DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Wednesday, September 19, 2007

 

 

Meherad iyo Macaash maxaa u dhexeeya?

Waxaa diyaariyey Ali Abdi Faarah. E-mal: albadel1@yahoo.co.uk

 

Hordhac:

 

Si aan u ogaado ilaa xadka dadkeenu ka ogyahay dhaqanka wax isweydaarsiga ee Soomaalidu caanka ku tahay waxaan jecleystay inaan magaca kitaabkaan ka dhigo su’aal. Waxaan soo qaatay laba eray oo erayada baayacmushtarka ka mid ah oo aan badanaa dhagaheenna an aad ugu dhicin isticmaalkooduna uuba yar yahay marka goobaha wax isweydaarsiga la joogo si aan ku kiciyo dareenka akhristeyaasha. Haddaba si aan u ogaado heerka wacyiga dadweynuhu ka joogo arrimaha ganacsiga iyo ereybixintooda waxaan weydiiyey dad badan oo isugu jira dad wax bartay, kuwo ku hawlan hawlo wax isweydaarsi iyo ardey intaba waxa u dhexeeya meherad iyo macaash waxayna dhammaantood iigu jawaabeen siyaabo isku dhaw dhaw. Waxaa loo batay in meheradi tahay goob ama rug wax la isku weydaarsado, maacshna uu yahay faa’iidada laga sameeyo hawsha goobta lagu qabanayo. Jawaabta dhabta ah waxaad ka helaysaan faqaradaha soo socda.

 

Arintaasi waxay ii bayaamisay walwal an ka qabay inaan dadkayagu hoosba u eegin in la kala saar-saaro ama la habeeyo hawlaha baayacmushtarka ayadoo ay noocyo badan yihiin, magacyada Soomaalidu u taqaaney ama hadda badankoodu u yaqaaniinna ay jiraan, cidunase aysan isku dayin inay isku hawsho inay kala bayaamiso xuduuda ay kala leeyihiin hawlaha wax isweydaarsigu. Waxaana sababta loo aaneyn karaa in aanaan qabin kulliyado ama macaahid heer sare ka gaaray baridda waxa loo yaqaan Maamulka Meheradaha iyo macallimiin isku hawshay inay wax ka qoraan maadadaan walow ay jirtey kulliyad lagu barto ganacsiga oo Jaammacadda Ummadda ka tirsaneyd. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqda fongor weyn oo ka bannaan sidii loo dabooli lahaa baahida loo qabo in la helo kutub iyo qoraallo ku saabsan maamulka meheradaha oo Af-soomaali ku qoran si ay uga bogtaan barashada maadadaan dad badan oo an aqoon luqadaha ajnabiga ah ama an fursad u helin inay galaan kulliyado lagu barto maamulka meheradaha. ?

 

Waxaan kitaabkaan uga hadli doonnaa arrimaha ganacsiga  iyo macaashka annaga oo ku eegi doonna farqiga u dhexeeya Soomalida iyo adduunka gaar ahaan kan horumaray sida ay u qabsadaan hawlaha wax isweydaarsiga iyo sida ay u kala carrifaan meheradaha iyo dadka ku hawlan. Sidaa darteed, waxaan u arkay inay muhiim tahay in la helo saldhig ugu yaraan noqda marjic loo noqdo marka laga hadlayo arrimaha wax isweydaarsiga iyo maamulka meheradaha kaasoo, an hadda jirin.

 

Waxaan raadiyey cid hore oo wax ka qortay maamulka meheradaha waxaana la ii sheegay inay jiraan laba kitaab oo midna ka hadlayo xawaaladaha midna arrimaha lacagta oo keli ah oo labaduba an asaas u noqon karin mawduucaan. Taasina waxay igu dhiirrigelisay inaan qoraalkaan sameeyo, ayadoo muddo dheer meesha ay ka baxday dawladdii dhexe oo kobcin jirtey Eraybixinta iyo qoraalka Afka-Soomaaliga, an kana cabsaday inay muddo qaadato in la helo fursad dambe oo la isugu keeno khubaro la mid ah gudiyaddii ka jirey waddanka dagaalka sokeeye horti. Waxaan aaminsanaa inay dhib noqon karto in erayo ku habboon beddelka erayada Ingriiska ah oo guud ahaanba gundhigga u ah barashada Maamulka Meheradaha, markaanse bilaabay qoraalkan nasiib wanaag waxaan ogaaday in Af-Soomaaligu uu qani yahay ayna ka buuxaan erayo badan oo beddeli kara kuwa ajnabiga ah oo mararka qaarkood laba heli karo dhawr kalmadood oo beddeleya eraygii ajnabiga ahaa oo aad kala door dooran karto. Sidaadse garan kartaan eraybixinta an sameeyey waa mid an anugu isku hawlay mana aha midda ugu dambeysa ee la isku wada raacay siday erayadii gudiggii dawladdii Soomaaliyeed qabatay. Waxaan isku dayey inaan kalmadaha an adeegsanayo an waafajiyo dhaqanka Soomaalida ha ahaado kan reer miyiga ama kan magaalada ama kan xirfad ahaan arimaha maamulka meheradaha an u adeegsanno. Waxaa kale oo igu geesinimo gelisay inaan wax ka qoro arrimaha ganacsiga ayadoo dhallinta wax barata hadda ay u badan yihiin kuwo an fursad u helin inay Soomaaliya wax ku bartaan lagana yaabo inaysan hadda daneynayn inay far Soomaali wax ku qoraan laaakinse marka ay gaaraan heer takhasus garaadkoodu kobci doono lagana yaabo inay baahi u qabato maraajic Soomaali ku qoran si ay u fahmaan arrima badan oo aysan hadda afafka kale oo ay wax ku bartaan ku fahmi karin.

 

Waxaa ugu muhiimsan waxyaabaha loo baahan yahay inaan fahamno micnayaasha erayo kooban si aan tusaale ahaan ugu soo qaadano, waaxdse ka helaysaan erayada muhiimka ah buugga gadaashiisa waxaana ka mid ah: Macaashka, Ganacsiga, Meherad, Maslaxad, Meheradle, Macaashle, Gadisle, Gaadle, Ganacsade iyo kuwo kale. Waxaan kaloo si kooban wax uga ifindoonaa Soomaalidu hawlaha wax isweydaarsi oo ay haysan jirtay ama ay haysato noocuu yahay iyo farqiga u dhexeeya kan dunida horumartey. Waxaan cutubyada soo socda si kala baxsan ugu qaadaa dhigeynaa arrimo muhiim u ah maamulka meheradaha, sida Suuqeynta, Qorshe sameynta, Isbarbardhigga Straateejiyada guud iyo Qorshaha Straateejiga ah, Dhaqanka Hay’adaha, Maamulka Shaqaalaha, Habka loo maamulo Meheradaha Yaryar iyo weliba arrimo la xiriira noocyada ganacsi ee Soomaaliya hadda ka dhashay sida Xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo Isbahaysiyo Gancsi.  Waxaan rajeynayaa qoraalkani inuu anfaco akhristeyaasha daneeya inay wax ka bartaan arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha gaar ahaan ardeyda barata maamulka meheradaha (Business Administration).

 

Sidaan horeba u xusnay aan ku bilawno inaan ugu horeyn mid mid u fasirno ama u kala caddeyno Meherad, Macaash, Gedgedis, Maslaxad iyo Ganacsi waxa u dhexeeya. Waxaa kaloo u baahan in la fahmo farqiga u dhexeeyaa Meheradle, Macaashle, Gadisle, Gaadle iyo Ganacsade inta anaan ka hadlin arrimaha wax isweydaarsiga ee kitaabkani qaadaadhigi doono.

 

Meherad ( ama Business ) - waa goob hawl wax is weydaarsi ha ahaado mid faa’iido laga rabo ama midaan faa’iido laga rabin lagu qabsado sida dukaan, hooso, makhaayad, xafiis, warshad iwm. Waxy kale oo noqontaa hawsha nafteeda.

 

Macaash ( ama Trade ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga samaynayo. Wax isweydaadsigaasi waa mid yar oo aan ballaarnayn. Sida dukaan, makhaayad, bakhaar, hooso iwm. Kalmaddaani waa mid facweyn oo dhaqanka Soomaalida ka mid ah waxayna la xiriirtaa dhaqankii baadiyaha. Waxaa jiri jiray marka la roobda’sado waxaa dudo kasta lahaan jirtay rag badeecooyin ka keena magaalooyinka oo intay geedo waabtaanna dhar, cunto iyo wixii kaloo reerguuraagu u baahdo kaga beddelan jiray xoolo jar ah, subag iyo hargo. Gobolladda waqooyi ee Soomaaliya waxa macaashle looga yaqaan Kabadhe. Waxaa laga yaabaa in la yirahdo maxaa loogu magacaabay meheradaha aan kor ku xusnay oo dhan Macaash. Sida looga yaqaano dunida reer galbeedka, meheradkasta oo lacagta ay rogrogto ay ka yartahay malaayiin ama suuqeedu uu koobanyahay  waa macaash ama ( small business ). Macaashleydu waa noocyo badan tahay waxaana ka mid ah: Gedisleyda, Jeebleyda, Gaadleyda, Waratada iyo Firshooleyda. Wax isweydaarsiga faa’iidada laga sameeyo ee ugu badan hawlaha meheradaha aduunku waa Macaashka waxaana laga yaabaa inuu ka badan yahay boqolkiiba 80% meheradaha ka jira adduun weynaha, meesha Soomaaliya la dhihi karo waa 98% maadaama Ganacsi wax lagu sheegi karo oo ka jiraa uu yar yahay sidaan macnaha Ganacsi ku arki doonno.

 

Gedgedis (ama Exchange ) – waa wax isweydaarsi faa’iido laga samaynayo sida macaashka ama ganacsiga. Waxaase Soomaalidu u isticmaashaa inuu aalaaba yahay meherad an saldhig lahayn sidaan ku arki doono micnaha Gadisle. Dunida horumartay kama jiri karo gadgadis sbabtoo ah waa inay noockasta oo wax isweydaarsi ahi diiwaangeshan yahay xataa hadduu yahay firsho.

 

Ganacsi ( ama Commerce ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga sameynayo oo baaxad weyn. Waxaan ka fahmeynaa halkaas in farqi badani u dhexeeyo macaash iyo ganacsi sababtoo ah ganacsigu waa hawl wax isweydaarsi oo gaareysa gobolo badan oo dal gudihiis ah ama gobolo dalal kala gedisan. Hadaan tusaale ganacsi soo qaadano waxaan dhihi karnaa ganacsi waxaa fuliya shirkado waaweyn sida Nestle, Mark & Spencers, Shell, BP, shirkaddaha Nation, Hormood, Olympic iwm. Si kale haddaan u dhigno ganacsigu waa wax isweydaarsi an xuduud lahayn meesha Macaashku uu kooban yahay.

 

Maslaxad ( ama Industry ) – waa magac kulmiya meheradaha shaqo isku nooc ah qabta. Waxaan misaal u qaadan karnaa meheradaha ka shaqeeyaha isgaarsiinta, ama xawilaadaha lacagta. Khasab ma aha in shirkadahaasi sameeyaan shaqo isku mid ah ama baaxad ahaan is le’ekaadaan, waxaase shardi ah inay qabtaan hawlo guud ahaan isku mid ah sida kuwa isgaarsiinta kala gedisan ka shaqeeya ama hawlaha maaliyadda oo kala duwan qabta.

 

Meheradle/Meheradley (ama Businessman/Businesswoman ) – waa qof meherad haysta ha weynaato ama ha yaraatee ama ka shaqeeya.

 

Macaashle/Kabadhe (ama trader ) – waa qof dukaan, makhaayad ama meherad la mid ah haysta ama ka shaqeeya.

 

Gadisle (ama Trader)waa qof ka shaqeeya meherad an saldhig lahayn sida dukaan ama xafiis. Waxaa magacaas aad loogu aqoon jiray dadka xoolaha ka baayacmushtara oo intay ka soo gataan ama ka soo amaahdaan xoolo dhaqatada ama Gaadleyda u dhoofiya gobol kale markaasna badeecooyin keena gobolkoodii. Waxay badanaa ku hawlanyihiin shaqo kooban inay wadanka gudihiisa wax u kala waaridaan.

 

Gaadle (ama Entrepreneur) – waa qof eegta fursad kadibna ku bakhtiyanasiibsada. Waxay gaaleydu badanaa ahaan jireen rag xoolaha inta iibsada sii iibiya, laakiin markii la reer magaaloobay waxay isu beddelleen inay ka hawlgalaan xafiisyo, mararka qaarkood Jeebley ahaan ayey u shaqeystaan. Aduunka kale Gaadleydu waa meherado qaarkood ganacsi gaaraan kuse abuurmay fursad gaadnimo si ah amase shul ama shal waxa afka suuqa lagu yiraahdo. Dawladuhu waa dhiirigeliyaan gaadlenimada sababtoo ah waxay abuuraan fursado shaqo oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha wadanka.

 

Jeeble (ama trader) – waa qof jeebkiisa ku tashta una hawlgala sida gadisleyda. Badanaa jeebleydu waxay ka shaqeeyaan wax kooban waxaana ka mid ah firshooleyda, bacadleyaasha nooca gaarigacamada ku shaqeysta iyo waratada. Jeeblenimadu waa shaqada wax isweydaarsiga ugu fac weyn gaar ahaan firshooleyda iyo waratada oo aduunka oo dhami wada wadaago.

 

Warato/Firshoole (Trader) – waa isku mid labadaan qolo waxayse ku kal gedisan yihiin Firshooleydu waa degen yihiin halka Waratu ay guurguurto. Dhan hadaan ka eegno Waratadu wax gooni ah ma gadaan halka Firshooleydu ah takhasus leeyihiin. Firshooleydu waa dadka gada waxa ugu yar oo faa’iido laga sameynkaro sida kuwa jawaan bariis ama dhigir ah beega, kuwa khudaarta gaada ama hilibka wasladeeya. Firshooleydu meel suuq ah oo ay boos cayiman ku leeyihiin ayey wax ku gadaan halka waratu aysan meel xadidan ama suuq u go’an lahayn.

 

Bacadle (trader) – waa warato deggan oo ka hawlgasha suuq dhan oo alaaboyin kala gedisan ama isku mid ah lagau gado. Badanaa bacadleyaashu waxay keenaan badeecooyin jaban dan yartu qadan karaan. Bacadleyntu waa dhaqan soo galay dalkeena bilowgii 70nadii kana bilawday Muqdishu kadibna noqday caan kuna faafay dalka oo idil.

 

Xirfadle (Specialist) – waa qof ku hawlan meherad takhasus leh sida hooso, xafiis garyaqaan, la talin ama xisaabiye iwm. Xirfadleydu wey kala baaxad weyn yihiin. Qaarkood waxaa laga yaabaa inay macaashley yihiin halka qaar kale ay noqonayaan ganacsato malaayiin lacag ah sannaddkii rogrogta. Xirfadleyda waaweyn oo caanka ah waxaa ka mid ah xafiisyada la talinta sida KMPG, PRICEWATERHOUSE, DELOITTE&TOUCHE, ASHBRIDGE CONSULTING GROUP IWM.

 

Dilaal (Broker) – waa qof u dhexeeya laba qof oo wax kala gadaneysa. Dilaaleydu waa noocyo badan tahay waxayna u kala baxdaa noocyo sida qof keli ah iyo kuwo waaweyn oo ganacsato ah sida Llods Shipping Brokers shirkadda loo yaqaan. Badanaa waxaa dhaca inay jiraan dad kale oo hawl dulaalnimo qabta xirfaddooduse aysan dulaalnimo ahayn sida wakiiladda shirkadaha ajnabiga ah oo an ayagu soo waaridn badeecadaha shirkaddaas ay wakiilka u yihiin balse isku xira laba shirkadood halkaana ka hela khidmad lacag ah.

 

Ganacsade (Merchant)waa qof ganacsi haysta ama ka shaqeeya.

 

Maxaa u dhexeeya meheradaha Soomaalida iyo kuwa dunida

Waxaan uga jeedaa fasiraada kalmadahaan waa inaan fahamno gaar ahaan ardeyda barata maadooyinka maamulka meheradaha in hawlaha wax isweydaarsi ee dadkayagu qabtaan iyo kuwa ay ku bartaan jaamacadaha waxa u dhexeeya. Taas micneheedu waa inuu ka baxo shakiga ama garanwaagga ka yimaada farqiga u dhexeeya waxa ay duruusta ku bartaan iyo waxay ku arka yaan in Soomaalidu ku hawlan tahay. Waxaanna u sheegayaa ardayda in buugaagta ay qoreen macalimiinta ku takhasustay arimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo maamulkaba inaysan ka hadleyn Macaash ama meherad yar midna waxase arigtiyadoodu ku dhisan tahay sida shirkadaha ganacsigu u dhaqmaan ama sida loo maamulo ganacsi. Badanaa arigtayada akaademiyiintu kuma salaysna hanti ka yar 200 oo milyan oo lacagta mareykanka ah meherad maamusha. Waxaa kale oo muhiim ah in ardaydu fahmaan in badanka arigtida dhaqaale ama ganacsi oo hada la isticmaalo inay ku saleysan tahay meheradaha waxsoosaaraka ee waaweyn. Haddaan qodobkaas sii caddeeyo waxaa weeye qaab dhismeedka maamulka shirkadaha ee dunidu wada isticmaasho waxaa saldhig u ah kuwii meheradaha waxsoosaarka in lagu maamulo lagu bilaabay. Sidaas awgeed waxaan ardeyda iyo meheradleydaba ugu baaqayaa inaysan ku kadsoomin arintaas oo ay u arkaan arintu sida ay tahay ayna ka fekeraan siday isu waafajin lahaayeen waxay arki jireen ama ay Soomaalidu ku maamulato iyo waxa ay jaamacadaha ka dhiganayaan.

 

Tan kale meheradaha Soomaalida badanaa waxaa maamula dadka leh halka meheradaha dunida horumartay kala baxsan yihiin mulkiga meheradda iyo maamuleyaashoodu marka laga reebo waratada, bacadleyaasha iyo firshooleyda iyo weliba macaashyada aadka u yaryar. Laakiin macaashyada badankood mulkiga iyo maamulku waa isku mid meel kasta oo ay ka jiraan.

 

Waxaa xusid mudan inaanan helin cid iga horeysay oo maadadaan wax ka qortay oo an ka faa’iido eray bixin an ugu isticmaalo qoraaladeyda, hadaba wixii ad garanweydaan waxaad ka eegtaan boggagga eray bixinta ee buugga gadaashiisa ku yaal ama abwaanka xuruufta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dhawaan soo bixi doona. Waxaan kale oo codsanaya wixii ka qaldan eray bixinteyda inaad toosisaan ilana soo socodsiisaan si aan ugu dhaqmo; waxaadna iigu soo gudbin kartaan e-mailkayga oo ah albadel1@yahoo.co.uk. Waxaan ka cuduraaranayaa haday dhacdo inaad la kulantaan waxyaabo ad is i dhahdaan waa duqoobeyn ama waa laga tegey isticmaalkooda, waxaanna codsanayaa in sidoo kale ad isoo gaarsiisaan si aan ugu hawlgalo ayagana. Waxaadna ogaataan in maadooyinka cilmiga bulshadu aysan ahayn wax taagan ee si joogta ah arigtayada la xiriirtaa ay isu beddellaan sababtuna ay tahay ayagoo ku xiran isbeddelka ka dhacaya dhaqanka bulshada, farsamada, siyaasadda iyo weliba bay’adda guud. Hadaba mar hadaan kala caddeynay arimaha kor ku xusnay oo laga yaabo in dad badani is ku khaldo ama iska sahlado, waxaan u gudbaynaa inaan waafajino arimaha ganacsi oo Soomaali ahaan an qabno iyo waxa ay rasmiyan yihiin.

 

La soco qaybaha kale.

 

Qoraalkan lama guurin karo lamana daabacan karo iyada oo aan ogalaansho laga helin qoraaga magaciisu kor ku xusanyahay.

Mahadsanid