Cudurka AIDS
Waa maxay
Aidsku?
Eray ahaan AIDS
wuxuu u taaganyahay "Acquired Immune Deficiency
Syndrome" Taas oo micnaheedu yahay in uu hoos u
dhac ama tabar yari uu ku yimaado difaaca jidhka
qofka kadibna ay abuuranto dhibaatooyin
caafimaad oo abuura cudurro.
Cudurkan AIDS-ka
waxaa sababa fayras lagu magacaabo HIV ( Human
Immunodeficiency Virus). Marka uu jidhka qofka
uu ku dhaco fayraskan (Viruses) HIV, jidhku
wuxuu bilaabaa in uu sameeyo ka hortagayaal
(Antibodies) kuwaas oo uu jidhku kula dagaalamo
fayraskii HIV-ga ee soo weeraray.
Marka hadaba laga
baarayo qof bal in uu qabo HIV, dhiiga qofka
qaba HIVga waxaa laga dhex helaa
Kahortagayaalkii (Antibodies) jidhka qofku u
samaystay in uu kula dagaalamo HIV-ga. Taas
ayaana muujinaysa in uu qofkan qabo HIV. Sidaas
ayaa dadka sida fayraska loogu magacaabay HIV-sidayaal
(HIV-Positive).
In qofku sido
fauraskii HIV micnaheedu manoqonayso in uu qofku
uu qabo Cudurkii AIDSka. Qofkan sida fayraska
waxaa dhacda in uusan muddo dheer muujin wax
jirro ah. Mar walba oo difaaca jidhka qofku uu
yaraado fayraskii HIVguna uu jidhkiisa ku sii
bato waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay u sahlanaato
kuwii soo weerarayey sida fayrasyada,
bakteeriyada iyo kuwo kaleba in ay si fudud ku
soo galaan kuna degaan jidhka qofkaas qaba
fayraska HIV, difaaca jidhkiisiina uu hoos u
dhacay ama tabar dareeyeyba.
See qofku ku
qaadaa HIV Viruses?
Sadex arimood
ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sahla in qofku uu
qaado fayraskii HIVga waxayna kala yihiin:
-
In uu qofku u
galmoodo qof sida Fayraskii HIVga.
-
In qofku uu
ku dhasho( ay hooyadiis tahay qof iyadu
siday fayraskii HIVga, amaba uu nuugo naaska
hooyo kale oo iyadu qabtay Fayraskan)
-
Iyo in uu
qofku isticmaalo Cirbad(tan laysku duro) uu
qof fayraskii HIV Sida ahi uu horay u
isticmaalay.
In qofka lagu
shubo dhiig laga soo miiray qof horay u qabay
Fayraska HIVga. Arintan danbe iyadu aad ayay
baryahan danbe ay hoos ugu dhacday, sababtoo ah
marka horeba dhiiga lagu shubayo bukaanka u
baahan dhiiga waxaa laga baaraa in uu sido
fayraskii HIVga iyo fayrasyo kaleba inta aan
lagu shubin qofka la doonayo in lagu shubo
dhiigaas.
Waa maxay
calaamadaha uu muujiyo qofka HIV sidaha ah?
Sida Guud qofka
sida HIV Viruska waxaa la orankaraa wuxuu qabaa
cudurka AIDSka marka unugyada CD4 (amaba T-4 oo
asal ahaan kamid ah noocyada unugyada ee lagu
magacaabo T-cells kuwan oo ah qayb kamid ah
unugyada cad-cad White Blood Cells)) lagu
magacaabo ee kamid ah nidaam difaaceedka jidhku
ay gaaraan 14%. Amaba uu qofkan HIV sidaha ah
unugyada CD4 kiisu ay ka yaraadaan ilaa 200/mm^3
oo dhiig ah, markaas waxaa la orankaraa qofkani
wuxuu qabaa cudurka AIDSka.
Qofkan marka ay
xaaladdiisu heerkaas gaartay waxaa aad ugu
sahalanaada in ay soo weeraraan infekshanno lagu
magacaabo fursad raadiyayaal (opportunistic
Infections); waxaana marka ay asiibaan
infekshanadan qofkan lagu tilmaamaa in uu qabo
cudurka AIDSKA. Kooxdan aan ku magacawnay fursad
raadiyayaal ama Opportunistic Infections waxaan
ka tilmaami karnaa kuwooda ugu caansan:
-
PCP (Pneumocystis
Pneumonia) oo ah infekshan ku dhaca
sanbabada.
-
KS (Kaposi's
sarcoma) oo ahy kansar ku dhaca dahaarka
qofka amaba haraga jidhka.
-
CMV
(Cytomegalovirus) oo isna ah infekshan ku
dhaca indhaha.
Cudurada la
xiriira AIDS-ka waxaa sidoo kale kamid ah buro
kansareedyada ku dhaca maskaxda iyo qofka oo
miisaankiisu si aad ah hoos ugu dhaco.
Maxaa lagu
daaweeyaa cudurka AIDS
Ilaa iyo hadda ma
jrto daawo lagu daweeyo cudurka AIDSka oo aan ka
ahayn daawooyin kaalmayn kara nidaam difaaceedka
jidhaka qofka qaba cudurkan.
See looga
hortagi karaa AIDSka
Habka ugu
wanaagsan ee looga hortagi karo cudarkan AIDS-ka
waa iyadoo qofku si taxadar leh iskaga ilaaliyo
sadexdii siyaabood ee muujinayey sida qofku ku
qaadi karo cudurkan oo kala ahaa:
-
In qofku iska
ilaaliyo in uu u galmoodo qof sida HIV
Virus..
-
In qofku ka
digtoonaado isticmaalka Irbadaha horay
qofkale u isticmaalay oo ay dhici karto in
ay siddo fayraskii HIVga.
-
Iyo in aan la
isticmaalin dhiig aan laga baarin cudurada
halista ah kahor inta aan qofka lagu shubin.
Waxaa
diyaariyey Tifaftirka Alldalka.com.
References: AIDS
infonet, WHO, AIDS.ORG
Alldalka.com
