DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Saturday, May 17, 2008

 

II-  Boqortooyada Amxaarada

Inta aynaan u guda gelin sida ay ugu soo wareegtay nidaamka boqortooyada Qoomiyadda Amxaarada, oo muddo 7 qarni ah oo ay soo jirtay (laga soobilaabo qarnigii 13aad, ilaa laga soo gaaro boqor Haile Selassie, 1974) uu soo socday khilaafka Soomaliweyn iyo Ethiopia (Intiisa badan), waxaan gaarney qormadeenii hore xilli boqortooyada Aksum ay sii liicday kadib markii ay saamayn ku yeesheen jiritaankeeda dhawr arimood oo laf-dhabar u noqday bur-burkii ku yimid dhismaheedii xoogga badnaa. 

  1. Islaamku wuxuu soo gaaray xeebaha Badda Cas dhinaca Africa, waxaana yaraaday miisaankii  boqortooyada Aksum ay ku lahayd xeebaha Badda Cas.

  2. Awooddeedii baahsanayd ee gaartay koonfurta carabta, gaar ahaan Yaman oo dhamaatay kadib markii Persia ama Furus ay qabsatay dhulkii ay reer Aksum joogeen.

  3. Dhibaato dhaqaale oo si ba'an u soo food-saartay boqortooyada xarunteedii kadib markuu go'ay xidhiidhkii ay la lahaayeen caalamka, gaar ahaan Ruum (Rome Empire) oo ay u dhoofin jireen foolka maroodiga, hargaha, iyo dadka la adoonsado.

Intaas oo caqabadood markii ay wiiqeen boqortooyadii reer Aksum ee ku-dhawaad 10ka qarni soo jirtey, waxay markaan u jilba-jabtay, xarumaheediina ku soo duulay qarnigii 9aad ciidan ay hogaaminayso haweenay boqorad ahayd oo ka soo duushey dhul xarumihii Aksum kaga beegnaa galbeedka sida uu qoray qoraa carbeed oo lagu magacaabi jirey Ibin-Hawqal. Boqorkii ugu danbeeyey reer Aksum, boqor Hadani, waxaa goobtaas ku dilay ciidankii ay hogaaminaysey Boqoraddii duullaanka ku timid.

Nidaamkii boqortooyada Ethiopia wuxuu ku wareegay  qarnigii 10aad dad lagu magacaabi jirey Zagwa. Hadii aan  dhexgalno taariikhda Zagwahan, waxaan ka habaabaynaa yoolkii aan ugu tala galnay in aan gaarno oo ahaa "Asalka Khilaafka Soomaaliweyn iyo Ethiopia." Sidaas awgeed waxaan u tallaabaynaa bilowgii qarnigii 13aad ee aynu hordheceennii ku halqabsanay in uu ahaa bilowga is-hardiga Soomaaliweyn iyo Ethiopianka. 

i.    Boqor Yekunno Amlak

Sanadkii 1270kii, waxaa dhulka Ethiopia ka abuurmay boqortooyo ay hogaaminayso Qowmiyadda Amxaarada. Boqor Yekunno Amlak oo ahaa boqorkii ugu horeeyey ee boqortooyadan cusub abaabulay wuxuu ka takhalusay boqortooyadii Zagwaha. Durbaba waxay boqortooyadan cusub aas-aas ka dhigatay si ay u kasbato shacbka Ethiopia, intii markaas Kirishtanka ahaa, laba arimood oo marwalba taariikhda boqortooyada Ethiopia muhiim u ahaa: Ugu horaynba in nidaamkan cusub uu ku qotomo nidaamkii iyo diintii nabi Sulaymaan (NNK); boqor Yekunna Amlak qudhiisuna uu farac ahaan ka soo jeedo durriyaddii nabi Sulaymaan iyo boqoraddii Saba, Balqiis (Boqoraddii Yaman). Durba awoodii boqortooyada Amxaaradu wuxuu ku baahey dhulka Ethiopia, waxayna taageera ballaaran ka heshay dhamman kaniisadihii Ethiopia ka jiray xilligaas oo muddo u haraad qabey in ay dib u soo noqoto boqortooyo ku dhisan waxyaabihii ay aaminsanaayeen.

Inkastoo ay boqortooyadan boqor Amlak ay ku guulaysatey kasbashada dad farabadan oo Ethiopian ah, hadana waxaa hortaagan oo aysan ka gudbi karin, haddii aysan xal u helin, isla caqabaddii boqortooyaddii Aksum soo waajahdey oo ahayd "Islaamkii oo ka fadhiya marinkii caalamka ay u mari lahayd--Badda Cas. Waxaa iyana caqabad kale ku noqotay sida ay ula xiriiri doonto kaniisaddii ay taariikh ahaan kaniisadaha Ethiopia ku xirnaayeen ee Alexandria oo markan ku hoos jirta Imaarada Muslimiinta ee  Masar.

Labadaas arimood oo isbiirsaday waxay ku keentay boqor Yekunno Amlak in uu ku fekero in uu cilaaqaad dhow la yeesho dhulkii ay Islaamku maamulayeen sida Masar, Yaman iyo Saldanaddii Muslimiintu ay ku lahaayeen dhulka waqooyiga Ethiopia, laga bilaabo agagaarka gobolka Shawa illaa laga gaaro xeebta badda Cas, ee lagu magacaabi jiray  IFAT. Sanadkii 1273kii, boqor Yakunno Amlak wuxuu dhanbaallo u kala diray labadii maamul ee ka ariminayey Masar iyo Yaman; wuxuuna ka dhaadhiciyey in boqortooyadiisu ay xiriir fiican la leedahay dadyawga muslimiinta ah ee ay dariska yihiin, isagoo xusay in xitaa ciidankiisa ay ku jiraan ciidan muslimiin ah oo fardoolay ah ( The Ethiopians, Pankhurst. Bogga. 76)

Boqortooyadan aan xusnay in ay boqorro ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada waxay xarumaheeda u soo wareejisay dhulka Shawa, waxayna garabka ku qabatay Saldanaddii Muslimiinta ee IFAT. Labadaan quwadood ee isdhinac yaal, kasakow xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey, waxaa misana kala dhexmaray dagaallo goos-goos ah oo hadba midkood looga xoog roonaanayey. Labadooduba, si fiican ayay taariikhda Boqortooyadii Aksum uga dheregsanyihiin.

ii.        Boqor Amada Tseyon ((1314-1344)

Waxaad inta badan aad ku arkaysaa buugaagta ay qoraayahanada qoraaladooda ku garab istaaga Ethiopia, waxna ka qora  dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee soo maray Geeska Afrika, gaar ahaan Qarnigii 16aad oo caan ku ahaa dagaaladii dhexmaray Muslimiinta oo uu hormood u ahaa Imaam Axmed Ibin Ibrahim (Axmed Gurey) iyo boqortooyadii Ethiopia ee ay garwadeenada ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, in Imaam Axmed uu ahaa dhiig-yacab dad iyo duunyaba ka idleeyey dhulka sare ee Ethiopia ee labada qowmiyadood ee Amxarada iyo Tigregu ay degenaayeen; iyo in uu ahaa isagu kan bilaabay duullaanka ku salaysan gardarada ee lagu ciribtirayey dadkii kirishtanka ahaa ee ku dhexnoolaa badweyntii muslimiinta ee ku hareeraysnayd. 

Waxay qoraayahanadani ay marwalba iska indha tirayeen xasuuqii, iyo bara-kicintii qarniyada socdey ee uu nidaamkii boqortooyada Ethiopia ku hayey qowmiyadaha kale ee ku nool Geeska Africa ka hor inta aanuu iman duulaanka Imaam Axmed iyo qabaa'iladii Soomaalida ee ku garb istaagey sida ku cad buugga Tuxfatu-Alzamaan ama Futuux Al-Xabasha ee uu qoray qoraagii goobjoogga u ahaa dhacdooyinkaas ee lagu magacaabi jiray Shihaabudiin Ibin-Cabdulqaadir Al-Jiizaani. Waxay Qoraayahanadani  mararka qaar ay ku sheegaan boqorka nidaamkiisu uu geysto xasuuqa iyo bililiqada ugu badan in u ahaa halyey difaacay jiritaanka mustaqbalka Ethiopia.

Boqor Amada Tseyon (1314-1344), oo ay qowmiyadda Amxaaradu rumaysanyihiin in uu guulo ballaran ka gaaray dagaaladii ay kula jireen Immaaradihii Muslimiinta sida IFAT iyo ADAL bilowgii qarnigii 14aad, wuxuu dhinaca kale (Muslimiinta) ugu muuqdey dhiigyacab xasuuq iyo boob ku hayey shucuub farabadan oo ku noolaa Geeska Afrika iyo hantidoodaba.

Boqor Amada Tseyon waxay xukunka boqortooyadiisu ku salaysnayd dhulballaarsi, illaa ay isaga iyo askartiisu isku khilaafeen ku adkaysashadiisii uu ku adkaystay in uu gaaro dhulkii Soomaalidu ay daganayd, sida Zaylac, kadib markii uu cagta soo mariyey dhul farabadan oo ay ku noolaayeen qowmiyadda Cafarta oo iyagu laf-dhabar u ahaa nidaamkii IFAT ee kadhisnaa xeebaha Badda Cas illaa agagaarka dhulka Shawa, oo ay maanta xaruntiisa ugu mihiimsan ay tahay Adisababa.

Xilliga uu boqorkan, Amada Tseyon, uu duullaanka ku jirey, waxaa dhibaatooyinkii uu geystay ay inta badan ku wajahnaayeen dhulkii ay maamulaysey Imaarada IFAT ee aynu horay u soo sheegnay in uu ahaa dhulkii ay beecshiradu uga soo degeysey ugana dhoofaysey boqortooyada Ethiopia kadib heshiisyo ay horay u wada galeen labada maamul. Immaarada muslimiinta ee IFAT waxaa hogaamiye u ahaa Amiir Xaqu-diin oo la rumaysanyahay in uu ka soo jeedo qowmiyadda Cafarta ee maanta ku kala nool Ethiopia, Djibouti iyo qaybo ka mid ah dhulka Eritrea.

Boqor Amada Tseyon oo laqabkiisu ama naanaystiisu ay ahayd "Gebra Maskal" oo micnaheedu yahay "Addoonkii Isku-tilaabta", (Slave of the Cross), wuxuu duulaan ballaran uu ku bixiyey Imaaraddii IFAT, waxayna ciidankiisu qabsadeen xarumihii Imaarada, waxayna goobtaas ku dileen Amiir Xaqu-diin. Dhacdadaas kadib, waxaa dib u abaabulay ciidamadii IFAT wiilkii uu dhalay Xaqu-diin oo la oranjiray Darader, laakiin ciidamadiisii waxaa iyana ku dhacay jab lamid ah kii ciidamadii Xaqu-diin uu kala kulmay ciidanka Boqor Tseyon, taas oo isana markiisa, Darader, lagu dilay dagaaladaas.

Wixii ka haray Imaaradii IFAT iyo ciidankeedii waxaa dib usoo abaabuley, hogaamiyena u noqday sanadkii 1332kii Amiir Xaqqu-diin walaalkiis oo lagu magacaabijiray Sabru-diin. Boqor Amada Tseyon oo dareemay in uu markan ka awood roonaaday, kalana firdhiyey Imaaradii IFAT, wuxuu ku soo bixiyey Amiirka cusub ciidan aad u ballaaran kaas oo gebi ahaanba la wareegey Imaaradii IFAT dhulkii ay ka talinaysey oo dhan iyo xarumaheedii. Ciidanka Amada Tseyon waxay halkaas ka geysteen  xasuuq ba'an oo  uu Boqorkuna si aad ah ugu riyaaqay sida qoraalkan hoose ka muuqda:

"Ciidamada Amada Tseyon waxay soo galeen xarumihii Sabru-diin, waxayna boobeen wax alla wixii ay hanti ka heleen sida Dahabka, Qalinka , dharka iyo dhagaxaanta qaaliga ah; waxayna dileen rag badan, haween badan, dad waayeel ah, iyo caruur.... Boqor Amada Tseyon wuxuu aad ugu farxay warkan, wuxuuna u mahad celiyey ilaahay." ( The Ethiopian Royal Chronicles, by Richard Pankhurst, Bogga: 17, Sadarada 7-12 iyo sadarka 25. Published by Oxford University Press in 1967)

A. H. Nuurre

The Obstacles to the Djibouti 'Somali Peace Talks'

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education/sportspage counter



















Meherad iyo Macaash

Q.1| 2 | A. A. Farah

Q. 2aad


Cudurada faafa

-Cudurka Qaaxada (TB)

-Cudurka Daacuunka (Cholera)

-Cudurka AIDS-ka? 


Health News:

Ilmo yar oo dhibaataysan: Caawi>

-Second Gene That Increases

-Overweight women at ...

-Q&A: diabetes drug risk...

-5 operations you don't want..

-Pot Ups Risk for Mental..

-Swabs in Hand, Hospital Cuts

-Family, May Spread Obesity

                  More News>>> 


Education News:

-Qalin-jabinta Amoud Unive.

-Making a Hard-Life Story

-UNICEF's report on Somalia

-University Fires President..

-Cost of private education...

-University of Gedo oo loogu..

                  More News>>


Sports News: New

-McClaren planning Carragher

-Reyes completes move to..

-Iraq inspires fans with Asian.

-Adu close to signing with..


Business News:

-USA Gold Live

-Money Exchange Rates


Islamicity.com



 

Alldalka on Medical Experiment