DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Thursday, January 24, 2008

 

QAAXADA (Tuberculosis, TB)   

 

  • Waa maxay Qaaxadu?

TB, ama qaaxadu waa cudur uu keeno bakteeriya lagu magacaabo MYCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Bakteriyadani waxay soo weerari kartaa xubin kasta oo jidhkaaga kamid ah, laakiin inta badan waxay asiibtaa Sambabada.

 

  • See ku fiddaa Qaaxadu (TB)

  •  

Cudurka Qaaxadu wuxuu ugu fidaa dadka dhexdooda marka qof qaba cudurka ama xambaarsan bakteeriyada aan kor kusoo sheegnay uu ku qufoco, ama ku hindhiso hawada, taas oo keenta in bakteeriyadii ay hawada u gudubto kadibna ay sidaas ku neefsadaan dadka ka ag-dhaw hawadii xambaarsanayd bakteeriyada MYOCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Marka qofku uu neefsado hawo xambaarsan bakteeriyada TBda ama Qaaxada, waxay bakteeriyadu degtaa sambabada iyadoo biloowda in ay ku korto halkaas. Markaas kadib ayay soo raacdaa dhiigga iyadoo uga sii gudubta qaybaha kale ee jidhka sida kalyaha, Laf-dhabarta, iyo Maskaxda.

  • Difaaca Jidhka iyo Qaaxada (TB)

Inta badan dadka ay ku dhacdo Bacteeriyada TBda ama Qaaxada, jidhkoodu wuxuu awoodaa in uu la dagaalamo Bacteeriyada si uu uga hortago in ay ku korto jidhka dhexdiisa. Sidaas darteed bakteeriyadii waxay noqotaa hawl-gab (Inactive), laakiin waxay wali ku dhex nooshahay jidhka, waxayna isu badali kartaa Hawl-gal (Active). Dadka nooca hore ee Bakteeriyada qaba malaha wax muujinaya in uu cudurka Qaaxada qabo, kuma fidin karo bakteeriyada dadka kale ee la nool, marka laga baaro jidhkooda waxaa si sahlan loo ogaan karaa in uu qabo TB, ugu danbayntiina haddii uusan qaadan daawo lagula dagaalamo bakteeriyadan hawl-gabka ah waxaa dhacaysa in ay isu badesho mid Hawl-gal ah (Active), gaar ahaan haddii difaaca jidhku uu liito, taas oo ku keenta khatar ballaaran qofkan iyadoo uu ku fidiyo dadka la nool cudurka. Dad fara badan oo qaba bakteeriyada TBda ee hawl-gabka ah (Inactive) ayaa waxaa dhacda in aanay sina u noqon Bakteeriyadu mid shaqaysa (Active).

  • Sideed ku garan kartaa in aad TB qabto  

Dadka qaba TBda waxaa lagu gartaa calaamadaha soo socda:

  • Qandho

  • Miisaankaaga oo hoos u dhaca

  • Habeeynkii oo aad dhididid

  • daal joogto ah

  • Iyo cunta-qaadashada oo kugu yaraata

 

Noocyada Loo baaro Cudurka Qaaxada (TB)

Sadex siyaabood ayaa looga baaraa dadka qaba Cudurka Qaaxada, waxayna kala yihiin:

  1. In lagu sameeyo baaritaan xagga dahaarka jidhka ah, Skin Test.

  2. Raajo (X-ray), taas oo la isticmaalo kadib marka baaritaanka dahaarka jidhku uu muujiyo cudurka jiritaankiisa.

  3. Iyo in qofka xaako laga qaado, taas oo la baaro haddii xaakadu ay siddo jeermiskii cudurka.

 

  • Sideen kula dagaalami karnaa Cudurka Qaaxada (TB)

Sida ugu wanaagsan ee cudurkan Qaaxada lagula dagaalami karo waa in dadka qaba Cudurka TBda ay si joogto ah u qaataan daawada loo qoro.

Dadka iyagu la il-daran cudurkan Qaaxada waxay xambaarsanyihiin jeermis shaqaynaya (Active), kaas oo u gudbi kara dadka aan cudurka qabin. Hadaba sida ugu wanaagsan ee dadkan qaba Cudurka TBda ay ku bogsan karaan waa iyagoo u qaata daawada sidii dhakhaatiirtu ugu qortay. 

Dadka qaba cudurka, laakiin aan jiranayn waxay iyagu xambaarsanyihiin jeermis hawlgab ah (inactive). Waa dhab in aanay jiranayn hadda, laakiin xilli kasta jeermiskan hawlgabka ahi (Inactive) wuxuu isu badali karaa hawlgal (Active) taas oo keenta in ay jiradaan. Hadaba dadkan qaba jeermiska hawlgabka ah waxaa la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoray si ay uga takhalusaan jeermiskii TBda ugana bad-baadaan in ay jiradaan.

Dadka iyagu la nool ama ka agdhow dadka qaba TBda waxaa iyana la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoro si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco cudurka TBda.

 

References: WHO, Tuberculosis net, New York City Dep. Of Health


Daacuunka (Cholera)

  • Waa maxay Daacuunku?

Vibrio Cholerae. Wisconsin University Photo

Cudurka daacuunku amaba Shubanku waa cudur halis ah oo ku dhaca mindhicirada qofka qaba, ayna sababto  Bakteeriya lagau magacaabo Vibrio Cholerae. Cudurkan wuxuu qofka qaba ku keenaa Shuban iyo Matag taas oo keenta biyahii jidhkiisa ku jiray oo ka baxa (Dehydration), sababtana in uu qofku u dhinto haddii aan si dhakhsa ah daawo loola gaarin. Shubankan iyo Matagani waxay ka muuqdaan qofka qaba cudurka 6 saac ilaa 5 maalmood, ama 2 ilaa sadex maalin sida caadiga ah.

  • Sidee dadku ku qaadaan cudurkan Daacuunka

 Sababta ugu weyn ee keenta cudurkan Daacuunka waa iyadoo qofku uu cuno cunto ama cabitaan ay ku wasakhaysantahay bakteeriyada Vibro Cholerae. Dabcan bakteeriyadan waxaa sida oo ay ku nooshahay Saxarada uu dhigo qof horay cudurka u qabay, taas oo sidaan sheegnay u gudubtay cuntadii iyo biyihii dadka intiisa kale ay cabbi ama cuni lahaayeen. Sidoo kale bakteeriyadan V. Cholerae waxaa laga helaa meelaha biyaha leh sida wabiyada iyo xeebaha dhulka u dhow.

 

  • Maxaa lagu daaweeyaa Daacuunka?

Mar haddii aan ogaanay in khatarta ugu weyn ee cudurkan Daacuunku ay ka imaanayso qofkii oo biyihii iyo nafaqadii jighkiisii kujiray ay shuban ahaan ama matag ahaan uga baxayaan, jidka ugu wanaagsan oo qofkan lagu daaweyn karo waxay tahay:

  1. Qofka oo biyo badan afka ama xididada (Intravenous) laga siiyo si loo soo celiyo biyihii jidhkiisa ka baxay.

  2. In la isticmaalo Antibiotics, sida Tetracycline si loo yareeyo Shubanka qofku uu shubmayo.

  3. Iyo ugu danbayntii in lala dagaalamo Bakteeriyadii Saxarada ku jirtay.

 

  • See looga Hortagi karaa Daacuunka? 

Ka hortagga cudurkan daacuunku aad ayay u sahlantahay marka loo eego dhibaatada ballaaran ee uu geysto marka uu ummad meel ku nool uu asiibo. Sida badan laba arimood ayaa halboowle u ah ka hortagga in cudurkani uu dillaco.

  1. Ugu horayntii in marwalba lagu dadaalo isticmaalka biyo nadiif ah. Biyaha dhulka hoostiisa laga keenaa waxay u baahanyihiin in la sifeeyo amaba la hubiyo in aanay sidin wax jeermis ah kahor inta aan cabitaan ahaan loo isticmaalin. Waxaa haboon in biyaha la karkariyo inta aan la isticmaalin amaba lagu dadaalo nadiifnimada meesha biyaha lagu kaydinayo, iyo shayga loo adeegsanayo in lagu soo dhurto ama lagu soo shubto in uu marka horeba uu yahay mid lahubo in uu nadiif yahay.

  2. Waxaa iyana asaas u ah ka hortagga cudurkan Daacuunka in lagu baraarugo in ay lagama maar maan  tahay in si wanaagsan loo asturo waxyaabaha qofka jidhkiisa ka imanaya sida Saxarada. Waxay Saxarada qofka qaba cudurku xero (Source) u tahay bakteeriyada cudurkan Daacuunka, haddii aan si wanaagsan loogu hubsan meel ka fog deegaanka bulshadu ay ku nooshahay waxaa dhacaysa in qofka qabay cudurkan uu si sahlan ugu gudbiyo qofkii aan qabin. Inta badan ma dhacdo in labada qof ay si toos ah u kala qaadaan cudurka.

Waxaa iyana haboon in mar walba lagu dadaalo nadaafadda guud ee qofka, qoyska iyo bulshadaba. Mar walba oo qofku uu cunto doonayo in uu cuno waxaa haboon in uu hubiyo in cuntadan si wanaagsan loo kariyey, sidoo kalana uu mar walba nadiifiyo shayga uu u isticmaalayo cunitaanka cuntada, haday noqon lahayd gacmihiisa, qaadooyinka, saxamada, koobabka, iyo shay kasta oo uu cuntadaas ama cabitankaba u isticmaalayo.

References: WHO, University of Wisconsin ( Department of Bacteriology)


Cudurka AIDS

Waa maxay Aidsku? 

Eray ahaan AIDS wuxuu u taaganyahay "Acquired Immune Deficiency Syndrome"  Taas oo micnaheedu yahay in uu hoos u dhac ama tabar yari uu ku yimaado difaaca jidhka qofka kadibna ay abuuranto dhibaatooyin caafimaad oo abuura cudurro.

Cudurkan AIDS-ka waxaa sababa fayras lagu magacaabo HIV ( Human Immunodeficiency Virus). Marka uu jidhka qofka uu ku dhaco fayraskan (Viruses) HIV, jidhku wuxuu bilaabaa in uu sameeyo ka hortagayaal (Antibodies) kuwaas oo uu jidhku kula dagaalamo fayraskii HIV-ga ee soo weeraray.

Marka hadaba laga baarayo qof bal in uu qabo HIV, dhiiga qofka qaba HIVga waxaa laga dhex helaa Kahortagayaalkii (Antibodies) jidhka qofku u samaystay in uu kula dagaalamo HIV-ga. Taas ayaana muujinaysa in uu qofkan qabo HIV. Sidaas ayaa dadka sida fayraska loogu magacaabay HIV-sidayaal (HIV-Positive).

In qofku sido fauraskii HIV micnaheedu manoqonayso in uu qofku uu qabo Cudurkii AIDSka. Qofkan sida fayraska waxaa dhacda in uusan muddo dheer muujin wax jirro ah. Mar walba oo difaaca jidhka qofku uu yaraado fayraskii HIVguna uu jidhkiisa ku sii bato waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay u sahlanaato kuwii soo weerarayey sida fayrasyada, bakteeriyada iyo kuwo kaleba in ay si fudud ku soo galaan kuna degaan jidhka qofkaas qaba fayraska HIV, difaaca jidhkiisiina uu hoos u dhacay ama tabar dareeyeyba.

See qofku ku qaadaa HIV Viruses?

Sadex arimood ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sahla in qofku uu qaado fayraskii HIVga waxayna kala yihiin:

  1. In uu qofku u galmoodo qof sida Fayraskii HIVga.

  2. In qofku uu ku dhasho( ay hooyadiis tahay qof iyadu siday fayraskii HIVga, amaba uu nuugo naaska hooyo kale oo iyadu qabtay Fayraskan)

  3. Iyo in uu qofku isticmaalo Cirbad(tan laysku duro) uu qof fayraskii HIV Sida ahi uu horay u isticmaalay.

In qofka lagu shubo dhiig laga soo miiray qof horay u qabay Fayraska HIVga. Arintan danbe iyadu aad ayay baryahan danbe ay hoos ugu dhacday, sababtoo ah marka horeba dhiiga lagu shubayo bukaanka u baahan dhiiga waxaa laga baaraa in uu sido fayraskii HIVga iyo fayrasyo kaleba inta aan lagu shubin qofka la doonayo in lagu shubo dhiigaas.

Waa maxay calaamadaha uu muujiyo qofka HIV sidaha ah?

Sida Guud qofka sida HIV Viruska waxaa la orankaraa wuxuu qabaa cudurka AIDSka marka unugyada CD4 (amaba T-4 oo asal ahaan kamid ah noocyada unugyada ee lagu magacaabo T-cells kuwan oo ah qayb kamid ah unugyada cad-cad White Blood Cells)) lagu magacaabo ee kamid ah nidaam difaaceedka jidhku ay gaaraan 14%. Amaba uu qofkan HIV sidaha ah unugyada CD4 kiisu ay ka yaraadaan ilaa 200/mm^3 oo dhiig ah, markaas waxaa la orankaraa qofkani wuxuu qabaa cudurka AIDSka.

Qofkan marka ay xaaladdiisu heerkaas gaartay waxaa aad ugu sahalanaada in ay soo weeraraan infekshanno lagu magacaabo fursad raadiyayaal (opportunistic Infections); waxaana marka ay asiibaan infekshanadan qofkan lagu tilmaamaa in uu qabo cudurka AIDSKA. Kooxdan aan ku magacawnay fursad raadiyayaal ama Opportunistic Infections waxaan ka tilmaami karnaa kuwooda ugu caansan:

  1. PCP (Pneumocystis Pneumonia) oo ah infekshan ku dhaca sanbabada.

  2. KS (Kaposi's sarcoma) oo ahy kansar ku dhaca dahaarka qofka amaba haraga jidhka.

  3. CMV (Cytomegalovirus) oo isna ah infekshan ku dhaca indhaha.

Cudurada la xiriira AIDS-ka waxaa sidoo kale kamid ah buro kansareedyada ku dhaca maskaxda iyo qofka oo miisaankiisu si aad ah hoos ugu dhaco.

Maxaa lagu daaweeyaa cudurka AIDS

Ilaa iyo hadda ma jrto daawo lagu daweeyo cudurka AIDSka oo aan ka ahayn daawooyin kaalmayn kara nidaam difaaceedka jidhaka qofka qaba cudurkan.

See looga hortagi karaa AIDSka

Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudarkan AIDS-ka waa iyadoo qofku si taxadar leh iskaga ilaaliyo sadexdii siyaabood ee muujinayey sida qofku ku qaadi karo cudurkan oo kala ahaa:

  1. In qofku iska ilaaliyo in uu u galmoodo qof sida HIV Virus..

  2. In qofku ka digtoonaado isticmaalka Irbadaha horay qofkale u isticmaalay oo ay dhici karto in ay siddo fayraskii HIVga.

  3. Iyo in aan la isticmaalin dhiig aan laga baarin cudurada halista ah kahor inta aan qofka lagu shubin.

 

Waxaa diyaariyey Tifaftirka Alldalka.com.

References: AIDS infonet, WHO, AIDS.ORG

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education/sports




Meherad iyo Macaash

Q.1| 2 | A. A. Farah

Q. 2aad


Cudurada faafa

-Cudurka Qaaxada (TB)

-Cudurka Daacuunka (Cholera)

-Cudurka AIDS-ka? 


Health News:

Ilmo yar oo dhibaataysan: Caawi>

-Second Gene That Increases

-Overweight women at ...

-Q&A: diabetes drug risk...

-5 operations you don't want..

-Pot Ups Risk for Mental..

-Swabs in Hand, Hospital Cuts

-Family, May Spread Obesity

                  More News>>> 


Education News:

-Qalin-jabinta Amoud Unive.

-Making a Hard-Life Story

-UNICEF's report on Somalia

-University Fires President..

-Cost of private education...

-University of Gedo oo loogu..

                  More News>>


Sports News: New

-McClaren planning Carragher

-Reyes completes move to..

-Iraq inspires fans with Asian.

-Adu close to signing with..


Business News:

-USA Gold Live

-Money Exchange Rates


Islamicity.com