|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|
|
Saturday, December 27, 2008
F.G: Qoraalkan waxaa lagu daabacay bogga Alldalka.com Saturday, December 27, 2008; xilligas waxaa Djibouti ka socdey shirkii lagu dhex dhexaadineyey Labadii garab ee ay kala hogaamina- yeen Shariif Sh. Axmed iyo Nuur Xassan Xuseen. Qoraalkani wuxuu muujinayey dhaliilaha iyo khaladaadka ka muuqdey habka uu u socdey shirkaas. Khaladaadka ka muuqda Shirka Djibouti (III) Idris Osman Waxaa heshiiska ay ku kala saxiixdeen Djibouti, labada garab ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Nuur Cadde ka muuqda dhaliilo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: b) labada qaybood ee heshiiska gaarey oo aan matali karin bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, t) qodobada looga hadlayo kulanka waxay inta badan ku kooban yihiin Muqdisho iyo nawaaxigeeda, j) kooxaha mucaaradka ah ee dagaalada ka wada Soomaaliya oo aan qayb ka ahayn kulanka, x) qayb ka mid ah DFK oo ka didsan qaabka loo agaasimey kulanka, kh) gacmaha shisheeye ee aan ka marnayn madasha shirka, d) xukuumadda Djibouti oo aan dhedhexaad u muuqan. Sanadkii 1991kii, markii ay meesha ka baxday xukuumaddii uu gar wadeenka ka ahaa Marxuum, Gen. Maxamed Siyaad Barre, ayna talada gacanta ku dhigeen "shacabku", isla mar ahaantaasna uu sharcigu noqday mid ay gacmahooda ku fuliyaan dadweynuhu, Soomaaliya waxay ku sii libiqday haadaantii ay horayba u dhex jiiftey. Dagaallo dhibaato baaxad leh geystey ka dib, waxaa Madaxweynihii hore ee Djibouti, Xassan Guuleed Abti doon, oo kaashanaya xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobey, Butrus Ghali, uu shir isugu yeeray dhawr kooxood oo ay ka mid ahaayeen kooxdii la magac baxday Manafesto ee dhankooda aaminsanaa in ay dadaal ugu jireen badbaadinta dalka, balse qayb ka noqday burburkii dalka, shakhsiyaad magac ku lahaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo si xirfadaysan loo soo xulay, iyo dad aad u yaraa oo ka socdey bulshada rayidka, balse aan wax door ah ku lahayn kulanka. Go'aamada shirkaas ka soo baxay, waxaa ugu muhiimsanaa in ciidamadii markaas dalka ka jirey, booliska, milateriga iyo kuwii loo yaqaaney nabad sugiddu, ay hubkooda ku wareejiyaan, sadexdii jabhadood ee kala ahaa SNM (Hargaysa), USC (Muqdisho) iyo SPM (af-gooye). Waxay keentay go'aamada ka soo baxay kulankaas in qof kasta oo ka tirsanaa ciidankii markaas tuutaha xidhnaa uu hubkiisa ula dhaqaaqo deegaankii uu ka soo jeedey. Soomaaliya, oo ah 18 gobol, wuxuu ku keenay heshiikii Djibouti (I) dhibaato baaxad leh iyo dagaallo sokeeye oo aad loogu riiqday. Waxaa sidoo kale heshiiska Djibouti (I) uu sabab u ahaa dagaaladii ka qarxay Muqdisho ee u dhexeeyey marxuum Gen. Maxamed Farax Caydiid iyo Cali Mahdi oo Muqdisho kula soo laabtay in uu yahay madaxweyne ay doorteen Soomaali oo dhan, mar haddii intii yarayd ee Djibouti ku shirtay ay go'aamisey in aan hogaanka dalka isaga looga sokeyn. Wuxuu ahaa heshiiska Djibouti (I) khiyaamo loo maleegey Soomaalida, ase ay garan waayeen shakhsiyaadkii Xassan Guuleed isugu yeedhay Djibouti. b) Shirka Djibouti (III) wuxuu u dhexeeya laba kooxood oo isku aragti ah Dad badan oo Soomaali ah ayaa qaba in labada qaybood ee ku kulansan Djibouti aysan matali karin guud ahaan Soomaalida, maxaa yeelay, labadooduba waxay ka soo jeedaan hal gobol: gobolka Banaadir. Xujadaan waxay u muuqataa mid caqli gal ah, marka la eego hab dhaqanka Soomaalida iyo siyaasiyiintodaba. Sheikh Shariif Sheikh Axmed waa guddoomiyaha qayb ka mid ah garabyada tirada badan ee mucaaradka ku ah DFK. Waxay dad badan maanta u arkaan in uusan ahayn Sheikh Shariifkii laba sano ka hor ka dhex muuqdey saaxada siyaasadda ee Soomaalida. Waxay dad badan ay ku doodayaan in Shiikhu uu lumiyey taageerada dad badan oo Soomaali ah oo ka baxsan gobolka Banaadir; sababaha keenay in uu lumiyo dadkaasna waxaa loo malayn karaa in ay tahay isaga oo ugu muuqday dad badan in uu u xuub siibtey siyaasi jago doon ah, oo u gacan galay quwado shisheeye; meel mariyey qodobbo loo meeriyey oo aan khuseyn danaha qadiyadda Soomaalida. Balse, wuxuu ku doodayaa shiikhu sida kaliya ee dalka looga saari karo dhibaatada haysata in ay tahay in Soomaalidu ay dareemaan waaqaca jira , isla mar ahaantaasna aan xal lagu gaari karin, kaliya, dagaal, sidaas darteedna uu go'aansaday in uu u hogaansamo talooyinka loo gudbiyey. Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde, R/wasaaraha xukuumadda federaalka kumeel gaarka, waa siyaasi ruug caddaa ah; waa nin aad u dhegeysta qofka la hadlaya; waana nin soo jiitey wadamada iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa isla deegaanka Sheikh Shariif Sheikh Axmed, gobolka Banaadir. Siyaasad ahaan isma diidanayn isaga iyo Sheikh Shariif, wixii ka danbeeyey markii Sheikh Shariif ka soo goostay xaruntii Isbahaysiga mucaaradka ku ah DFK, Asmara. Dadka sida hoose ugu dhabba galay shirka Djibouti (III) waxay rumaysan yihiin in labada nin Sheikh Shariif iyo Nuur Cadde aysan mabda' ahaanba is khilaafsanayn waxaan ka ahayn joogitaan ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya iyo sidii dalka looga saari lahaa. Sheikh Shariif wuxuu rumaysan yahay, go'aanna u ah in xalka Soomaaliya uu ku jiro in ciidamada Ethiopia maantaba ka huleelaan Soomaaliya, halka Nuur Cadde, oo siyaasad ahaan ay isku wanaagsan yihiin Adisababa, uu door bidayo in ciidamada Ethiopia ay la mid noqdaan kuwa kale ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Su'aashuse waxay tahay, labadan nin ee isku gobolka ka soo jeedda, marka la eego xasaasiyadda dhex taal dadka Soomaalida, ma mateli karaan qaybaha kala duwan ee Soomaalida? waa maya. t) Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed oo kulanka ka maqan Arintan waxay ku keeni kartaa shirka ka socda Djibouti in uu gebi ahaanba noqon waayo mid mira dhal ah. Waxaa jira dad badan oo waxgarad iyo aqoonyahanba ka kooban oo Soomaali ah, kuna sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, talooyin wanaagsanna ku biirin lahaa kulanaka; hoga tusaalaynlahaana halka uu qalloocu ka galay. Waxaa muuqata in shirka Djibouti (III) uu yahay oraahdii ahayd: Either may way or the highway; taas oo macneheedu yahay ama shirka Djibouti go'aamada ka soo baxa siduu yahay u qaado, ama badda biyo ka cab. Waxay noqonaysaa dhibaato weyn iyo khalad kale oo laga galay Soomaalida haddii la dayaco waxgaradkooda iyo aqoonyahankooda labadaba; sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la baadi goobo qaybtaas muhiimka ah ee shirka ka maqan, si go'aammo dhaxal gal ah ay uga soo baxaan kulanka, aysanna fursaddaani u noqon mid meel cidla ah ku biyo dhacda. Waxaa laga yaabaa in dadka abaabulaya shirka Djibouti (III) ay yaraysanayaan waxtarka waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaalida, iyagoo cillad uga dhigi kara in aanay qayb ka ahayn khilaafka maanta ka aloosan Soomaaliya. Doorka waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee shirka Djibouti (III), kaliya ma aha in loo muujiyo in aanay qayb ka ahayn dhibaatada Soomaaliya, waxaase lagama maar maan ah in loo arko in xalka Soomaaliya uu ka imaan karo haddii si dhab ah looga faa'iidaysto awoodda qarsoon ee waxgaradka iyo aqoonyahanka. j) Kooxaha mucaaradka ah ee dagaalada ka wada Soomaaliya oo aan qayb ka ahayn kulanka. Waxaa lama huraan ah, haddii kooxaha abaabuley kulanka Djibouti (III) ay danaynayaan in guul laga gaaro shirka, in la baadi goobo kooxaha dagaalada ka wada Soomaaliya; ama ha ahaadeen kuwo ka soo hor jeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ay joogaan Soomaaliya, ama ha ahaadeen kuwo mabda'a ahaan rumaysan in Soomaaliya kaliya aanuu dagaaladoodu ku ekaan doonin. Waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed, intiisa badan, uusan diyaar u ahayn dagaallo ka sii socda dalka haddii ciidamada Ethiopia iyo faragelinteeduba ay bannaanka ka noqdaan dalka Soomaaliya. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in lagu soo daro wada xaajoodka kooxaha maqan oo la rumaysnaan karo in si gooni ah loo tag xidhay. X) Qayb ka mid ah DFK oo ka didsan heshiiska Djibouti Waxaa si cad u muuqda in madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo taageerayaashiisuba ay ka biyo diidan yihiin heshiiska Djibouti (III). Madaxweynaha iyo dadka la fikirka ah waxay aaminsan yihiin in shirka Djibouti uusan ahayn mid si dheelli tiran looga qayb galay, ayna yihiin dadka kulanka laf dhabarka u ah shakhsiyaad ka soo jeeda gobolka Banaadir. Waxaa dhinaca kale muuqata in madaxweynaha qudhiisu uu uga didsan yahay shirka Djibouti (III) isaga oo dareemay in sababaha ugu muhiimsan qaban qaabada kulankan uu yihay mid loola jeedo isaga, sidaas dateedna uu ka caga jiidayo ka qayb qaadashada shirka Djibouti. Siday doontaba ha noqotee, waxaa muhim ah in aan awoodda la saarin sidii loogu qancin lahaa madaxweynaha in uu aqbalo waxyaabaha ka soo baxay shirka Djibouti, balse waxaa muhiim ah in sixitaan lagu sameeyo khaladaadka dhinaca farsamada ah ee ka muqda shirka, lana ballaariyo oo lagu soo daro qaybaha kale ee Soomaalida ee dareensan in aan loo ogalaanin ka qayb noqoshada shirka Djibouti (III). kh) Gacmaha shisheeye ee aan ka marnayn madasha shirka Sida caadada shirarka loo qabto Soomaalidu ay ahayd, kulankan Djibouti waxaa si weyn uga dhex muuqda saamaynta ay fara gelinta wadamada iyo ururada shisheeye ay ku hayaan kulanka. EU, IGAD, UN, iyo Maraykankuba waxay saamayn ku leeyihiin qaraarrada ka soo baxaya shirka dib u heshiisiinta ee Djibouti. Waxaa mid kasta oo dhinacyadaasi ahi ay ku dadaalaysaa in uu ugu danbayn waxyaabaha ka soo baxa shirka Djibouti uu noqdo mid la jaan qaada qorshayaalka ay ka leeyihiin Soomaaliya. Waxay arintani fashil ku keeni doontaa meel marka shirka iyo sidii uu u dhaqan geli lahaa waxyaabaha lagu heshiiyey. Sidaas daeteed, waxaa lama huraan ah in si wanaagsan loo dareemo jiritaanka faragelinta quwadaha shisheeye ay ku hayaan guud ahaan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan shirka Djibouti (III). Sida keliya ee ay dawladahaas iyo ururadaas dawliga ahi ay uga qayb qaadan karaan nidaamka dib u heshiineed ee Soomaalida waa iyaga oo ka taageera Soomaalida arimaha dhaqaalaha, siyaasadda, farsamada yo dhiirri gelinta. d) Xukuumadda Djibouti oo aan dhedhexaad u muuqan. Dawladda Djibouti 18kii sano ee ugu dambeeyey dhex dhexaad kama ahayn arimaha Soomaaliya sababo aanay muhiim ahanyn in la xuso dartood. Hoggaanka Djibouti wuxuu mas'uul ka ahaa soo if baxa nidaamka 4.5 oo sii adkeeyey khilaafaadka dhex yaal dadka Soomaalida. Inkasta oo dawladda Djibouti aanay saamayn xoog leh ku yeelan karin siyaasadda Soomaaliya, hadana waxay ciyaari kartaa door qarsoon iyada oo naas nuujin gaar ah u samaynaysa qaybo ka mid bulshada Soomaaliyeed oo ay u aragto in ay isku aragti ka yihiin arimaha Soomaaliya. Nidaamka Djibouti waxaa lagama maarmaan u ah in uu dareemo doorka asaasiga ah ee looga fadhiyo in uu ka ciyaaro xallinta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, halkii uu ku mashquuli lahaa meel marinta waxyaabo kale oo aan ka tarjumayn maslaxadda Soomaalida, keeni karana in ay qaybo badan oo ka mid ah Soomaalidu ay u arkaan in dawladda Djibouti ay door ku leedahay dhibaata Soomaaliya. Ugu danbaytii, waxaa ka muuqda shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Djibouti (III) khalaadaad u baahan in si deg deg ah loo saxo. Khaladaadka ka muuqda shirka Djibouti waxaa ugu muhiimsan Qaybaha shirka wada fadhiya oo aan wada matali karin bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, qodobada looga hadlayo kulanka oo intooda badan ku kooban Muqdisho, kooxaha mucaaradka ah ee dagaalada ka wada Soomaaliya oo aan qayb ka ahayn kulanka, qayb ka mid ah DFK oo ka didsan qaabka loo agaasimey kulanka, gacmaha shisheeye ee aan ka marnayn madasha shirka, iyo ugu danbayn dawladda Djibouti oo aan dhedhexaad u muuqan. Sixitaanka khaladaadkaas aynu soo faah faahinay waxay wax weyn u tari karaan meel marka waxayaabaha ka soo baxay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Djibouti. Haddiise ay dhacdo in aan dib loo eegin khaladaadka ka muuqda shirka, waxaa imaan doonta in ay mar kale lunto fursad kale oo dhibaatooyinka Soomaaliya wax looga qaban lahaa.
|