DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Monday, August 27, 2007

 

QAAXADA (Tuberculosis, TB)   

 

  • Waa maxay Qaaxadu?

TB, ama qaaxadu waa cudur uu keeno bakteeriya lagu magacaabo MYCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Bakteriyadani waxay soo weerari kartaa xubin kasta oo jidhkaaga kamid ah, laakiin inta badan waxay asiibtaa Sambabada.

 

  • See ku fiddaa Qaaxadu (TB)

  •  

Cudurka Qaaxadu wuxuu ugu fidaa dadka dhexdooda marka qof qaba cudurka ama xambaarsan bakteeriyada aan kor kusoo sheegnay uu ku qufoco, ama ku hindhiso hawada, taas oo keenta in bakteeriyadii ay hawada u gudubto kadibna ay sidaas ku neefsadaan dadka ka ag-dhaw hawadii xambaarsanayd bakteeriyada MYOCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Marka qofku uu neefsado hawo xambaarsan bakteeriyada TBda ama Qaaxada, waxay bakteeriyadu degtaa sambabada iyadoo biloowda in ay ku korto halkaas. Markaas kadib ayay soo raacdaa dhiigga iyadoo uga sii gudubta qaybaha kale ee jidhka sida kalyaha, Laf-dhabarta, iyo Maskaxda.

  • Difaaca Jidhka iyo Qaaxada (TB)

Inta badan dadka ay ku dhacdo Bacteeriyada TBda ama Qaaxada, jidhkoodu wuxuu awoodaa in uu la dagaalamo Bacteeriyada si uu uga hortago in ay ku korto jidhka dhexdiisa. Sidaas darteed bakteeriyadii waxay noqotaa hawl-gab (Inactive), laakiin waxay wali ku dhex nooshahay jidhka, waxayna isu badali kartaa Hawl-gal (Active). Dadka nooca hore ee Bakteeriyada qaba malaha wax muujinaya in uu cudurka Qaaxada qabo, kuma fidin karo bakteeriyada dadka kale ee la nool, marka laga baaro jidhkooda waxaa si sahlan loo ogaan karaa in uu qabo TB, ugu danbayntiina haddii uusan qaadan daawo lagula dagaalamo bakteeriyadan hawl-gabka ah waxaa dhacaysa in ay isu badesho mid Hawl-gal ah (Active), gaar ahaan haddii difaaca jidhku uu liito, taas oo ku keenta khatar ballaaran qofkan iyadoo uu ku fidiyo dadka la nool cudurka. Dad fara badan oo qaba bakteeriyada TBda ee hawl-gabka ah (Inactive) ayaa waxaa dhacda in aanay sina u noqon Bakteeriyadu mid shaqaysa (Active).

  • Sideed ku garan kartaa in aad TB qabto  

Dadka qaba TBda waxaa lagu gartaa calaamadaha soo socda:

  • Qandho

  • Miisaankaaga oo hoos u dhaca

  • Habeeynkii oo aad dhididid

  • daal joogto ah

  • Iyo cunta-qaadashada oo kugu yaraata

 

Noocyada Loo baaro Cudurka Qaaxada (TB)

Sadex siyaabood ayaa looga baaraa dadka qaba Cudurka Qaaxada, waxayna kala yihiin:

  1. In lagu sameeyo baaritaan xagga dahaarka jidhka ah, Skin Test.

  2. Raajo (X-ray), taas oo la isticmaalo kadib marka baaritaanka dahaarka jidhku uu muujiyo cudurka jiritaankiisa.

  3. Iyo in qofka xaako laga qaado, taas oo la baaro haddii xaakadu ay siddo jeermiskii cudurka.

 

  • Sideen kula dagaalami karnaa Cudurka Qaaxada (TB)

Sida ugu wanaagsan ee cudurkan Qaaxada lagula dagaalami karo waa in dadka qaba Cudurka TBda ay si joogto ah u qaataan daawada loo qoro.

Dadka iyagu la il-daran cudurkan Qaaxada waxay xambaarsanyihiin jeermis shaqaynaya (Active), kaas oo u gudbi kara dadka aan cudurka qabin. Hadaba sida ugu wanaagsan ee dadkan qaba Cudurka TBda ay ku bogsan karaan waa iyagoo u qaata daawada sidii dhakhaatiirtu ugu qortay. 

Dadka qaba cudurka, laakiin aan jiranayn waxay iyagu xambaarsanyihiin jeermis hawlgab ah (inactive). Waa dhab in aanay jiranayn hadda, laakiin xilli kasta jeermiskan hawlgabka ahi (Inactive) wuxuu isu badali karaa hawlgal (Active) taas oo keenta in ay jiradaan. Hadaba dadkan qaba jeermiska hawlgabka ah waxaa la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoray si ay uga takhalusaan jeermiskii TBda ugana bad-baadaan in ay jiradaan.

Dadka iyagu la nool ama ka agdhow dadka qaba TBda waxaa iyana la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoro si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco cudurka TBda.

 

References: WHO, Tuberculosis net, New York City Dep. Of Health

 

A/Rasaq H. Nuurre

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com