
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
dibadaha ku dhaqan oo gar gaar deg deg ah la weydiistay.
Cismaan Xalane Xasan waa wiil yar oo Afar jir ah, waxa
uu dhashay isagoo aan laheyn
wax gacmo ah, taasoo dhibaato xoogan ku abuurtay.
Wiilkaan yar waxa uu ku dhashay tuulo u dhow magaalada
Beledweyne, waxaana aabihiis
uu qarin jiray muddo, aabihii ayaa markii dambe
geeriyooday taasoo suurta galisay in
ummada Soomaaliyeed ay arkaan dhibaatada xoogan ee
wiilkan yar heysata.
Wiilkaan ayaa ka dhashay qoys faqiir ah oo aan waxba
heysan, iyadoo ay la dhasheen
caruur toddobo gaaray oo isku xig xiga.
Wiilkaan ayaa muddo ku sugnaa caasimada Somalia ee
Muqdisho, halkaaso ay keeneen
ganacsato Soomaaliyeed oo ugu horeeyay Cabdifitaax Axmed
Maxamuud oo in muddo ah ku
howlahaa sidii gargaar loogu fidin lahaa dhibanahaan yar.
Wiilkaan ayaa hada waxaa la keenay magaalada Hargeysa si
baaritaano loogu sameeyo,
maadaama qiyaastii 17-saacadood maalintii uu ooynayo
taasoo aan la ogeyn halka laga
heysto.
Dhaqaatiirta caafimaadka ee magaalada Hargeysa oo iskugu
jira kuwo Soomaali ah iyo
kuwa Ajaanib ah ayaa gabi ahaantoodba sheegay inaan
xiligaan wax looga qaban karin
wiilkaan gudaha dalka isla markaana u baahan yahay gar
gaar dibadeed si loo
badbaadiyo naftiisa hadii Alle yiraahdo.
Hooyada dhashay wiilkaan oo aad u dhibaateysan iyadana
ayaa iyadoo ilmeyneysa
shabakadaha wararka ee Soomaalida ka codsatay inay
hadalkeeda u gudbiyaan
walaalaheeda Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan si ay
dhexda ugu xirtaan u
gargaarista wiilkeeda dhibaateysan.
Hooyo Saciido Salaad ayaa tiri "Walaalayaan waxba ma
heysto, wiilkeygana
dhibaatadaana aad arkeysana ayuu ku dhex jiraa, waxaan
idinka codsayaa cid kasta
inay waxii ii awooda igu kaalmeysa si aan gargaar
caafimaad oo deg deg ah aan ugu
helo wiilkeyga, mar labaad iyo mar sadaxaad ayaan idinka
codsanayaa inaad ii gar
gaar waxii aad i dheer tihiin Allena ajir aan lasoo
koobi karin adduun iyo aaqribaha
ha idinku badalo".
Hadaba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan
waxaa sidoo kale dhaqaatiirka
caafimaadka ee Hargeysa iyo Muqdisho iyo Culumaa'udiinka
dalka oo isku duuban ay ka
codsanayaan inay waxii ay awoododa ah ku taraan wiilkaan
aad u dhibaateysan ee gacmo
la'aanta dhashay.
Hadaba walaal muslimoow u gar gaar wiilkaaan
dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn.
Ciddii doonaysa inay gargaar lacageed ama mid kale u
fidisa wiilkaan dhibaateysan
waxey ugu soo hagaajin karaan Cabdifitaax Axmed Maxamuud
- Tel: 0025224455566 ama
0025265500099 - Email:
ugargaar@yahoo.com -
Hargeysa - Somaliland.