Meherad
iyo Macaash maxaa u dhexeeya?
Waxaa
diyaariyey Ali Abdi Faarah. E-mal:
albadel1@yahoo.co.uk
Hordhac:
Si aan u
ogaado ilaa xadka dadkeenu ka ogyahay
dhaqanka wax isweydaarsiga ee Soomaalidu
caanka ku tahay waxaan jecleystay inaan
magaca kitaabkaan ka dhigo su’aal.
Waxaan soo qaatay laba eray oo erayada
baayacmushtarka ka mid ah oo aan badanaa
dhagaheenna an aad ugu dhicin
isticmaalkooduna uuba yar yahay marka
goobaha wax isweydaarsiga la joogo si
aan ku kiciyo dareenka akhristeyaasha.
Haddaba si aan u ogaado heerka wacyiga
dadweynuhu ka joogo arrimaha ganacsiga
iyo ereybixintooda waxaan weydiiyey dad
badan oo isugu jira dad wax bartay, kuwo
ku hawlan hawlo wax isweydaarsi iyo
ardey intaba waxa u dhexeeya meherad iyo
macaash waxayna dhammaantood iigu
jawaabeen siyaabo isku dhaw dhaw. Waxaa
loo batay in meheradi tahay goob ama
rug wax la isku weydaarsado, maacshna uu
yahay faa’iidada laga sameeyo hawsha
goobta lagu qabanayo. Jawaabta
dhabta ah waxaad ka helaysaan faqaradaha
soo socda.
Arintaasi
waxay ii bayaamisay walwal an ka qabay
inaan dadkayagu hoosba u eegin in la
kala saar-saaro ama la habeeyo hawlaha
baayacmushtarka ayadoo ay noocyo badan
yihiin, magacyada Soomaalidu u taqaaney
ama hadda badankoodu u yaqaaniinna ay
jiraan, cidunase aysan isku dayin inay
isku hawsho inay kala bayaamiso xuduuda
ay kala leeyihiin hawlaha wax
isweydaarsigu. Waxaana sababta loo
aaneyn karaa in aanaan qabin kulliyado
ama macaahid heer sare ka gaaray baridda
waxa loo yaqaan Maamulka Meheradaha iyo
macallimiin isku hawshay inay wax ka
qoraan maadadaan walow ay jirtey
kulliyad lagu barto ganacsiga oo
Jaammacadda Ummadda ka tirsaneyd. Si
kastaba ha ahaatee, waxaa muuqda fongor
weyn oo ka bannaan sidii loo dabooli
lahaa baahida loo qabo in la helo kutub
iyo qoraallo ku saabsan maamulka
meheradaha oo Af-soomaali ku qoran si ay
uga bogtaan barashada maadadaan dad
badan oo an aqoon luqadaha ajnabiga ah
ama an fursad u helin inay galaan
kulliyado lagu barto maamulka meheradaha.
?
Waxaan
kitaabkaan uga hadli doonnaa arrimaha
ganacsiga iyo macaashka annaga oo ku
eegi doonna farqiga u dhexeeya Soomalida
iyo adduunka gaar ahaan kan horumaray
sida ay u qabsadaan hawlaha wax
isweydaarsiga iyo sida ay u kala
carrifaan meheradaha iyo dadka ku hawlan.
Sidaa darteed, waxaan u arkay inay
muhiim tahay in la helo saldhig ugu
yaraan noqda marjic loo noqdo marka laga
hadlayo arrimaha wax isweydaarsiga iyo
maamulka meheradaha kaasoo, an hadda
jirin.
Waxaan
raadiyey cid hore oo wax ka qortay
maamulka meheradaha waxaana la ii
sheegay inay jiraan laba kitaab oo midna
ka hadlayo xawaaladaha midna arrimaha
lacagta oo keli ah oo labaduba an asaas
u noqon karin mawduucaan. Taasina waxay
igu dhiirrigelisay inaan qoraalkaan
sameeyo, ayadoo muddo dheer meesha ay ka
baxday dawladdii dhexe oo kobcin jirtey
Eraybixinta iyo qoraalka Afka-Soomaaliga,
an kana cabsaday inay muddo qaadato in
la helo fursad dambe oo la isugu keeno
khubaro la mid ah gudiyaddii ka jirey
waddanka dagaalka sokeeye horti. Waxaan
aaminsanaa inay dhib noqon karto in
erayo ku habboon beddelka erayada
Ingriiska ah oo guud ahaanba gundhigga u
ah barashada Maamulka Meheradaha,
markaanse bilaabay qoraalkan nasiib
wanaag waxaan ogaaday in Af-Soomaaligu
uu qani yahay ayna ka buuxaan erayo
badan oo beddeli kara kuwa ajnabiga ah
oo mararka qaarkood laba heli karo dhawr
kalmadood oo beddeleya eraygii ajnabiga
ahaa oo aad kala door dooran karto.
Sidaadse garan kartaan eraybixinta an
sameeyey waa mid an anugu isku hawlay
mana aha midda ugu dambeysa ee la isku
wada raacay siday erayadii gudiggii
dawladdii Soomaaliyeed qabatay. Waxaan
isku dayey inaan kalmadaha an
adeegsanayo an waafajiyo dhaqanka
Soomaalida ha ahaado kan reer miyiga ama
kan magaalada ama kan xirfad ahaan
arimaha maamulka meheradaha an u
adeegsanno. Waxaa kale oo igu geesinimo
gelisay inaan wax ka qoro arrimaha
ganacsiga ayadoo dhallinta wax barata
hadda ay u badan yihiin kuwo an fursad u
helin inay Soomaaliya wax ku bartaan
lagana yaabo inaysan hadda daneynayn
inay far Soomaali wax ku qoraan
laaakinse marka ay gaaraan heer takhasus
garaadkoodu kobci doono lagana yaabo
inay baahi u qabato maraajic Soomaali ku
qoran si ay u fahmaan arrima badan oo
aysan hadda afafka kale oo ay wax ku
bartaan ku fahmi karin.
Waxaa ugu
muhiimsan waxyaabaha loo baahan yahay
inaan fahamno micnayaasha erayo kooban
si aan tusaale ahaan ugu soo qaadano,
waaxdse ka helaysaan erayada muhiimka ah
buugga gadaashiisa waxaana ka mid ah:
Macaashka, Ganacsiga, Meherad, Maslaxad,
Meheradle, Macaashle, Gadisle, Gaadle,
Ganacsade iyo kuwo kale. Waxaan
kaloo si kooban wax uga ifindoonaa
Soomaalidu hawlaha wax isweydaarsi oo ay
haysan jirtay ama ay haysato noocuu
yahay iyo farqiga u dhexeeya kan dunida
horumartey. Waxaan cutubyada soo socda
si kala baxsan ugu qaadaa dhigeynaa
arrimo muhiim u ah maamulka meheradaha,
sida Suuqeynta, Qorshe sameynta,
Isbarbardhigga Straateejiyada guud iyo
Qorshaha Straateejiga ah, Dhaqanka
Hay’adaha, Maamulka Shaqaalaha, Habka
loo maamulo Meheradaha Yaryar iyo weliba
arrimo la xiriira noocyada ganacsi ee
Soomaaliya hadda ka dhashay sida
Xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo
Isbahaysiyo Gancsi. Waxaan rajeynayaa
qoraalkani inuu anfaco akhristeyaasha
daneeya inay wax ka bartaan arrimaha
ganacsiga iyo dhaqaalaha gaar ahaan
ardeyda barata maamulka meheradaha
(Business Administration).
Sidaan
horeba u xusnay aan ku bilawno inaan ugu
horeyn mid mid u fasirno ama u kala
caddeyno Meherad, Macaash, Gedgedis,
Maslaxad iyo Ganacsi waxa u dhexeeya.
Waxaa kaloo u baahan in la fahmo farqiga
u dhexeeyaa Meheradle, Macaashle,
Gadisle, Gaadle iyo Ganacsade inta anaan
ka hadlin arrimaha wax isweydaarsiga ee
kitaabkani qaadaadhigi doono.
Meherad
( ama Business ) - waa goob hawl wax is
weydaarsi ha ahaado mid faa’iido laga
rabo ama midaan faa’iido laga rabin lagu
qabsado sida dukaan, hooso,
makhaayad, xafiis, warshad iwm. Waxy
kale oo noqontaa hawsha nafteeda.
Macaash
( ama Trade ) – waa wax is weydaarsi
faa’iido laga samaynayo. Wax
isweydaadsigaasi waa mid yar oo aan
ballaarnayn. Sida dukaan, makhaayad,
bakhaar, hooso iwm. Kalmaddaani waa mid
facweyn oo dhaqanka Soomaalida ka mid ah
waxayna la xiriirtaa dhaqankii baadiyaha.
Waxaa jiri jiray marka la roobda’sado
waxaa dudo kasta lahaan jirtay rag
badeecooyin ka keena magaalooyinka oo
intay geedo waabtaanna dhar, cunto iyo
wixii kaloo reerguuraagu u baahdo kaga
beddelan jiray xoolo jar ah, subag iyo
hargo. Gobolladda waqooyi ee Soomaaliya
waxa macaashle looga yaqaan Kabadhe.
Waxaa laga yaabaa in la yirahdo maxaa
loogu magacaabay meheradaha aan kor ku
xusnay oo dhan Macaash. Sida looga
yaqaano dunida reer galbeedka,
meheradkasta oo lacagta ay rogrogto ay
ka yartahay malaayiin ama suuqeedu uu
koobanyahay waa macaash ama ( small
business ). Macaashleydu waa noocyo
badan tahay waxaana ka mid ah:
Gedisleyda, Jeebleyda, Gaadleyda,
Waratada iyo Firshooleyda. Wax
isweydaarsiga faa’iidada laga sameeyo ee
ugu badan hawlaha meheradaha aduunku waa
Macaashka waxaana laga yaabaa inuu ka
badan yahay boqolkiiba 80% meheradaha ka
jira adduun weynaha, meesha Soomaaliya
la dhihi karo waa 98% maadaama Ganacsi
wax lagu sheegi karo oo ka jiraa uu yar
yahay sidaan macnaha Ganacsi ku arki
doonno.
Gedgedis (ama Exchange ) – waa wax
isweydaarsi faa’iido laga samaynayo sida
macaashka ama ganacsiga. Waxaase
Soomaalidu u isticmaashaa inuu aalaaba
yahay meherad an saldhig lahayn sidaan
ku arki doono micnaha Gadisle. Dunida
horumartay kama jiri karo gadgadis
sbabtoo ah waa inay noockasta oo wax
isweydaarsi ahi diiwaangeshan yahay
xataa hadduu yahay firsho.
Ganacsi
( ama Commerce ) – waa wax is weydaarsi
faa’iido laga sameynayo oo baaxad weyn.
Waxaan ka fahmeynaa halkaas in farqi
badani u dhexeeyo macaash iyo ganacsi
sababtoo ah ganacsigu waa hawl wax
isweydaarsi oo gaareysa gobolo badan oo
dal gudihiis ah ama gobolo dalal kala
gedisan. Hadaan tusaale ganacsi soo
qaadano waxaan dhihi karnaa ganacsi
waxaa fuliya shirkado waaweyn sida
Nestle, Mark & Spencers, Shell, BP,
shirkaddaha Nation, Hormood, Olympic iwm.
Si kale haddaan u dhigno ganacsigu waa
wax isweydaarsi an xuduud lahayn meesha
Macaashku uu kooban yahay.
Maslaxad ( ama Industry ) – waa magac
kulmiya meheradaha shaqo isku nooc ah
qabta. Waxaan misaal u qaadan karnaa
meheradaha ka shaqeeyaha isgaarsiinta,
ama xawilaadaha lacagta. Khasab ma aha
in shirkadahaasi sameeyaan shaqo isku
mid ah ama baaxad ahaan is le’ekaadaan,
waxaase shardi ah inay qabtaan hawlo
guud ahaan isku mid ah sida kuwa
isgaarsiinta kala gedisan ka shaqeeya
ama hawlaha maaliyadda oo kala duwan
qabta.
Meheradle/Meheradley (ama
Businessman/Businesswoman ) – waa
qof meherad haysta ha weynaato ama ha
yaraatee ama ka shaqeeya.
Macaashle/Kabadhe (ama trader ) –
waa qof dukaan, makhaayad ama meherad la
mid ah haysta ama ka shaqeeya.
Gadisle
(ama Trader) – waa qof ka
shaqeeya meherad an saldhig lahayn sida
dukaan ama xafiis. Waxaa magacaas
aad loogu aqoon jiray dadka xoolaha ka
baayacmushtara oo intay ka soo gataan
ama ka soo amaahdaan xoolo dhaqatada ama
Gaadleyda u dhoofiya gobol kale
markaasna badeecooyin keena gobolkoodii.
Waxay badanaa ku hawlanyihiin shaqo
kooban inay wadanka gudihiisa wax u kala
waaridaan.
Gaadle
(ama Entrepreneur) – waa qof eegta
fursad kadibna ku bakhtiyanasiibsada.
Waxay gaaleydu badanaa ahaan jireen rag
xoolaha inta iibsada sii iibiya, laakiin
markii la reer magaaloobay waxay isu
beddelleen inay ka hawlgalaan xafiisyo,
mararka qaarkood Jeebley ahaan ayey u
shaqeystaan. Aduunka kale Gaadleydu waa
meherado qaarkood ganacsi gaaraan kuse
abuurmay fursad gaadnimo si ah amase
shul ama shal waxa afka suuqa lagu
yiraahdo. Dawladuhu waa dhiirigeliyaan
gaadlenimada sababtoo ah waxay abuuraan
fursado shaqo oo lagama maarmaan u ah
dhaqaalaha wadanka.
Jeeble
(ama trader) – waa qof jeebkiisa ku
tashta una hawlgala sida gadisleyda.
Badanaa jeebleydu waxay ka shaqeeyaan
wax kooban waxaana ka mid ah
firshooleyda, bacadleyaasha nooca
gaarigacamada ku shaqeysta iyo waratada.
Jeeblenimadu waa shaqada wax
isweydaarsiga ugu fac weyn gaar ahaan
firshooleyda iyo waratada oo aduunka oo
dhami wada wadaago.
Warato/Firshoole (Trader) – waa isku mid
labadaan qolo waxayse ku kal gedisan
yihiin Firshooleydu waa degen yihiin
halka Waratu ay guurguurto. Dhan
hadaan ka eegno Waratadu wax gooni ah ma
gadaan halka Firshooleydu ah takhasus
leeyihiin. Firshooleydu waa dadka gada
waxa ugu yar oo faa’iido laga sameynkaro
sida kuwa jawaan bariis ama dhigir ah
beega, kuwa khudaarta gaada ama hilibka
wasladeeya. Firshooleydu meel suuq ah oo
ay boos cayiman ku leeyihiin ayey wax ku
gadaan halka waratu aysan meel xadidan
ama suuq u go’an lahayn.
Bacadle
(trader) – waa warato deggan oo ka
hawlgasha suuq dhan oo alaaboyin kala
gedisan ama isku mid ah lagau gado.
Badanaa bacadleyaashu waxay keenaan
badeecooyin jaban dan yartu qadan
karaan. Bacadleyntu waa dhaqan soo galay
dalkeena bilowgii 70nadii kana bilawday
Muqdishu kadibna noqday caan kuna faafay
dalka oo idil.
Xirfadle (Specialist) – waa qof ku
hawlan meherad takhasus leh sida hooso,
xafiis garyaqaan, la talin ama xisaabiye
iwm. Xirfadleydu wey kala baaxad
weyn yihiin. Qaarkood waxaa laga yaabaa
inay macaashley yihiin halka qaar kale
ay noqonayaan ganacsato malaayiin lacag
ah sannaddkii rogrogta. Xirfadleyda
waaweyn oo caanka ah waxaa ka mid ah
xafiisyada la talinta sida KMPG,
PRICEWATERHOUSE, DELOITTE&TOUCHE,
ASHBRIDGE CONSULTING GROUP IWM.
Dilaal
(Broker) – waa qof u dhexeeya laba qof
oo wax kala gadaneysa. Dilaaleydu
waa noocyo badan tahay waxayna u kala
baxdaa noocyo sida qof keli ah iyo kuwo
waaweyn oo ganacsato ah sida Llods
Shipping Brokers shirkadda loo yaqaan.
Badanaa waxaa dhaca inay jiraan dad kale
oo hawl dulaalnimo qabta xirfaddooduse
aysan dulaalnimo ahayn sida wakiiladda
shirkadaha ajnabiga ah oo an ayagu soo
waaridn badeecadaha shirkaddaas ay
wakiilka u yihiin balse isku xira laba
shirkadood halkaana ka hela khidmad
lacag ah.
Ganacsade (Merchant) – waa qof
ganacsi haysta ama ka shaqeeya.
Maxaa u
dhexeeya meheradaha Soomaalida iyo kuwa
dunida
Waxaan uga
jeedaa fasiraada kalmadahaan waa inaan
fahamno gaar ahaan ardeyda barata
maadooyinka maamulka meheradaha in
hawlaha wax isweydaarsi ee dadkayagu
qabtaan iyo kuwa ay ku bartaan
jaamacadaha waxa u dhexeeya. Taas
micneheedu waa inuu ka baxo shakiga ama
garanwaagga ka yimaada farqiga u
dhexeeya waxa ay duruusta ku bartaan iyo
waxay ku arka yaan in Soomaalidu ku
hawlan tahay. Waxaanna u sheegayaa
ardayda in buugaagta ay qoreen
macalimiinta ku takhasustay arimaha
ganacsiga, dhaqaalaha iyo maamulkaba
inaysan ka hadleyn Macaash ama meherad
yar midna waxase arigtiyadoodu ku dhisan
tahay sida shirkadaha ganacsigu u
dhaqmaan ama sida loo maamulo ganacsi.
Badanaa arigtayada akaademiyiintu kuma
salaysna hanti ka yar 200 oo milyan oo
lacagta mareykanka ah meherad maamusha.
Waxaa kale oo muhiim ah in ardaydu
fahmaan in badanka arigtida dhaqaale ama
ganacsi oo hada la isticmaalo inay ku
saleysan tahay meheradaha waxsoosaaraka
ee waaweyn. Haddaan qodobkaas sii
caddeeyo waxaa weeye qaab dhismeedka
maamulka shirkadaha ee dunidu wada
isticmaasho waxaa saldhig u ah kuwii
meheradaha waxsoosaarka in lagu maamulo
lagu bilaabay. Sidaas awgeed waxaan
ardeyda iyo meheradleydaba ugu baaqayaa
inaysan ku kadsoomin arintaas oo ay u
arkaan arintu sida ay tahay ayna ka
fekeraan siday isu waafajin lahaayeen
waxay arki jireen ama ay Soomaalidu ku
maamulato iyo waxa ay jaamacadaha ka
dhiganayaan.
Tan kale
meheradaha Soomaalida badanaa waxaa
maamula dadka leh halka meheradaha
dunida horumartay kala baxsan yihiin
mulkiga meheradda iyo maamuleyaashoodu
marka laga reebo waratada, bacadleyaasha
iyo firshooleyda iyo weliba macaashyada
aadka u yaryar. Laakiin macaashyada
badankood mulkiga iyo maamulku waa isku
mid meel kasta oo ay ka jiraan.
Waxaa
xusid mudan inaanan helin cid iga
horeysay oo maadadaan wax ka qortay oo
an ka faa’iido eray bixin an ugu
isticmaalo qoraaladeyda, hadaba wixii ad
garanweydaan waxaad ka eegtaan boggagga
eray bixinta ee buugga gadaashiisa ku
yaal ama abwaanka xuruufta ganacsiga iyo
dhaqaalaha ee dhawaan soo bixi doona.
Waxaan kale oo codsanaya wixii ka qaldan
eray bixinteyda inaad toosisaan ilana
soo socodsiisaan si aan ugu dhaqmo;
waxaadna iigu soo gudbin kartaan e-mailkayga
oo ah
albadel1@yahoo.co.uk.
Waxaan ka cuduraaranayaa haday dhacdo
inaad la kulantaan waxyaabo ad is i
dhahdaan waa duqoobeyn ama waa laga
tegey isticmaalkooda, waxaanna
codsanayaa in sidoo kale ad isoo
gaarsiisaan si aan ugu hawlgalo ayagana.
Waxaadna ogaataan in maadooyinka cilmiga
bulshadu aysan ahayn wax taagan ee si
joogta ah arigtayada la xiriirtaa ay isu
beddellaan sababtuna ay tahay ayagoo ku
xiran isbeddelka ka dhacaya dhaqanka
bulshada, farsamada, siyaasadda iyo
weliba bay’adda guud. Hadaba mar hadaan
kala caddeynay arimaha kor ku xusnay oo
laga yaabo in dad badani is ku khaldo
ama iska sahlado, waxaan u gudbaynaa
inaan waafajino arimaha ganacsi oo
Soomaali ahaan an qabno iyo waxa ay
rasmiyan yihiin.
La soco
qaybaha kale.
Qoraalkan lama guurin karo lamana
daabacan karo iyada oo aan ogalaansho
laga helin qoraaga magaciisu kor ku
xusanyahay.
Mahadsanid