyadda ilmo ku
dhex koray bulsho aan muslim ahayn?
KHATARTA KU KORIDDA DHULKA GAALADA
Runtii wax badan ayay culimadu ka hadashay khatarta iyo
dhibaatada ku sugan ku
noolaanta dhulka gaalada. Doodi kama taagna in ilmaha ku
dhex kora bulsho leh dhaqan
iyo diin ka duwan midda bulshada uu u dhashay ay haysataa uu
la kulmayo dhibaatooyin
iyo caqabado badan oo intooda badan aanu ka dabbaalan Karin.
Ilmaha muslimka ah ee
dhulalka galbeedka ku kora waxaa runtii mustaqbalkiisa ku
jira shakki weyn oo aan
baaxaddiisa la suurayn Karin. Dhibaatooyinkaasi waxay ka
iman karaan dhanka Diinta,
dhaqanka iyo akhlaaqda iyo xagga afka ama luqadda.Aabbe ka
mid ah kuwa carruurta ku
koriya dhulalka galbeedka ayaa laga soo xigtay inuu yiri:
Inaan dhulalkan joogno
waxay la mid tahay sida nin doon yar badda dhexdeeda saaran.
Iskama ilaalin karno
qoyaan iyadoo ay dhan walba nooga dhacayaan mawjado iyo
hirar.
Dhibaatooyinka xagga Diinta.
Mar haddii uu ilmihii ku dhex nool yahay bulsho aan muslim
ahayn rajada xagga diinta
ee laga qabaa aad ayay u yar tahay. Arintaa waxaa aad u
dareemi kara dadka la
shaqeeya hay’adaha ka shaqeeya arimaha carruurta ,
macallimiinta iskuulada iyo kuwa
dugsiyada laba-maalmeedlaha ah ee dhulalkan reer galbeedka
wax ka dhiga. Ilmuhu
waxay fursad heli karaan oo ay dugsi aadi karaan maalmaha
wadamadan fasaxa laga
yahay ee sabtida iyo axadda, inta kale waxay aadaan iskuulka,
cidda macallinka
iskuulka uga ahina waan ka dharagsannahay inaanay diin u
sheegine ee wixii looga
bixi lahaa inay u sheegaan ayba u badan tahay. Qorshaha
iskuulada wadamadan u
dhigani waa in la helo arday diin ka dharla’ oo mabda’ooda
iyo dhaqankoodu is
waafaqsan yahay.
Walaal ka mid ah kuwa wadamadan reer galbeedka jooga ayaa
iiga waramay arintan:
Macallin ayaa dhawr qof oo ardadiisa ka mid ah ayuu fasalka
dhexdiisa meel wada
fariisiyey. Ardaydu waxay ka kala yimaadeen wadamo kala diin
ah. Mid walba wuxuu
waydiiyey cidda abuurtay ee uu caabudo. Mid walbaa wuxuu
aaminsanaa ayuu sheegay.
Markii midba meel ku dhuftay ayuu macallinkii inta ardaydii
kale ku soo jeestay
yiri: Bal eega wax la isku waafaqsan yahay oo diin ah ma
jirto, marka qof walboow ha
isku mashquulinnin diin iyo wax la mid ah. Ilmihii
sidaa uu ku yiraahdo macallinkii
uu ka qaadanayey aqoonta sidee xaalkiisu noqon?
Ilmihii la arko inuu is ilaalinayo ama ka hor imaanaya qorshahooda waxaa
la
saarayaa culays dhan walba ah si loogu qasbo inuu qaato waxa
loogu yeerayo. Waxaa
lagu sheekaystaa wiil yar oo ay dhaleen laba waarid oo aad
ugu dadaala sidii ay
daadkan soo rogmaday inankooda uga samatabixin lahaayeen ay
macallimiintiisii ka
dhaadhicin kari waayeen waxyaalihii ay doonayeen. Ilmihii
wuxuu ku dhex jiraa laba
macallim oo uu midba mid beeninayo. Iskuulka wixii looga
sheego guriga ayuu lagu
beeniyaa, oo la yiraahdaa: maya hooyo ama aabbe waxaasi waa
xaaraan, wixii guriga
looga sheegana iskuulka ayaa lagu beeniyaa. markii ay
macallimiintii arkeen in
wiilkan yari uu meel adag ku tiirsan yahay ayay waxay
bilaabeen inay cillado kale u
raadiyaan oo ay ku bah-dilaan, sida: Luqadda kuma fiicna,
waxba ma fahmo, iwm.
Ilmihii wuxuu u dulqaadan kari waayey inuu ku dhex noolaado
laba macallim oo ay yar
tahay waxay isku waafaqayaan.Wuxuu ku qasbanaaday inuu
labada dhan mid u go’o.Wuxuu
doortay inuu
macallimiintiisa aqbalo. Haddii uu sidaa yahay kii ay dhaleen laba waarid
oo xil
iska saaraya, sidee noqonayaa kuwa ay dhaleen kuwa aan xilba
iska saarin.
Waxaa cibro-qaadasho noogu filan qiso uu Sh. Maxammed Umal
uu ku sheegay muxaadaro
uu jeediyey. Wuxuu ka waramay wiil yar oo waaridkii dhalay
ay ku dareen reer ay
qaraabo ahaayeen oo qaxootinnimo ku tagay Austaralia. Muddo
markii ay wada
noolaayeen ayaa wiilkii iyo reerkii is qabteen, kadibna
wuxuu u dacwooday hay’ad
kuwa carruurta qaabilsan ah, wuxuuna u sheegay inaanay
reerkani dhalin. Hay’addii
wiilkii yaraa waa kaxaysteen, waxayna u geeyeen qolada
kaniisadaha. Wiilkii yaraa
wuxuu hadda ka yahay meel kaniisad ah kuwa dadka u
yeera(Muaddin).
Ugaarsiga gaarka ah ee ilmaha lagu hayo waxaa dheer
siyaasadda guud ee ku wajahan
dadyowga muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa ku dhex nool
wadamada aan muslimka ahayn.
Waxaa dadka muslimiinta ah loo dajiyey qorshe dheer oo ah
sidii looga dhigi lahaa
dad aan diin u nasab sheegan. Xattaa qaarkood waxay
muslimiinta u quuri kari waayeen
inay diinta kiristanka soo galaan. Nin ka mid ah
baadirayada ugu waaweyn ee
kiristanka ayaa mar uu la hadlayey qolada diinta
kiristanka faafiya ayaa wuxuu
yiri: Ma rabno in dadka muslimiinta ah aad diintooda intaad
ka soo bixisaan aad
diinteenna soo galisaan, waayo taasi qaddarin iyo faan ayay
u tahay, laakiin waxaan
rabnaa inaad diintooda ka bixisaan oo aad ka dhigtaan kuwa
aan diin lahayn.
Waqtigii burburka ugu weyni soomaalida ku dhacay ee ay u soo
qaxeen dhulalkan
galbeedka, waxaa iyana sidoo kale la qabay burburkaa wadammo
badan oo dad islaam ahi
ku nool yihiin oo iyana burburay. Markii la arkay dadkii
muslimka ahaa oo ku soo
qulqulaya dhulalka galbeedka ayaa taleefishin ku yaal wadan
ka mid ah wadamadan
yurub wuxuu sii daayey dood ku saabsan sidii dadka loo
gaarsiin lahaa diinta
kiristanka. Raggii dooddaa ku jiray baadari ka mid ah ayaa
wuxuu yiri: Waxaan
filayaa hadda inaan loo baahnayn in dawladdu dhaqaale badan
ay ku bixiso dibadda,
waayo dadkii aannu halkaa uu aadi lahayn, gaar ahaan
wadamada soo koraya iyagoo
soconaya ayay inoo yimaadeen.
OLOLAHA KIRISTAAMAYNTA SOOMAALIDA
Waxaan jeclaan lahaa qoraal gaaban oo aan ka soo xigtay
qoraal dheer oo uu qoray nin
la yiraahdo Eilef J. Gard oo uu uga hadlayo xaaladda
kiristaamaynta Soomaalida inaan
soo qaato. Qoraalkaas wuxuu qoraagu ku qoray luqadda
Noorwiijiga, qofkii u baahanna
wuxuu ka akhrisan karaa cinwaankan www.fjellhaug.no
Qoraalka oo aan si guud ahaana u soo turjumay wuxuu
leeyahay: Sida dadka kale
Soomaalida waxaa laga helaa koox kiristaan ah. Qiyaastii waa
ilaa Kun ku dhawaad.
Qaar waxay kiristaanka qaateen waqtigii gumaysigii
ingiriiska iyo talyaaniga,
tusaale ahaan xaaska madaxweynihii hore ee
Somaliland(Maxammed X. Ibraahin Cigaal)
waa kiristaan.Waxay hadda gacanta ku haysaa isbitaal ku yaal
Hargaysa.Menonittene
waxay ka wadday hawl kiristaamayn ah koonfurta Somaaliya
kontomeeyadii iyo
lixdameeyadii, laakiin waxay wadanka ka bexeen markii Siyaad
barre uu wadanka
afgambiga ku qabsaday. Sidoo kale waxaa iyana ka baxay SIM.
Ururo kale ayaa waxay ka
dhismeen Somaliland iyo agagaarka Muqdisho sagaashameeyadii,
tusaale ahaan IAS.
Kenya iyo Itoobiya waxaa jira dhawr urur iyo kaniisado oo
hawl ka wada soomaalida
dhexdeeda iyo qaar ku jira diyaargarow. Intii ay hawsha ku
jireen ururradaasi waxaa
diinta kiristaanka qaatay dhawr soomaali ah. Dhanka
waqooyi-bari Kenya dhawr urur
ayaa waxay ka wad! aan wada shaqayn, waxaana ka mid ah,
Scripture Mision iyo Pinsevenner, waxayna ka dhex
wadaan Soomaalida dhexdeeda.
Gudaha Norway waxaa jooga xoogaa kiristan soomaali ah oo
gaaraya ilaa toban. Qaar ka
mid ah ururada kiristaanka ayaa waxay shaqo ka wadaan
soomaalida Norway joogta,
waxaana ka mid ah, Kristent interkulturelt arbeid (KIA).Waxay
wadaan mashruucyo ay
ka mid yihiin in ardayda laga caawiyo casharada(leksehjelp),
iyo ururada haweenka.
KIA waxa kale oo ay xaafadda Grorud ee Oslo ka waddey muddo
dhawr sano ah mashruuc,
waxayna xoogga saaraysay arimaha qoysaska. Waxaa intaa dheer
oo ay soomaalida
dhexdeeda ku leedahay shaqsiyaad saaxiibbo ah iyo kuwa ay la
xiriirto.
Qoraalkani wuxuu si buuxda inoogu muujinayaa waxayaabaha
wadankeennii ka socda ee ah
kiristaamaynta iyo sida aan u moognahay.waxa kale oo aan ka
arkaynaa sida ay
baylahda u yihiin kuwa u soo qaxay dhulalkan galbeedka.
Waxaa halkaa ka baxaya
hadalkii ahaa, Soomaalidu boqolkiiba boqol waa muslim.
Haddii ALLAAH idmo qaybaha ka haray qoraalka dib ayaa
laga soo galin doonaa.
C/qaadir C. Diini
Abuyuunus@yahoo.com
abuuyuunas@yahoo.com