|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|||||
|
Thursday, January 24, 2008
QAAXADA (Tuberculosis, TB)
TB, ama qaaxadu waa cudur uu keeno bakteeriya lagu magacaabo MYCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Bakteriyadani waxay soo weerari kartaa xubin kasta oo jidhkaaga kamid ah, laakiin inta badan waxay asiibtaa Sambabada.
Noocyada Loo baaro Cudurka Qaaxada (TB) Sadex siyaabood ayaa looga baaraa dadka qaba Cudurka Qaaxada, waxayna kala yihiin:
Sida ugu wanaagsan ee cudurkan Qaaxada lagula dagaalami karo waa in dadka qaba Cudurka TBda ay si joogto ah u qaataan daawada loo qoro. Dadka iyagu la il-daran cudurkan Qaaxada waxay xambaarsanyihiin jeermis shaqaynaya (Active), kaas oo u gudbi kara dadka aan cudurka qabin. Hadaba sida ugu wanaagsan ee dadkan qaba Cudurka TBda ay ku bogsan karaan waa iyagoo u qaata daawada sidii dhakhaatiirtu ugu qortay. Dadka qaba cudurka, laakiin aan jiranayn waxay iyagu xambaarsanyihiin jeermis hawlgab ah (inactive). Waa dhab in aanay jiranayn hadda, laakiin xilli kasta jeermiskan hawlgabka ahi (Inactive) wuxuu isu badali karaa hawlgal (Active) taas oo keenta in ay jiradaan. Hadaba dadkan qaba jeermiska hawlgabka ah waxaa la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoray si ay uga takhalusaan jeermiskii TBda ugana bad-baadaan in ay jiradaan. Dadka iyagu la nool ama ka agdhow dadka qaba TBda waxaa iyana la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoro si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco cudurka TBda.
References: WHO, Tuberculosis net, New York City Dep. Of Health Daacuunka (Cholera)
Sababta ugu weyn ee keenta cudurkan Daacuunka waa iyadoo qofku uu cuno cunto ama cabitaan ay ku wasakhaysantahay bakteeriyada Vibro Cholerae. Dabcan bakteeriyadan waxaa sida oo ay ku nooshahay Saxarada uu dhigo qof horay cudurka u qabay, taas oo sidaan sheegnay u gudubtay cuntadii iyo biyihii dadka intiisa kale ay cabbi ama cuni lahaayeen. Sidoo kale bakteeriyadan V. Cholerae waxaa laga helaa meelaha biyaha leh sida wabiyada iyo xeebaha dhulka u dhow.
Mar haddii aan ogaanay in khatarta ugu weyn ee cudurkan Daacuunku ay ka imaanayso qofkii oo biyihii iyo nafaqadii jighkiisii kujiray ay shuban ahaan ama matag ahaan uga baxayaan, jidka ugu wanaagsan oo qofkan lagu daaweyn karo waxay tahay:
Ka hortagga cudurkan daacuunku aad ayay u sahlantahay marka loo eego dhibaatada ballaaran ee uu geysto marka uu ummad meel ku nool uu asiibo. Sida badan laba arimood ayaa halboowle u ah ka hortagga in cudurkani uu dillaco.
Waxaa iyana haboon in mar walba lagu dadaalo nadaafadda guud ee qofka, qoyska iyo bulshadaba. Mar walba oo qofku uu cunto doonayo in uu cuno waxaa haboon in uu hubiyo in cuntadan si wanaagsan loo kariyey, sidoo kalana uu mar walba nadiifiyo shayga uu u isticmaalayo cunitaanka cuntada, haday noqon lahayd gacmihiisa, qaadooyinka, saxamada, koobabka, iyo shay kasta oo uu cuntadaas ama cabitankaba u isticmaalayo. References: WHO, University of Wisconsin ( Department of Bacteriology) Cudurka AIDS Waa maxay Aidsku? Eray ahaan AIDS wuxuu u taaganyahay "Acquired Immune Deficiency Syndrome" Taas oo micnaheedu yahay in uu hoos u dhac ama tabar yari uu ku yimaado difaaca jidhka qofka kadibna ay abuuranto dhibaatooyin caafimaad oo abuura cudurro. Cudurkan AIDS-ka waxaa sababa fayras lagu magacaabo HIV ( Human Immunodeficiency Virus). Marka uu jidhka qofka uu ku dhaco fayraskan (Viruses) HIV, jidhku wuxuu bilaabaa in uu sameeyo ka hortagayaal (Antibodies) kuwaas oo uu jidhku kula dagaalamo fayraskii HIV-ga ee soo weeraray. Marka hadaba laga baarayo qof bal in uu qabo HIV, dhiiga qofka qaba HIVga waxaa laga dhex helaa Kahortagayaalkii (Antibodies) jidhka qofku u samaystay in uu kula dagaalamo HIV-ga. Taas ayaana muujinaysa in uu qofkan qabo HIV. Sidaas ayaa dadka sida fayraska loogu magacaabay HIV-sidayaal (HIV-Positive). In qofku sido fauraskii HIV micnaheedu manoqonayso in uu qofku uu qabo Cudurkii AIDSka. Qofkan sida fayraska waxaa dhacda in uusan muddo dheer muujin wax jirro ah. Mar walba oo difaaca jidhka qofku uu yaraado fayraskii HIVguna uu jidhkiisa ku sii bato waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay u sahlanaato kuwii soo weerarayey sida fayrasyada, bakteeriyada iyo kuwo kaleba in ay si fudud ku soo galaan kuna degaan jidhka qofkaas qaba fayraska HIV, difaaca jidhkiisiina uu hoos u dhacay ama tabar dareeyeyba. See qofku ku qaadaa HIV Viruses? Sadex arimood ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sahla in qofku uu qaado fayraskii HIVga waxayna kala yihiin:
In qofka lagu shubo dhiig laga soo miiray qof horay u qabay Fayraska HIVga. Arintan danbe iyadu aad ayay baryahan danbe ay hoos ugu dhacday, sababtoo ah marka horeba dhiiga lagu shubayo bukaanka u baahan dhiiga waxaa laga baaraa in uu sido fayraskii HIVga iyo fayrasyo kaleba inta aan lagu shubin qofka la doonayo in lagu shubo dhiigaas. Waa maxay calaamadaha uu muujiyo qofka HIV sidaha ah? Sida Guud qofka sida HIV Viruska waxaa la orankaraa wuxuu qabaa cudurka AIDSka marka unugyada CD4 (amaba T-4 oo asal ahaan kamid ah noocyada unugyada ee lagu magacaabo T-cells kuwan oo ah qayb kamid ah unugyada cad-cad White Blood Cells)) lagu magacaabo ee kamid ah nidaam difaaceedka jidhku ay gaaraan 14%. Amaba uu qofkan HIV sidaha ah unugyada CD4 kiisu ay ka yaraadaan ilaa 200/mm^3 oo dhiig ah, markaas waxaa la orankaraa qofkani wuxuu qabaa cudurka AIDSka. Qofkan marka ay xaaladdiisu heerkaas gaartay waxaa aad ugu sahalanaada in ay soo weeraraan infekshanno lagu magacaabo fursad raadiyayaal (opportunistic Infections); waxaana marka ay asiibaan infekshanadan qofkan lagu tilmaamaa in uu qabo cudurka AIDSKA. Kooxdan aan ku magacawnay fursad raadiyayaal ama Opportunistic Infections waxaan ka tilmaami karnaa kuwooda ugu caansan:
Cudurada la xiriira AIDS-ka waxaa sidoo kale kamid ah buro kansareedyada ku dhaca maskaxda iyo qofka oo miisaankiisu si aad ah hoos ugu dhaco. Maxaa lagu daaweeyaa cudurka AIDS Ilaa iyo hadda ma jrto daawo lagu daweeyo cudurka AIDSka oo aan ka ahayn daawooyin kaalmayn kara nidaam difaaceedka jidhaka qofka qaba cudurkan. See looga hortagi karaa AIDSka Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudarkan AIDS-ka waa iyadoo qofku si taxadar leh iskaga ilaaliyo sadexdii siyaabood ee muujinayey sida qofku ku qaadi karo cudurkan oo kala ahaa:
Waxaa diyaariyey Tifaftirka Alldalka.com. References: AIDS infonet, WHO, AIDS.ORG
|
Health & Education/sports Q.1| 2 | A. A. Farah Cudurada faafa -Cudurka Daacuunka (Cholera) Health News: Ilmo yar oo dhibaataysan: Caawi> -5 operations you don't want.. More News>>> Education News: -Qalin-jabinta Amoud Unive. -University of Gedo oo loogu.. More News>> Sports News: New -Iraq inspires fans with Asian. Business News: |