DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

  

 

Tuesday, March 18, 2008

 

Meherad iyo Macaash maxaa u dhexeeya? (Q.3aad)

Waxaa diyaariyey Ali Abdi Faarah. E-mal: albadel1@yahoo.co.uk

Maxaa lagama maarmaan u ah in meherad macaash u gudubto mid ganacsi?

Sida la garan karo wax-isweydaarsi kastaa wuxuu ku bilaabmaa macaash kaasoo markuu koro uuna yeesho awood dhaqaale, iyo waayo-aragnimo ku filan  (learning curve) isu beddela ganacsi. Waxaanna orankarnaa macaashkastaa wuxuu u gudbaa ganacsi marka laga helo shuruudo badan oo ay ka mid yihiin uguna waaweyn yihiin kuwa soo socda:

  1. Qaab dhismeed maamul

  2. Maamul iyo maareyn madax banana

  3. Qorshe straateeji ah

  4. Warbixin sannadaale ah

Qaab dhismeed maamul

Ugu horeyn shirkad ganacsi waa inay leedahay qaab dhismeed maamul (organisation structure). Shirkad waliba qaab ayey ku dhaqantaa waxaase ugu caansan qaababkaas kan ku dhisan habka hawl fulinta (functional organisation ), kan ku dhisan qaabka badeecooyinka shiraddu iibiso ( product organisation), midka ku dhisan gobolgobolka ( regional organisation ) iyo mid tuducyo khubara ah ku dhisan (matrix organisation) inkastoo kan dambe uu yahay mid aysan u fududeyn in shirkadaha badankoodu isticmaalaan sababtoo ah qaabkiisa maamulka oo is dhexyaala. Si gaaban ayaan uga hadlaynaa qaababkaas si dadka an hore waaya aragnimo ugu lahayn ama aan u aqooni u fahmaan anagoo raacinayna masawiro sharaxyada kaabaya.

Qaabka ku dhisan habka hawl fulinta (functional organisation)

Qaabkaani waa kan ugu caansan oo ay isticmaalaan hay’adaha dawladdaha, ganacsiyada yaryar, mehereadaha xajmiga dhexe iyo ganacsiyada waaweyn qaarkood. Faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah inuu u sahlo maamulka sare siday u maamuli lahaayeen meheredda sababtoo ah wuxuu si cad u kala qeexaa sida loo kala sareeyo iyo cid waliba cida ay hoostimaado. Taasina waxay sahashaa in raadraac la sameeyo haddii wax ka qaldamaan waaxyaha shirkadda. Wuxuuse cilad la soo baxaa habkaani marka shirkaddu weynaato oo shaqaale badan yeelato ama badeecooyin badan oo ay iibiso yeelato. Marka shaqaalaha waaxyuhu bataan waxay dhalisaa in madaxda waaxyuhu awood badan yeeshan halkaasna ay is dhexgasho awoodii maamulka sare iyo tii waaxyuhu. Waxaa arintaasi keentaa in madaxda laamuhu ayana yeeshaan masuuliyado ka sareeya tii caadiga ahayd halkaasna amarku taagleyn badani ka dhacdo oo dulmi loo geysto shaqaalaha mararka qaarkood. Cilad kale oo uu leeyahay waa ayadoo waaxyuhu ay u dhaqmaan sidii kuwo aan waxba ka dhexeyn, oo is afgarad la’aan ka dhexdhalato taasoo adkeysa habsami u socodka hawsha shirkaddu.

Ganacsiyadii dawladdii Soomaliya iyo wasaaradahiiba waxay isticmaali jireen qaabkan inkastoo ay laamo ku lahaayeen gobolada dalka oo dhan hadana laamo madax banana ma ahayn. Waxaad masawirka hoose ka arki kartaan qaab dhismeedka  hawl fulinta ku dhisan.

 

Qaabkaani waa noocyo badan yahay naftiisu ayadoo ku xiran nooca ganacsiga iyo waxsoosaarku inta uu le’egyahay intaba.

1.      Qaabka ku dhisan habka badeecadaha (Product Organisation )

Qaabkaan wuxuu uga gedisan yahay kan kore waxaa weeye asagoo ku dhisan badeecooyinka shirkaddi gado. Waxaanna badanaa isticmaala shirkadaha badeecooyinka ama khidmadaha farabadan gada. Qaabkani wuxuu uga gedisanyaha qaabkii ka horeeyay sida masuuliyaddu u qeybsantahay. Sababtoo ah halka waaxda suuqeynta & iibku ay ka masuul tahay iibinta badeecadaha ama khidmadaha shirkada ay iibiso halkaan badeecad kasta ama tuduc badeecooyin ahba Waax ayaa ka masuul ah. Waxaa qaabkani daweynayaa siday ula macaamili lahaayeen shaqaaluhu macaamiisha doonaysa badeecoyinka kala gedisan ee shirkadda, wuxuuna meesha ka saarayaa in isku halayni ka timaado iibka badeecooyinka ama xanaanada macaamiisha.

Dhibaatooyinka uu lahaan karo qaabkaan waxaa kamid ah inay dhacdo in waaxyaha kala gedisan uu tartan an caafimaad qabini ka dhexdhasho. Matalan waaxda bariiska waxay ula tartameysaa waaxda digirta sidii ayagoo an isku shirkad ahayn taasina waxay meesha ka saareysaa habsami u socodkii guud ee shirkadda. Gaar ahaan tartanka noocaas ahi wuxuu dhacaa marka abaalmarin ku xiran waxsoosaarka waaxda ay shaqaalahu helayaan. Maadaama qaabkan ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn wuxuu kala midyahay dhibaatooyinka kale badanaa qaabkii hore sida burukaradiyada iwm. Ganacsiyadii Soomalidu lahayd ama kuwa hada ay leeyihiin kuma dhaqmaan qaabkaan waxaadna ka arki kartaan masawirka hoose. 

 

 

 

Qaabkaan waxaa kale oo lagu macaabaa qaab dhismeedka qeybaha (Divisional organisation) waxayna shirkadaha qaar hawshooda u kala ratibaan qeybo sida; qeybta cuntada, qeybta cabitaanka, qeybta maacuunta iwm. Waxay kaloo isugu geeyaan tuducyo badeecooyinka isku ayniyaba hal qeyb.

2.      Qaabka ku dhisan habka gobolada (Geographical organisation)

Habkaan asagana waxaa isticmaala shirkadaha waaweyn oo ganacsiga ballaaran oo gobollo badan oo aduunka ah ka hawlgala leh sida shirkadaha waxsoosaarka iyo kuwa maagelinta iwm. Waxaad argtaan ama maqashaan TOYOTA UK, AIG Europe ama FORD MiddleEast. Waaxyahaasi waa waaxyo madaxd banaan (strategic business units) ilaa xad waxayna ka masuulyihiin gobol gaar ah sida UK. Toyota UK waxay ka masuultahay sameynta iyo suuqeynta baabuurta shirkadda Toyota ku iibiso dalka Ingriiska. Badanaa waaxyaha madaxa banaani waxay sameeyaan badeecooyin loogu talagalay dalka ay qaabilsan yihiin. Waxay u badan tahay in badeecaddaha gobolada kala gedisan aysan isku mid ahayn ayadoo magacoodu isku mid yahay. Matalan baabuurka Toyota Corolla ee dalka Ingriiska loogu talagalay iibkiisa waa ka gedisanyahy kan Dubai lagu iibsho.

Qaabkani wuxuu kaga fiican yahay kuwa kale waxaa ka mid ah ayadoo gobolkasta uu u madax banaan yahay hawshiisa, ayadoo ay maamulka sare u sahlan tahay inay ogaadaan waxsoosaarka iyo faa’iidada gobolkasta iyo ayadoo shirkadu macaamiisheeda kala gedisan usoo bandhigto badeecooyin kala gedisan oo dookhooda waafaqsan. Waxaase dhib ah in la ogaado khaladaadka ka socoda gobolada si sahlan maadaama ay ka fogyihiin xaruuntii dhexe ee maamulka sare fadhiyo. Shirkadaha waaweyn oo noocaas ah waa dhibbadantahy go’aan gaaristoodu ayana maadaama ay khusayso madax ku kal baahsan gobolo kala fog fog iyo shaqaale fara badan oo kala dhaqan gedisan.

Waad garan kartaan inaysan u suuroobayn inay qaadato shirkad Soomaliyeed ku dhaqanka qaabkaan mudo ayeyna qaadanaysaa inaan sameysano ganacsi weyn oo u baahan qaabkan in lagu maamulo. Wallow ay shirkadaha xawaaladaha Soomaaliyeed  u dhaqmaan qaab u eg qaabkan hadana ma ahan mid waafaqsanshuruudaha ganacsiga ee waa shabakado laan weliba iskeed u shaqeysato faa’iido wadaagna la ah shirkadda magaca lagu shaqeeyo leh sida Olympic ama Kaah iwm. Waxaa hoos ku sawiran shax sahlaysa fahamka sharaxaada qaabkan aan ka bixinay.

 

 

Qaabka isdhexyaala (Matrix organisation)

Waa ku adagtahay  in badan inay fahmaan sida qaabkaan u shaqeeyo, gaar ahaan kuwa aan aqoon hore u lahayn maalmulka meheradaha ama aan hore uga soo shaqeyn shirkad weyn, waxaanse ku muujinayaa halkaan shaxda qaabka isdhextaalka ah.  Qaabkan waa qaab awooda la saaroo mashaariic ayadoo weli ay jirto Waaxyo waxaana isticmaala shirkadaha wax dhisa ama badeecooyin dhisme la xiriira sameeya oo ay ka mid yihiin Lockheed Martin oo ah shirkad dayuuradaha rakaabka iyo ciidamadaba dhisi jirtay. Waa qaab masuliyad qeexan leh laakin koox isku takhasus ahba laysugu keeno hal agaasime oo maamulaya kooxdaas inta uu dhammaanayo mashruucaas ay fulinayaan. Waxaa laga yaabaa in qof shaqaale ah uu hoos yimaado laba maamule oo laba Waaxyood ka kala tirsan maadaama shaqaale Waaxyo kala gedisan wada fulinayaan mashruuc. Waxaadna halkaas ka garan kartaa culayska fuulikara qofka shaqaalaha ah oo labo maaamule midba gooni shaqo dhameystirkeed uga rabo.  

Faa’iidooyinka qaabkaan waxaa ka mid ah:

-          Xirfadleyda oo Waaxyuhu ka wada faa’iideystaan iyo ayadoo la yareeyo kharashka Mashaariicda

-          Khilaafaadka oo xadidan gaar ahaan kuwa la xiriira jaranjarooyinka masuuliyadda

-          Awooda iyo masuuliyadda oo lawada wadaago

-          Walaaca iyo walwalka shaqada oo shaqaalaha u qeybsanta.

Inkasta oo aan kuwii ugu muhiimsanaa qaab dhismeedyada shirkadaha ganacsigu isticmaalaan soo xusnay hadana shirkad kastaa ayadaa hawsheeda u habeysan karta qaabka ay doonto oo waafiqikara habsami u socdka shaqadeeda.

 

Sample matrix organization                                     Qaabka isdhexyaalka (matrix organization)

 

2. Maamul iyo Maareyn madax bannaan

Qodobka labaad ee muhiimka u ah in laga helo hay’ad ganacsi waa maarayn iyo maamul dhisan oo aan badankiis saamileyda ahayn sida gudiga fulinta, agaasimaha ama maareeyaha guud, kan waaxda maaliyadda, kan shaqaalaha, kan suuqeynta iyo iibka iwm. Waana inay caddahay awoodaha iyo shaqada xubnaha maamulka iyo shaqaaluhuba. Waxaa aan aad u caddeyn silsiladaha maamul ee shirkadaha Soomaaliyeed taasoo keenta isku dhac fara badan oo dhaawaca habsami u socodka shaqada meheradaha. Haddaan mar labaad ku soo noqo xawaaladleyda waa arin si dhab ah uga jirta ama laga dareemi karo maqnaanshaha silsilad maareyn oo cad waxayna taasi dhaawici kartaa jiritaanka maslaxda xawaaladda oo ah dhuunta nolosha malaayiin qof oo Soomaali ah. Waxaa muhiim ah in cidkasta oo danaynsa shirkad ganacsi inay wax ka ogaato ay hesho qodobada aan kor ku xusnay si ay ugu qanacdo inay maalgashato ama ay la macaamisho. Gooldaloolooyin badan oo la xiriira arimaha aan soo sheegnay ayaa keenta in warxumo tashiilo badani wax ka sheegaan xawaaladleyda Soomaaliyeed taasoo tuhungelisa hay’adaha baara hawlaha la xiriira sida xawaaladleydu shuruucda wadamada ay ka shaqeeyaan u waafaqsan yihiin.

Sida badanaa dhacda shirkadaha aadka u waaweyn ee Soomalidu malaha qaab dhismeed iyo maamul iyo maarayn hab ganacsi u dhisan oo danta kaa qasha shirkaddaas aad ugu soo hagaagto. Waana wax loo baahanyahay in shirkadaha Soomaalidu ay horumar ka sammeyaan dhinacyadaas muhiimka ah si ay ula tartamaan shirkadaha la ayniga ah ee aduunka. Hadaan Xawaaladleyda ku noqono kama muuqato inay uu dhisanyihiin qaab heer caalami ah oo soo jiidan kara ciddaan Soomaali ahayn ama ka difaaci kara been abuur badan oo laga sheego. Ujeedada aan xawilaadleyda u soo qaatay waxay tahay waa shirkado waaweyn oo qaarkood rogrogaan boqolaal malyan oo doollar lagamana filikaro inaysan u dhaqmin habkii looga baahnaa meherad weyn.

3. Qorshe Straateeji ah

Qodobka sadexaadi waa in meherad ganacsi leedahay qorshe qoran oo strateeji ah ama qorshe mustaqbal oo dheer. Qorshe straateeji ahi waa qorshe mudo 3 sano iyo ka badan loogu talagalay. Ma jirto cid qorshe la’aan ku hawlgasha laakiin waxaan marna laga maarmeyn in qorshe qoran la helo si koontroolku ugu sahlanaado maamulka iyo saamileydaba amase aan loo garanwaayin in ujeedooyinkii iyo yoolashii shirkadda lagu gaaray mudadii loogo tala galay iyo in kale. Qorshaha waa inay ku caddahay Aragti guud oo ku salaysan hawlgalka shirkadda, Ujeedo cad, Yoolasha shiraddku higsanayso, Straateejiyoonka lagu gaarayo, Taatikooyinka la adeegsanayo, Jadwalka ama waqtiga hawlkasta la qabanayo, Miisaaniyad hawsha lagu fuliyo, Cidda hawl kasta qabanaysa iyo Qaabka koontroolka hawlaha iwm. Waa dhacdaa in macaashley qorshe qoran leh ay jirto laakin badanaa gancsiyada ayaa qorshe qoran leh. Waxaa kaloo dhacda in la helo ganacsi aan qorshe qoran lahayn waxaase weeye ganacsiyada faashilma. Ma filayo inay jiraan ganacsiyo Soomaliyeed oo qorshe qoran leh waana waxa badankood ka hortaagan inay ka tartmaan suuqyada aduunka ama ay u khasaaraan ayadoon la caddeyn karin cidda khasaarada ka masuulka ah.

4. Warbixin sannaddaale ah

Waxaa kale oo muhiim ah in meheredkasta oo weyni ay leedahay warbixin sanaale ah oo ay ku dhantay hawsha ganacsigaasi qabtay sanadaas. Waa in warbixintaasi mid mugdi laga dhawray ay tahay xorna ay u yihiin saamilayday iyo daneeyeyaasha kaleba inay arkaan aqristaana. Qodobkaan weligay ma maqlin ganacsi Soomaaliyeed oo sameeyey mid hore iyo kuwa hada jiraba, waxuuse shirkadaha sameeya u soo jiidaa sumcad wacan iyo kalsooni ay saamileydu ku kalsoonaadaan hawlaha meheradda sida agaasinka guud u wado. Badanaa waxaa sameeya warbixin sanaale ah shirkadaha aadka u waaweyn oo aan xuduudda lahayn sida shirkadda BP, Bombardier, Boeing, AIG iwm.

Dhankasta oo aan ka eegno meheradaha dadkayagu leeyahay badankood waa macaashyo iyo dhawr ganacsi oo weli koraya adna moodo inaysan weli u bislaan inay saaxada caalamiga ah soo galaan ama ka tartamaan. Waxay shaqadoodu ku jihaysantahay macaamiil Soomaali ah keliyah ayadoo laga yaabo in haday is habeeyaan ay aad ugu sahlanaanayso inay meherado caalami ah noqdaan. Hadaan

tusaale usoo qaadano shirkadaha isgaarsiinta waxaa laga yaabaa qaarkood inay ka horumarsan yihiin meheradaha ka jira Afrika badankeed, Asia iyo kuwo European ahba. Haday soo galaan suuqyada dalalka Afrika oo dhibaato badani maslaxadaha isgaarsiinta ka haysato waxaan ku rajoweynahay inay guul balaaran ka gaari lahaayeen. Hada suuqyada Afrikada Bari iyo tan Galbeedba waxaa awood ku leh shirkado South African ah oo adeegyadoodu aysan dalalka badankood aad u tayo fiicnayn ama ka hooseeyaan tan Soomalida. Waxa keli ah oo hortaagan inay ka tartamaan suuqyadaan waxaan u arkaa inay tahay ayagoon u qaabaysnayn inay suuqyada caalamka ka tartamaan maqnaanshaha qodobada kor ku xusan awgeed.

Si kastaba ha ahaatee ganacsiga qaabka loo maamulo waa cilmi aan sugnayn oo isbedbeddelkiisu badan yahay. Waxaana huban in straateejiyooyin badan oo la isticmaali jiray sanadihii sideetamadii iyo sagaashamadii inaan saas loo isticmaalin hada, waxaana meheradaha looga baahanyahay inay si joogta ah ula socdaan isbeddelada suuqyada caalamka ee maslaxadahooda si ay ula qabsadaan waxa ka dhacaya xaafadda weyn ee aduunka iyo horumarka uu samaynayo cilmiga maamulku guudahaan.

Meherad iyo Macaash Q.1| 2 | A. A. Farah

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com