DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Thursday, July 12, 2007

Kulankii Jaamacadda Gedo oo Ka dhacay SOAS London.

Shalay oo taariikhdu ahayd sideeddii bisha Luuliyo waxaa ka dhacay qaacada shirarka ee Jaamacadda SOAS ee bartamaha magaalada London kulan si weyn loosoo aagaasimay, kulankaas oo ku saabsanaa ka qeyb-qaadashada hirgalinta mashruuca jaamacadda (University of Gedo) oo lagu wado in laga hirgaliyo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kulanku waxaa uu bilowdey 3:15 saacadda London, waxaana kasoo qeybgalay kulankan dad lagu qiyaasay labo boqol illaa saddex boqol inta u dhaxaysa oo ka kala yimid magaaloyinka kala duwan ee dalkan Ingriiska sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa marti sharaf lagu martiqaadey inay kulanka khudbooyin iyo muxaadarooyin ka jeediyaan oo ka yimid wadamo ka mid ah Yurub iyo waqooyiga Ameerika.

Waxaana kulanka  hagayey  C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah guddiga hirgalinta jaamacadda Gedo ee dalka Ingriiska, C/shakuur ayaa u sharaxay markii uu hadalka furay kasoo qeybgalayaashii kulanka  ujeeddada shirka iyo habka kulanku u dhici doona, sidoo kale waxaa uu tilmaamey inuu shirkaani uu ku kooban yahay  ujeedadii looqabtay kulanka oo ahayd sidii dhaqaalo loogu heli-lahaa mashruucan jaamacadda isogoo kazoo qeybgalayaasha ku booriyey inaan looga hadli Karin kulanka  siyaasad iyo wixii la mid ah.

Ahmed Sheekh Xuseen oo ka mid ah gudigii soo qaban-qaabiyey kulanka jaamacadda ayaa waxaa uu asaguna jeediyey hadal kooban asagoo ku hadlayey magaca gudiga ayuu mahad ballaaran ujeediyey dhamaan dadkii waqtigoodu kusoo bixiyey inay kasoo qeyb-galaan kulanka iyo marti sharaftii aq-bashay kuna timid martiqaadkii ay u fidiyeen gudiga qaban-qaabadu wuxuuna si rasmi ah u furay asagoo ka wakiil ahaa gudiga qaban-qabaada hawlihii kulanka.

Waxaa la jeediyey cudurdaar uu soo gudbiyey Dr Maxamed Adan Sheekh oo  asagu sheegay arrimo gaar ah oo u suurta galin waayey inuu helo fursad uu uga soo qeyb-galo shirka, waxaana qorsheysanayd inuu muxaadaro ka jeediyo kulanka waxaa kale oo kasoo qeyb-galayaasha loo gudbiyey salaan uu u soo gudbiyey kulanka sidoo kale shaqsiyaad kale oo ay ahayd inay kulanka yimaadaan oo soo gudbiyey cudurdaar ayaa ayagana goobta laga sheegay cudurdaarkoodii..

Waxaa markaas ka dib la guda galay hawlihii kulanka waxaana lagu bilaabay war bixin loogu talagalay in kasoo qeyb-galayaasha sawir buuxa looga siiyo mashruucan Gedo University  waxaana (Presentation) war-bixin dhameystiran ka jeediyey kulanka Cabdi Xayi Cusmaan Garaad, war-bixintii Cabdi Xayi oo ahayd war bixi tifaftiran dhinac kastana taabanaysay waxaa ay kasoo qeyb-galayaashiii u suurta galisay inay si buuxda u fahmaan mashruucan, sababtoo ah war bixinta waxaa ay ka hadlaysay, arrimaha ay ka mid yihiin ujeedada laga leeyahay aas-aasidda jaamacadan, dhaqaalaha la doonayo in lagu hirgaliyo iyo qaabka loo heli karo, heerka iyo tirada iskuulada wax barasho ee ka  jira gobolka gedo, qey-baha dhismaha jaamacada gedo, sida loo maamuli doono iyo meelaha ay ku kala bixi doonaan dhaqaalaha lagu hirgalinayo mashruucan iyo guud ahaan wax kasta oo la xiriiray mashruucan oo ay u baahannayeen dad-weynihii kasoo qeybgalay inay ogaadaan,  sababtoo ah gudiga qabanqaabadu horey ayey uga doodeen saameynta ay dadka ku yeelan karto war bixin dhamaystiran oo ku saabsan mashruucan si loo dabaalo su`aalo badan oo ay is waydiin lahaayeen dadka aan ku hawlanayey mashruucan.

War bixintaas dheer ka dib waxaa laguda galay soo jeedinta khudoobinyakii iyo muxaadarooyinkii ay kusoo talagaleen marti sharaftii kulanka martida u ahaa waxaana  muxaadaradii ugu horeysay jeediyey  Prof: Warsame Xasan Cali

Prof: Warsame oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad lagu magacaabo Prairie View A&M University  oo  ku taal State-ka Taxes  ee dalka Marayakanka waxaa uu ka jaadiyey kulanka muxaadaro aad u qiimo badan ayna aad ugu riyaaqeen kasoo qeybgalayaashii, ciwaanaka muxaadarada Prof: Warsame ayaa ahayd  (The role of Diasporas) ama kaalinta qurbo joogta.

Prof: Waxaa uu aad ugu dheeradey baahida loo qabo hirgalinta mashruucaan iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan dadka qurbo joogta ah asagoo sifican u sharaxay hababka ugu haboon ee ay dadka qurbo joogta ah uga qeybqaadan karaan.

Prof: Warsame ayaa waxaa ay muxaadaradiisii ahayd mid ka jawaabayasay su`aalu iyo arrimo badan oo ay dadka qaarkiis iswaydiinayeen ugu dambeyntiina khubadii uu jeediyey waxay ahayd mid dadkii kasoo qeybgalay ku dhiira galisay inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan mashruucaan.

Dr C/risaaq Takar waxaa uu ahaa aqoonyahankii labaad ee muxaadaro ka jeediya shirka wuxuuna ka mid ahaa aqoonyananadii waqtigooda qaaliga ah usoo hurey inay ka qeybgalaan kulanka jaamacada, wuxuuna ahaa mowdiicii uu ka hadlayey sida ay Diintu u amaanto ka qeyb-qaadashada arrimaha lagu hormarinayo bulshada Muslimka ah iyo sida uu illaahay badal wanaagsan u siinaya qofkii waqtigiisa iyo hantiidiisaba uga qeyb-qaata arrimaha wax barashada ummada iyo wixii la mid ah.

Runtii waxaa la dhihi karaa wacdigii uu jeediyey Dr C/risaq Takar waxaa uu ahaa midkii suurta galiyey ujeedadii loo qabtay kulanka wuxuuna Dr C/risaaq si xamaasad iyo tartan ku jiro dadkii  kasoo qeybgalay kulanka ugu tartansiiyey inay kukala hormaraan sadaqada iyo yaboohii loosamaynayey jaamacadda taas oo suurta galisay in la helo ballanqaad lacagtii la filayey mid ka badan.

Waxa sidoo kale Dr C/risaaq Takar kala qeyb-qaatay yaboohii loosameynayey Jaamacadda C/wali Sheekh Maxamed Aw-Maxamud oo kaalin firfircoon ka qaatay dhiiri galintii dadka, asagoo mararka qaar dadkii kasoo qeybgalay kulanka u dusinayey kaftan dhiiri galin ah.

Markii uu dhamaadey yaboohii iyo isdiiwaan galintii dadkii lacagaha ku  yaboohay ayna gudigii farsamadu soo afjareen diiwaan galinta iyo aruurinta warqadihii lagu qoreyey tabaruca, waxaa la joojiyey shirkii sidii qorsheysnayd-ba waxaana dadkii oo dhan u dareereen Salaadii casar iyo sanasho, hase ahaayee markii laga soo laabtay salaadii iyo nasashadii koobnayd, ayna dadkii soo qaxweeyeen waxaa la`iskugu soo laabtay kulankii halkaasi waxaa laga sii amba qaadey kulankii.

Salaadii Casar kadib Maryan Faarax Gooje oo ay ahayd inay jeediso muxaadaro ciwaankeedo u ahaa (Role of women in educating society) kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan wax barashada bulshada ayaa ka cudur daaratay inay jeediso warqadii lafilayey inay shirka ka aqriso waxaana loo gudbey qofkii xiggey.

Dr Bashiir Nuur Xasan (Looyaan) waxaa uu ka mid ahaa midka mid ah marti sharaftii ay gudiga qaban-qaabadu ku martiqaadeen kulanka wuxuuna ka jeediyey kulanka muxaadaro ciwaankeedu ahaa  ( Higher Education) ama Tacliinta Sare.

Dr Bashiir wuxuu soo bandhigay war bixin iyo falanqeyn guud oo la xiriirtay wax-barashada Soomaaliya iyo heerarka ay kala yihiin gobolada Soomaaliya, waxaa uu si gaar ah u faahfaahiyey wax-barashada sare iyo inta jaamacadood ee ka jira Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu muxaadaradiisa si guud ugu sharaxay, xaaladda dhaqaale, caafimaad, wax barsaho, iyo horumar ee ka jirta dalka Soomaaliya wuxuuna cuskadey war bixinihii ugu dambeeyey ee sameeyeen hay`addaha caalamiga ah  sida UN iyo kuwo la mid ah .

Dr waxaa uu amaan gaar ah u soo jeediyey goboloda waqooyi galbeed iyo waqooyo bari ee dadka qaarkiis  u yaqaanaan Puntland iyo Somaliland wuxuuna gobolada kale ee Soomaaliya ku booriyey inay ku daydaan asagoo asal uga dhigay horumarka ay gaareen goboladaasi xasiloonida ka jirta, wuxuu si gaar ah isku barbar dhigay deegamadaas iyo gobolka Gedo marka la eego tilmaamihii ku cadaa warbixintii u soo bandhigayna waxay ahayd mid naxdin iyo amakaag ku abuurtay daka kasoo jeeda gobolkaas.

Dr Bashiir waxa uu warbixintii kusoo gabagabeeyey sida ugu haboon ee looga qeyb qaadan karo hirgalinta mashruucaan, asagoo sheegay inay dhankooda, hadey yihiin jaaliyadda reer waqooyiga America ay dardargalindoonaan mashruucaan inkastoo ay horey u bilaabeen.

Waxaa ayaguna xusid mudan kaalintii ay kulankii Jaamacada Gedo ka qaateen Cabdullaahi Bootaan iyo Dr Martin Orwin oo ah labo xubnood oo suuganyahano ah Cabdullahi Bootaan waa gabyaa ama abwaan Soomaaliyeed London-na aad looga yaqaan intabadana ka gabya ama suugaantiisa la abaara arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka ummadda haysta.

Dr Martin Orwin waa nin Ingriis ah macalina ka ah Jaamacadda SOAS wuxuuna dhigaa Afafka Soomaaliga iyo Amxaariga, waana aqoonyahan caan ka dhex ah bulshada Soomaaliyeed ee London gaar ahaan bahda suugaanta ayaa aad u taqaan, waxayna labaduba kulankii Jaamacadda Gedo ay uga qeybqaateen (Suugaan) la xiriirta aqoonta iyo qiimaha wax barashada waxayna suugantoodii kicisay kasoo qeybgalayaashii waxayna ahayd suugaan tilmaan fiican ka bixinaysay wanaaga aqoonta, ayagoo ku dhiiri galiyey dadkii kasoo qeybgalay kulanka inaan loo kala harin ka qeyb-qaadashada hirgalinta jaamacada Gedo.

Prof: Cabdullaahi Qodabeey Maax iyo  Prof: Cali Garoowe (oo labaduba barayaal ka ahaa jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed) ayaa waxay si wada jir ah ujeediyeen ciwaan loogu magac daray (Relationship between ignorance and engaging in civil war) ama xiriirka jaahilnimada iyo dagaalka Sokeeye, muxaadardoodo waxay ahayd mid si qoto dheer diirada loogu saaray sida ay jaahilnimada iyo aqoon la`aantu qeyb lixaad leh uga qaadataan dagaalada sokeeye, waxay tusaalooyin muuq-muuqda u soo qaateen in dhalinta loo adeegsado dagaalada sokeeye iyo wax-yeelanyta bulshada ay yihiin dhalintii ka dhacdey wadadii wax barashada ama dhalintii aan fusradda wax barsho helin.

Waxay sabab weyn uga dhigaan arrimahaas burburkii dowladii Soomaaliyeed iyo kibixidii ay meesha ka baxaan dhamaan hay`addihii ka shaqeyn jiray wax-barashada iyo aqoonta, shaqo la`aanta oo ka mid ah sababaha dagaalada sokeeye  ayey sabab uga dhigeen in shaqo la`aanta lafteeda ay sabab u tahay aqoon la`aan.

Guud ahaan khudbadii iyo muxaadaradii ay soojeediyeen Prof: Maax iyo Prof: Cali Garowe ayaa waxay ahaayeen kuwo kasoo qeyb-galayaasha sawir buuuxa kasiiyey in haddii aqoonta la badiyo lq yareyn karo ka qeyb-qaadashada dagaalada Sokaaye.

Gudiga qaban-qaabadu waxaa ay kalmad sharaf odeytino ah siiyeen C/qaadir Xaaji Maxamed oo hadal kooban oo waano iyo dhiira galin ah ka jeediyey kulankii, asagoo ugu baaqey dadkii kasoo qeybgalay kulanka inaysan ka daalin ka qeyb-qaadashada mashruucaan.

Waxaa xusid mudan in gabar yar oo soomaaliyeed oo ka mid ah gabdhaha da yarta ah ee ku korey dalal ka reer galbeedka ay ka jeedisay kulanka khudab kooban oo ay kusoo qoratay afka Ingriiska ayna kusoo gudbisay dareenkeeda, kasoo qeybgalayaashii ayadoo ay gabadhaasi yar oo lagu magacaabo Kaaho Cabdullahi Shirwac uu ka muuqdey dareenkeeda iyo faraxeeda ku aadan inay fursad u hesho kulan looga hadlayo dal-keedii,  inkastoo laga yaabo inaysan dalkaas arag laakiin ay ku taamayso inuu noqdo mid la mid ah dalalka dunida ka jira.

Waxaa lasoo gaaray waqtigii la sheegi lahaa natiijadii shirka iyo ujeedadii loo sameeyey kulanka oo ahayd in dhaqaalo loo aruuriyo jaamacadda Gedo waxaana jeediyey lacagtii lagu yaboohay iyo guud ahaan tirade ay noqotay-ba C/casiis Maxamed Shire oo ka mid ah guddigii soo qabanqaabiyey kulankaan mudadana kasoo shaqeynayey  qabsoomida kulankaan.

C/casiis waxaa uu ku dhawaaqey in  guud ahaan lacagta lagu yaboohay ay tahay $ 179,670,  waxaa uuna cabdicasiis sheegay in lacagta la yaboohay ay tahay celcelis 12%  guud ahaan lacagtii loo doonayey in lagu hirgaliyo mashruucan, wuxuuna u sheegay ka sooqeybgalayaashii haddii ay  kasoo baxaan ballanka ay qaadeen inay taasi macanaheedu tahay in guud ahaan mashruuca oo dhan lagu hirgalin  karo qiyaastii 6 ama toddoba kulan oo la mid ah midkaas SOAS ka dhacay, wuxuuna ku waaniyey walaalihii wax ballan qaadey inay ballankooda kasoo baxaan.

Aamino Cali Carkow oo ka mid ahayd gudigii soo qabanqaabiyey kulanka jaamacada Gedo ayaa ugu damebeyntii soo gebogabaysay kulanka waxay Aamino Mahad ballaaran u jeedisay dhammaan dadkii aan martiqaadka u dirney ee naga aqbalay waqtigoodana usoo hurey waxayna si guud ugu mahad naqdey kasoo qeybgalayaashii kulanka oo dhan.

Aamino waxaa ay sidoo kale mahad gaar ah ujeediysay mulkiilayaasha Maqaayada  Blue Ocean iyo Imaan oo ay gudiga qabanqaabadu mudadii ay wadeen diyaarinta kulankaan ay ku shiri jireen waxayna kala yihiin labadas mulkiile Boqor C/casiis   iyo Cabdullahi Garoon.

Guud ahaan sidaas ayey Aamino kusoo gebogebaysay kulankkii markaas kadibna waxaa la guda galay Workshop-kii loogu talagalay inay dad koobani ka qeyb-qaataan si ay arragtidooda uga dhiibtaan sida ugu haboon ee lagu hirgalin karo mashruucaan.

Waxaa ka qeybgalay Workshop-yada  shan koooxood oo ay kala hogaaminayeen Prof: Warsame , Dr Bashiir, C/casis Shire, Prof: Maax, Prof: Cali Garowe, koox walba waxaa ay fariisatay meel loo qorsheeyey waxayna bilaabeen doodi ku aadanayd sida ugu haboon ee lagu hirgalin karo mashruucan waxayna qaateen waqti ku dhaw kontan daqiiqo.

Waqtigii loogu talagalay markuu dhamaadey waxaa la`iskugu soo laabaty shirkii waxaana ay koox walba jeedisay talooyinkii ka dhashay doodii ay yeesheen, dhamaan kooxihii doodey waxa soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah dhamaantoodna wax u taraya hirgalinta mashruucan, waxaana talooyinkii oo qoran lagu wareejiyey Cabdicasiis Shire oo ka mid ahaa gudiga qabanqaabada waxayan gudigu ballanqaadeen inay dhamaan talooyinka iskudubaridi doonaan kanasoosaari doonaan hal qoraan ayadoo talooyinkaasina ay ka mid noqoda tillaabooyinka la qaadayo waqtiyada soosocda

Halkaasna waxaa kusoo gebogebooye kulankii Jaamacadda Gedo ayadoo kulankaasi u dhacay sidii loogu talagalay.

Illaahay Baa Mahad Leh

London, UK  9/07/07

Waxaa ku tabarucay Qoraalkan Guddiga qaban-qaabada Kulankii Jaamacadda Gedo.