DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Tuesday, January 08, 2008

 

Cudurka AIDS

Waa maxay Aidsku? 

Eray ahaan AIDS wuxuu u taaganyahay "Acquired Immune Deficiency Syndrome"  Taas oo micnaheedu yahay in uu hoos u dhac ama tabar yari uu ku yimaado difaaca jidhka qofka kadibna ay abuuranto dhibaatooyin caafimaad oo abuura cudurro.

Cudurkan AIDS-ka waxaa sababa fayras lagu magacaabo HIV ( Human Immunodeficiency Virus). Marka uu jidhka qofka uu ku dhaco fayraskan (Viruses) HIV, jidhku wuxuu bilaabaa in uu sameeyo ka hortagayaal (Antibodies) kuwaas oo uu jidhku kula dagaalamo fayraskii HIV-ga ee soo weeraray.

Marka hadaba laga baarayo qof bal in uu qabo HIV, dhiiga qofka qaba HIVga waxaa laga dhex helaa Kahortagayaalkii (Antibodies) jidhka qofku u samaystay in uu kula dagaalamo HIV-ga. Taas ayaana muujinaysa in uu qofkan qabo HIV. Sidaas ayaa dadka sida fayraska loogu magacaabay HIV-sidayaal (HIV-Positive).

In qofku sido fauraskii HIV micnaheedu manoqonayso in uu qofku uu qabo Cudurkii AIDSka. Qofkan sida fayraska waxaa dhacda in uusan muddo dheer muujin wax jirro ah. Mar walba oo difaaca jidhka qofku uu yaraado fayraskii HIVguna uu jidhkiisa ku sii bato waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay u sahlanaato kuwii soo weerarayey sida fayrasyada, bakteeriyada iyo kuwo kaleba in ay si fudud ku soo galaan kuna degaan jidhka qofkaas qaba fayraska HIV, difaaca jidhkiisiina uu hoos u dhacay ama tabar dareeyeyba.

See qofku ku qaadaa HIV Viruses?

Sadex arimood ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sahla in qofku uu qaado fayraskii HIVga waxayna kala yihiin:

  1. In uu qofku u galmoodo qof sida Fayraskii HIVga.

  2. In qofku uu ku dhasho( ay hooyadiis tahay qof iyadu siday fayraskii HIVga, amaba uu nuugo naaska hooyo kale oo iyadu qabtay Fayraskan)

  3. Iyo in uu qofku isticmaalo Cirbad(tan laysku duro) uu qof fayraskii HIV Sida ahi uu horay u isticmaalay.

In qofka lagu shubo dhiig laga soo miiray qof horay u qabay Fayraska HIVga. Arintan danbe iyadu aad ayay baryahan danbe ay hoos ugu dhacday, sababtoo ah marka horeba dhiiga lagu shubayo bukaanka u baahan dhiiga waxaa laga baaraa in uu sido fayraskii HIVga iyo fayrasyo kaleba inta aan lagu shubin qofka la doonayo in lagu shubo dhiigaas.

Waa maxay calaamadaha uu muujiyo qofka HIV sidaha ah?

Sida Guud qofka sida HIV Viruska waxaa la orankaraa wuxuu qabaa cudurka AIDSka marka unugyada CD4 (amaba T-4 oo asal ahaan kamid ah noocyada unugyada ee lagu magacaabo T-cells kuwan oo ah qayb kamid ah unugyada cad-cad White Blood Cells)) lagu magacaabo ee kamid ah nidaam difaaceedka jidhku ay gaaraan 14%. Amaba uu qofkan HIV sidaha ah unugyada CD4 kiisu ay ka yaraadaan ilaa 200/mm^3 oo dhiig ah, markaas waxaa la orankaraa qofkani wuxuu qabaa cudurka AIDSka.

Qofkan marka ay xaaladdiisu heerkaas gaartay waxaa aad ugu sahalanaada in ay soo weeraraan infekshanno lagu magacaabo fursad raadiyayaal (opportunistic Infections); waxaana marka ay asiibaan infekshanadan qofkan lagu tilmaamaa in uu qabo cudurka AIDSKA. Kooxdan aan ku magacawnay fursad raadiyayaal ama Opportunistic Infections waxaan ka tilmaami karnaa kuwooda ugu caansan:

  1. PCP (Pneumocystis Pneumonia) oo ah infekshan ku dhaca sanbabada.

  2. KS (Kaposi's sarcoma) oo ahy kansar ku dhaca dahaarka qofka amaba haraga jidhka.

  3. CMV (Cytomegalovirus) oo isna ah infekshan ku dhaca indhaha.

Cudurada la xiriira AIDS-ka waxaa sidoo kale kamid ah buro kansareedyada ku dhaca maskaxda iyo qofka oo miisaankiisu si aad ah hoos ugu dhaco.

Maxaa lagu daaweeyaa cudurka AIDS

Ilaa iyo hadda ma jrto daawo lagu daweeyo cudurka AIDSka oo aan ka ahayn daawooyin kaalmayn kara nidaam difaaceedka jidhaka qofka qaba cudurkan.

See looga hortagi karaa AIDSka

Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudarkan AIDS-ka waa iyadoo qofku si taxadar leh iskaga ilaaliyo sadexdii siyaabood ee muujinayey sida qofku ku qaadi karo cudurkan oo kala ahaa:

  1. In qofku iska ilaaliyo in uu u galmoodo qof sida HIV Virus..

  2. In qofku ka digtoonaado isticmaalka Irbadaha horay qofkale u isticmaalay oo ay dhici karto in ay siddo fayraskii HIVga.

  3. Iyo in aan la isticmaalin dhiig aan laga baarin cudurada halista ah kahor inta aan qofka lagu shubin.

 

Waxaa diyaariyey Tifaftirka Alldalka.com.

References: AIDS infonet, WHO, AIDS.ORG

Alldalka.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com