DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Monday, October 01, 2007

 

Meherad iyo Macaash maxaa u dhexeeya? (Q.2aad)

Waxaa diyaariyey Ali Abdi Faarah. E-mal: albadel1@yahoo.co.uk

 

Noocyada Meheradaha Soomaalida

Sida la wada ogyahay Soomaalidu waxay mudo dhaw ka hor ahayd reer guuraa, beeraley yar yar ama kaluumeysato yar yar. Warshado ama shirkado ganacsi oo waaweyn oo dunida ka caan ahna ilaa iyo hadaba ma leh. Hadana Soomalidu waxay caan ku tahay dad aad uga shaqeeya wax is wedaarsiga inay yihiin. Marka maxaan ku tilmaanaa hawlaha wax is weydaarsi ee ka jiray dalka Soomaaliya ama hadaba Soomaalidu ku hawlan tahay? Jawaabtu waxay tahay Macaash ayaa dadku badanaa ku jiraa ama Macaashley badan baa ka falgasha dal iyo dibeddaba. Fara ku tiris ayey ahaayeen ama ma jirin meherado an dawladdu lahayn oo lagu sheegi karo ganacsi. Xataa ganacsatadii ugu waaweyneyd dalku ma lahayn meherado ka furan gobolada dalka oo dhan, dadka u shaqeynayeyna way koobnaayeen. Hadaba Soomalidu waxay qaban jiray macaash waana macaashley firfircoon oo dalka iyo dibeddaba waligood ka hawgeli jirey. Reer guuraaga waxaa ku jiri jiray macaashley ka iibisa dharka iyo cuntada oo ku bedelata subag, hargo iyo xoolo nool oo ay u iibgeeyaan magaalooyinka. Macaashleyda magaalooyinkuna waxay dhoofin jireen badeecooyin badan oo ay ka mid yihiin dhar, kaluun, xoolo iyo hilib, subag, meydi, foox, malmal iwm waxayna kusoo baddellen jireen badeecooyin kale. Inkastoo dalalka carabta ay aad isugu xirnaayeen Soomaalidu waxay la macaashi jirtey Afrika iyo Hindiya.

 

Markii isticmaarku yimid waxaa la bilawday in dad badan askar noqdo taaso keentay in dad badan ay magaalooyinkii shaqadu ka furantay soo galaan waxaan ilaa xad hore u maray macaashkii waxaana abuurmay macaashley ka faradan intii hore. Sidoo kale gaar ahaan Koonfurta waxaa ganasato Talyaani ahi ka sameeyeen ganacsi sida kan mooska iyo sonkorta. Waxay kaloo fureen bankiyo si ay ganacsigooda u hormariyaan.

 

Kadib markii xornimada la helay weli waxaa gacanta ku hayey hawlaha ganacsi ajnabigii ilaa kacaankii 21kii Oktoobar dhashay uuna qarameeyey shirkadahii ajnabigu lahaa iyo kuwo Soomali lahaydba. Halkaas waxaa ka abuurmay shirkado ganacsi oo waaweyn oo wadanka oo dhan ka hawlgala sida wakaaladahii WXKU, ONAT, ADC, WBU, WCQ iwm. Ganacsiyadaasi inkastoo dawladdu lahayd hadana waxay buuxinayeen shuruudihii laga rabay shirkad ganacsi waxayna mid walba shaqaalaysay boqolaal dad ah. Shirkadaha gaarka ah ee waqtigaas jiray ma buuxinayn shuruudaha shirkadaha ganacsiga waxaana dhammaantood lagu sheegi karaa inay ahaayeen macaashyo kala gedisan inkastoo qaarkood ay u gudbi lahaayeen ganacsiyo haddii ay weli shaqeyn lahaayeen.

 

Inkasta oo arintu ahayd sidaan kor ku xusnay ka hor burbur kii dawladdii Soomaaliyeed, waxaa sanooyinkii 90dii abuurmay ganacsiyo wada gaara dalka oo dhan sida shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwo adeegoodu wada gaarsiisan yahay dalka iyo dibedda sida  kuwa xawaaladaha, shirkadaha duulimaadka, kuwa isgaarsiinta iwm. Waxaa abuurmay maslaxado kala gedisan isla waqtigaas sida tan isgaarsiinta oo kulmisa teleefanada, raadiyeyaasha, boosaha iwm. Isgaarsiinta waxaa ku xiga maslaxdda hawlaha maaliyadda (finanacial services industry) oo ayana ku kulmisa xawaalaha, sarifka lacagaha qalaad iyo bankiyada yar yar oo hada abuurmaya. Inkasta oo ganacsiyo kale abuurmeen hadana marka laga reebo kan socdaalka (travel) kuwa kale waxay weli u dhaqmaan sidii macaash. Taas micnaheedu waxaa weeye waxaa hawsha gacanta ku haya qof ama dhawr qof  oo ayagu isku kooba awooda shirkadda oo dhan. Waxaa kaloo dhacda inaysan lahayn qaab shirkadeed sida waaxyo hawlaha kala gedisan oo shirkad looga baahan yahay leh. Waxaa laga yaabaa xataa in qof saamileyda ka mid ah xisaabtiisa shirkaddu isticmaasho oo ay dhib noqoto in la kala saaro hantida shakhsigaasi leeyahay iyo tan shirkada. Waxaa caan ka ahaan jirey Somaaliya welina socda in haddii xubnaha shirkadda ama iskaashato is khilaafaan ay adkaan jirtay ama dhib noqoto in la helo raad raac rasmi ah oo hantidii hay’addaas ayadoo ay ugu wacan tahay sababaha an kor ku xusnay.

 

Shirkadaha ganacsi ee hadda Soomaliya ka jiraa waa ka duwan yihiin kuwii hore laba sababood awgood. Tan koobaad waa shirkadoo gaar ah meesha kuwii hore ay ahaayeen kuwo dawladeed. Tan kale qaab dhismeedkooda oo ka gedisan kuwii hore ayadoo ay sal u tahay xubnaha oo ay lagama maarmaatahay in gobol walba cid ka matesho si hawlaha shirkaddu gobolada dalka habsami uga socdaan. Taasi waxay keentay bisayl badan oo Somaalidu aysan hore u qabin waxayna meesha ka saartay cabsidii dadka qaarki qabay waxayna caddeysay inaan ganacsigu xuduud lahayn.Waxaa la dhihi karaa waaxd keli ah ee waaxyaha dhaqaalaha oo horumartay intii burburku jirey waa tan ganacsiga dalka iyo dibeddaba. Waxaa abuurmay gaadley fara badan oo ka faa’iideystay buuxinta fongoro dawladdu gacanta ku hayn jirtey una beddelley maslaxado sidaan hore usoo sheegnay. Macaashley fara badan ayaa ka abuurantay wadanka dibeddiisa sida Imaaraadka Carabta, Kenya, South Africa, Zambia, Uganda, Ingriiska iyo Mareykanka. Waxaa lagu qiyaasaa lacagaha xawaaladleyda keli ihi sannadkii rogrogaan ilaa dhawr bilyan oo lacagta mareykanka ah. Waxaan shaki ku jirin in maaliyedda ganacsiyada abuurmay 91dii ka dib soo saaraan inay ka badan tahay waxasoosaarkii guud ee wadanka (GDP) ee Soomaliya lahayd buburkii ka hor. Taas micneheedu ma aha in burburkii dalka wax taray ee waxaa weeye ayadoo ay dalka ka hirgashay nadariyadda Dhaqaalaha Suuqa Xorta ah (Free Market Economy) inkasta oo ee meesha ka baxday ilaalintii tayada adeegga bulsha oo dawladdu gacanta ku haysay.

 

Macaashleyda dalka dibeddiisa ku dhaqani ayana qeyb libaax ayey ka qaadatay aragtidii dunidu ka qabtay in Soomaalidu tahay gaadleyda firfircoon. Dalalka Koonfurta Afrika iyo Kenya waxay dadkii ku soo qaxay ka abuureen kumnaan meheradood oo isugu jira firshooley, warato, macaashley iyo ganacsiyoba. Sidoo kale dalka Ingriiska Soomalida ku dhaqan waxay caanku tahay dukaamada telefanada iyo internetka laga isctimaalo oo la dhihi karo boqollaal meheradood oo noocaasi ihi magaalada London waa ku yaalaan. Ganacsiyo an xawaaladaha ayahni kama furna dalka Ingriiska umana sahlana inay Soomaalidu furtaan awoodooda dhaqaale oo kooban awgeed. Gobollada Mareykanka qaarkood sida Minesota iyo Ohio ayaa ayana Soomaalidu ku heysataa macaashyo kala duwan inkastoo Minneapolis ay ugu baaxad weyn tahay macaashyada ka hawlgala Waqooyiga Ameerika tiro ahaan iyo awood dhaqaaleba. Dalka Kanada ayaa asna sidoo kale si weyn loogu qaxay macaashyo fara badanna Soomaalidu uga furatay.

 

Inkastoo guud ahaan firxadkii Soomaalidu aduunka oo dhan wada gaaray hawlo badanna laga qabtay hadana marka lag reebo meheradaha Xawaaladaha iyo Telefanada horumar la xusi karo wax isweydaarsiga Soomalidu ma gaarin. Cilladda ugu weyn oo horistaagtay in Ganacsiyaal badan abuurmaan waa burburka dalka ku dhacay. Waxaa abuurmayey meherado badan oo ay lahaayeen ama maamulayeen dhalinyaro ilbax ah oo ku hawlaneed inay dalka gudihiisa waxay ka soosaaran dibedda u beecgeeyaan. Qaar kamid ihi warshado yaryar ayey furteen ama ku tala jireen furtaanka warshado kheyraadka dalka farsameeya oo dalka gudihiisa laga iibsho dibeddana u dhoofiya. Waxaa kaloo aad loogu hawlanaa waxsoosaarka dalagyada beeraha oo dalku isaga filnaa ilaa 60% lagana yaabey dalagyada qaaraad haday ku socdaan xawligii markaas jirey in isku filaansho lagu gaari laahaa mudo an ka badneyn 5 sano qiyaasteyda. Dalagyadaas waxaa ka mid ahaa Bariiska oo si weyn soosaarkiisa dad badani ugu hawlanaayeen anna aaminsanahay in la gaari lahaa heer la dhoofiyo hadaan burburkii dalku dhicin.  

Xuduuda macaashka

Macaashka nooca ugu yari waa firsho taasoo ah hawl aad u yar oo faa’iido laga raadiyo. Waxaa laga yaabaa in firshoole haysto jawaan sonkor ah oo uu kiileeyo, ama jawaan digir ah oo uu koobeeyo, ama gobolo khudaar ah oo uu xirmeeyo. Faa’iidada firsho laga raadiyaa waa biil badanaana waxaa ka hawlgala dumar. Inay korto oo dukaan ama macaaskballaran isu rogto waa suurtagal laakin waxay u badan tahay inaan firsho horumar badan sameyn. Waxaan xasuustaa firshooley an arki jirey sannadihii 60dii oo weli firshadii fadhiya 91dii. Waratadu waa firshooley horumartay waxayna isu beddelaan bacadlayaal ama dukaanley. Waratada waxaa ku jira gaarigacanleyda iyo qolyaha adeegsada gawaarida oo ka hawlgala suuqyada maalmaha goonida ah.

 

Dukaanleydu waa macaashka dalkeena aadka loogaga dhaqmo waana halka saldhigga u ahaa macaashyada dadkeenu haysan jireen amase ay hadda heystaan. Dukaamadu waa laba nooc guud ahaan: kuwo alaabta ku iibsha jumlo loona yaqaan bakhaar sida caanka ah iyo kuwo alaabta tafaariiqeeya. Waxaa dhacda in dukaamadu aad u horumaraan una ballaartaan halkaasna ay isugu beddellaan Ganacsi sida silsiladaha dukaamada aduunka horumaray ka jira. Tasaale waxaa u ah dukaamada loo yaqaan Tesco, Lidl, C&A iyo M&S oo dalal badan oo Urub ah ku yaal. Waxaase xusid mudan in Carwadii ITKO la oranjirey oo Muqdishu ku ooli jirtey ay kasoo uskuntay gaarigacanle horumarkiisu qaatay 18 sano soona maray marxaladaha kala ah bacadle, dukaan jumlo kuna dambeeyey ganacsi laamo ku leh dalal dhawr ah.

 

Macaashyada an hore usoo sheegnay waxay u badan yihiin meherado qof ama qoys u leeyahay, waxaase jira macaashyo ka duwan kuwaan hore u xusnay sida shirkadaha masuuliyadda kooban, xirfadleyda iyo lataliyeyaasha. Hay’adahaasi inkastoo ay macaashyo yihiin hadana lahaanshahoodu waa mid dad koox ah ka dhexeeya, taasina waxay la imanaysaa qaab dhismeed ka duwan kuwii shakhsiyaadku ay lahaayeen. Waxaa qaabka loo hawlgeliyo ururadaani u googol xaareysaa inay  u xuubsiibtaan ganacsiyo.

 

Maamulka macaashka

Macaashyada guud ahaan waxaa maamula cidda iska leh. Kuwa yar-yarina dhakhligoodoo yar awgiis maamul la sheegaba uma baahna. Markase ay horumaraan oo shirkado gaaraan waxaa maamula dad loo cayimay oo ka tirsan saamileyda, in kastoo haddii khasaare yimaado aysan masuul ka noqoneyn saamigii ay shirkadda ku lahaayeen wax ka badan. Xirfadleyda maacshyada ah sida Xisaabiyeyaasha iyo Qareenada waxaa laga yaabaa inay kharshka xafiiska iyo shaqaalaha ay qeybsadaan balse xubin kastaa ay iskeed u madax banaan tahay. Waa jiraan shirkado xirfadley ah oo hal maamul oo guud leh kaasoo masuul ka ah waaxyaha shirkadda oo dhan.

 

Inkastoo macaashyada yar-yar sidaan kor ku sheegnay loo hawlgeliyo, hadana waxaa jira macaashyo waaweyn oo maaliyad fara badan rogroga. Macaashyada noocaas ah waxaa lagama maarmaar ah inay yeeshaan maamul ka madax banaan saamileyda, haba dhacdo in xubnaha gudiga fulinta qaarkood noqdaan saamileyda dad ka mid ah.

Waxaa ayna muhiim ah in ardeyda maamulka jaamacadaha ku barataa ay ogaadaan inaan maamul macaash uusan ahayn kan ay ka hadlayaan akaademiyiinta baraysa maadooyinka maamulka meheradaha. Sababtuna waxay tahay ayadoo aan macaashyadu buuxin shuruudaha laga rabo ganacsiyada jaamacadaha lagu barto sidaan ku arki doono cutubkan qeybtiisa dambe.

 

Qaabka loo diiwaan geliyo macaashka

Macaashyada an ahayn shirkadaha waxaa laga diiwaan geliyaa Dawladda Hoose oo ka talisa goobta ay hawlgalaan. Shirkadaha ayaga diiwaan gelintoodu wey ku kala gedisan tahay dalalka aduunka. Soomaaliya waxaa diiwaan gelin jirey Maxkamad, waxaana loo sii mari jirey Nootaaye kaasoo ahaa garyaqaan aqoon u leh sharciyada shirkadaha. Dalka Ingiriiska waxaa shirkadaha laga diiwaan geliya goob la yiraahdo Aqalka Shirkadaha waxaana loo sii maraa xisaabiye, ciidii garaneysa sida waraaqaha loo buuxiyona umaba baahna inay xisabiye marto ee aydaa toos ula xiriireysa Aqalka Shirkadaha. Macaashyada ka diiwaan geshan dawladda hoose looma baahna in la cayimo muddada ay shaqeynayaan, sannadkastana waa la cusbooneeya sharcigooda.

Macaashyada maxkamadaha laga diiwaan geliyo waxaa khasab ah in la xadido muddada ay jirayaan sidaas awgeed looma baahna in sannadkasta la cusbooneeyo waraaqaha ay ku hawgalaan.  Dalalka qaarkood waxaa lagama maarmaan ah in macaashyada dibedda wax u dhoofiya ama kasoo dejiya ay ka qaataan shati wasaaradda ganacsiga kaasoo la’aantiis aysan hawlaha dhoofinta iyo soo dejinta aysan qaban karin. 

 

Habka Canshuur Bixinta

Macaashyada ka diiwaan gashan dawladaha hoose waxay canshuurta siiyaan isla dawladdaas hoose,  kuwase meelaha kale ka diiwaan geshani waxay canshuurtaan siinayaan dawladda dhexe. Noocyada canshuuruhu wey badan yihiin weyna ku kala gedisan yihiin dalalka, sidaas awgeed halkaan ugama hadleyno.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com