DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Saturday, February 23, 2008

 

ISLAAMKU MA DIIN CADDAALADBAA MISE WAA DIIN SINNAAN?

Waxaa marar badan lagu arkaa bogagga soomaalida hadallo badan oo runtii ka tarjumaya dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed ku habsaday, ha ahaato dagaaladan naf iyo maalba ay ku hoobteen, ama wixii laga dhaxlay masiibooyinkaa. Waxaa marar badan laga hadlaa dhibaatooyinka ku yimid bulshadii u qaxday dhulalka galbeedka. Halkii laga dhawrayey in laga faa’iidaysto dhibkii dhacay ayaa waxaa aloosmay dhibaatooyin hor leh oo aan hore loo aqoon. Dhibaatooyinka ugu waaweyni waxay soo food saareen qoysaskii qaxa ku tagay. Waxaa loo yimid bulsho qoysaskeedu ay yihiin uun dad wada nool oo aan xiriir fiican lahayn, qof walbaana uu dan gaar ah ku wato qoyska, haddii uu waayona aanu cidna u danaynayn.

Waxba yaanan warka badine waxaa qoraalkan igu dhaliyey anigoo hore uga dharagsanaa dhibka jira inaan akhriyey qoraal uu walaal ka mid ah dadkaa Yurub u qaxay boggagga soomaalida qaar ka mid ah uu galiyey. Wuxuu cinwaan uga dhigay: Suuqa garoobada waxbaa si ka ah! Wuxuu qoraalka dhexdiisa dhawr jeer soo xigtay buug uu malaha ka qoray dhibaatooyinka ku dhacay qoysaskii soomaaliyeed ee galbeedka dagay. Wuxuu xusay dhibaatooyin la taaban karo oo aan is leeyahay qaarkoodna talo dhaxal gal ayuu ka soo jeediyey, qaarna waxaan is iri amuu wax sii cariyey.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hubanti ah in qofkii isku daya inuu wax ka sheego xaalka dhulkan yaal ay ku noqoayso sidii hal xiraalihii aan carruurnimada oran jirnay: Xeradayadu waa wada ul oo ul la qaado ma leh.

Waxaa muuqda baaba’a iyo is fahan darrida dhex taal lammaanihii reerka wada uskamay, halkii reer salballaaran laga sugayeyna waxaa batay reeraha kadibay oo iyagoon isu curan kala ufooday. Halkii lagu sugayey in doob gaamuray iyo inan guumaysowday ay isku nastaan oo ALLAAH u xamdiyaan ay marayaan maxaa guur baaskan kugu watay. Afada iyo saygeedii gacmaha is qabsan lahaa oo laga rabay inay jiirtan adag wada jir uga baxaan, oo kala ujeedo noqday, mid walbaana uu arrimo gaar ah guntiga ku wato. Gurigii naxariista iyo xasilloonida lagu filayey wuxuu noqday meel hardan iyo loollan adagi ka socdo.

Bulshadii waxay la dawakhday xasaraddan aan joogsiga lahayn ee ka dhex aloosantay qoysaskii soomaaliyeed. Waxaa xaalku dhaafi waayey is eedayn iyo in  qolo waliba tan kale farta ku fiiqdo. Sidii qiiqii ayaa la iska daba wareegay, arrinkiina ur waa u bixi waayey. Xaalkii bulshadu wuxuu noqday, doqoni qufacday meel laga gaarayse ma taqaan!

Waxaan is iri bal adiguna af laba daan leh hadal ma daayee maxay kula tahay oo aad ku darsan lahayd dhibaatooyinka bulshada haysta, gaar ahaan muxuu la dagi la’ yahay xaalka qoysaska soomaaliyeed ee galbeedka u soo qaxay?

Waa dhab in dhib jiro, haba kala waynaadee. Waxa kale oo biyo kama dhibcaan ah in dhib kastaa uu il ka soo burqanayo. Waa sidaan hore u iriye, meeshii bulshada laga taabtaaba waa boog, haddii la damco in la daaweeyana laga yaabo in qoontaa la sii damqo, in ALLAAH ku daaweeyana waa la arkaa, laakiin baryahan khayrka waa laga sitay oo shartu sida ay ku faaftaa waa wax fudud.

Dhulalkan galbeed markii la yimid waxaa loo yimid qoysas dusha reer ka ah, laakiin hoos ka haawanaya oo aan lahayn aasaaskii iyo wixii reer lagu yiqiin. Guryo hoos ka holcaya oo sawaxan iyo qaylo dhaani ka baxayso ayaa loo yimid. Laakiin arrinkaa waxaa ka soke maray dhaan dabangaalle oo qofkii aan caqli iyo aragti dheer lahayni uu ku dagmayo. Waxaa la mooday in dhulkii xorriyadda iyo sinnaanta la yimid. Waxa ugu badan oo gabdhaha soomaaliyeed dhagahooda ku soo dhacayey waxaa ka mid ahaa inay yimaadeen dhulkii aan la kala sarrayn oo dhaddig iyo laboodba wax walba u siman yihiin, walibase dumarku baac dheer yihiin. Goob walba waxaa lagu soo dhaweeyey:Ka timaadde dhulkii gumaysiga ee raggu ku takrifalayey.

Dumar badan ayaa sawaxankaa iyo dhalanteedkaa daba orday, qaarna waa u guuxay oo madaxa ayuu u ruxay, qaar badan oo wanaag ku dambeeyeyna garte in la dagayo, balse qiiqii ayaa daafaha uga yimid. Waxaa dhacday in qaarkood ku hadaaqaan; Haddii aan awoodi lahaa ayaadda ka hadlaysa in raggu dumar badan guursan karo kitaabka waan ka tirtiri lahaa:                                                                      

وَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا فِي الْيَتَامَى فَانْكِحُوا مَا طَابَ لَكُمْ مِنَ النِّسَاءِ مَثْنَى وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ذَلِكَ أَدْنَى أَلَّا تَعُولُو.                                    

Mid kale ayaa bogagga wax lagu qoro ku soo qortay qoraal ay cinwaan uga dhigtay; Magta dumarku Ma boqolbaa mise waa konton?

Haddaba waxaa is waydiin leh diinta islaabku ma diin caddaalad baa oo qof walba xaqiisa iyo wuxuu mutaystay siinaysa, mise waa diin sinnaan oo dhinac walba laga siman yahay?

Haddii ALLAAH idmo qaybaha dambe ayaan arrinkan ku faahfaahin doonnaa.

C/qaadir C/lle Diini.

E-mail: abuuyuunas@yahoo.com

 

 

 

Health & Education/sports








Meherad iyo Macaash

Q.1| 2 | A. A. Farah

Q. 2aad


Cudurada faafa

-Cudurka Qaaxada (TB)

-Cudurka Daacuunka (Cholera)

-Cudurka AIDS-ka? 


Health News:

Ilmo yar oo dhibaataysan: Caawi>

-Second Gene That Increases

-Overweight women at ...

-Q&A: diabetes drug risk...

-5 operations you don't want..

-Pot Ups Risk for Mental..

-Swabs in Hand, Hospital Cuts

-Family, May Spread Obesity

                  More News>>> 


Education News:

-Qalin-jabinta Amoud Unive.

-Making a Hard-Life Story

-UNICEF's report on Somalia

-University Fires President..

-Cost of private education...

-University of Gedo oo loogu..

                  More News>>


Sports News: New

-McClaren planning Carragher

-Reyes completes move to..

-Iraq inspires fans with Asian.

-Adu close to signing with..


Business News:

-USA Gold Live

-Money Exchange Rates


Islamicity.com


 


 

Alldalka on Medical Experiment