DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Monday, March 31, 2008

 

Suuqeyn (Marketing)

Suuqeyni waa maxay?

Suuqeyntu waa maado aad muhiim u ah ayna lagama maarmaan tahay inay wax ka barato cid kasta oo ku hawlan meherad ha ahaato mid faa’iido dhalisa ama midaan faa’iido dhalin. Waa maado lagu barto macaahidda iyo jaamacadaha koobaysana maadooyinka cilmiga bulshada qaarkood sida Dhaqaalaha (Economics), Cilmiga barshada bulshada iyo habka bulshadu u dhaqanto (sociology), cilmiga barashada isbarbardhigga dhaqammada (anthropology) iyo cilmiga barashada maxkaxda bani’aadamka iyo akhlaaqda (psychology) oo midba qeyb laga soo qaaday si akaadeemi ahna la isugu geeyey lagana soo saaray maado iskeed u taagan. Inkasta oo ay sidaas ku dhalatay Suuqeyntu hadana waa xubin ka tirsan bahweynta Maamulka.

Waxaanna in arintu sidaas tahay ka garan karnaa sida ay u micneeyeen macaahidda waaweyn ee caanka ku ah barshada Suuqeynta iyo aqoonyahanada ku xeeldheer sida Chartered Institute of Marketing (CIM) oo saldhiggiisu yahay magaalada Maidenhead ee dalka Ingriiska, American Marketing Association (AMA) iyo Philip Kotler.

Marketing is the process of finding out the needs and wants of the customsrs and satisfying them better than the competitors profitably. (CIM)

"Marketing is a management process of anticipating, identifying and satisfying customer requirements profitably". (CIM)

"Marketing is an organizational function and a set of processes for creating, communicating and delivering value to customers and for managing customer relationships in ways that benefit the organization and its stakeholders. (AMA)

"Marketing is human activity directed at satisfying needs and wants through exchange processes". (Philip Kotler)

Haddii an Af-Soomaali ku beddelno macnayaasha kore waxaa weeye sida iigula dhawi:

“Suuqentu waa hawsha ama habka ay maamulku ku ogaanayaan baahida iyo rabitaanka macaamiisha ayna u haqabtiri lahaayeen si ka fiican tartameyaasha kale ayadoo faa’iido ku jirto.”

Waxaan halkaan ka garan karnaa Suuqeyntu inay tahay hawl socta oo aan ku ekeyn qabasho hal shaqo sida Iibka. Waxaana kalkaas looga baahanayaa hab loo maamulo hawshaas socta. Mar haddii la rabo in baahi la daboolo waxaa soo gelaya qaab waafaqsan aragti dhaqaale oo iswaafajisa tartanka meheradaha ka dhexeeya iyo baahida jirta sida loo daboolilahaa. Waxaa kaloo loo baahan yahay in la ogaadaado sida ay u dhaqmaan iyo waxa ay rabaan macaamiisha kala geddisani, ayadoo maskaxda lagu hayo meheradaha kale oo meheraddaada la tartmaya. Taasi waxay tibaaxaysa in baaritaan lagu sameeyo arimo fara badan oo ay ku xiran tahay rabitaanka macaamiishu intaan badeecadadda baahidooda kafaynaya loo diyaarin ayna kamid yihiin dookhooda, hab nololeedkooda, deegaankooda, da’dooda, isirkooda, jinsigooda, akhlaaqdooda ama sida ay u dhaqmaan, sida ay u fekeraan, dhaqankooda iyo caadadoodaba.

Ararta kore kadib shirkaddaha Suqeynta sida rasmiga ah u adeegsada waxay isticmaalaan laba staraateejiyo midood:

-          mid ku jihaysan badeecad (product focused) ama

-          mid ku jihaysan macmiilka ama suuqa (customer focused or market focused)

Mida ku jihaysan badeecadda

Midda hore waxaa awoodda la saaraa in badeecad la sameeyo ayadoon la baarin rabitaanka macaamiisha markaas kadina waxaa la diyaariyaa habkii loo suuqeyn lahaa. Waxaa la diyaariyaa shaqaale gada badeecaddaas adaydoo lagu kabayo dacaayado, bandhigyo, baaq saxaafadeedyo iwm. Waxaase aan marna la saadaalin karin in dadweynuhu jeclaysanayaan badeecadaas iyo in kale ama inay dookhooda waafaqeyso ama inay tahay tii haqabtireysay baahidooda iyo in kale. Waxaa straatejiyadaasi ku salaysan tahay rabitaanka waxsoosaareyaasha in lagu fashilmo ayaana dhacda.

Midda ku jiheysan Macmiilka ama Suuqa

Hadaba si looga baaqsado khaladaadka lagala kulmi karo straateejiyada hore waxaa shirkaddaha xoogoodu isticmaalaan straateejiyada ku jihaysan macmiilka. Waxaana marka hore baaritaan lagu sameeyaa xaaladaha ka jira suqa iyo waxa u doonayo macmiilku. Marka la hubsado baahida rasmiga ah oo suuqa ka jirtana waxaa loo diyaariyaa badeecadii ku haboonayd. Waxaana la bilaabaa iibka badeecadda ayadoo lagu kabayo Isgaarsiin Suuqeyneed oo Iskudhafan (integrated marketing communication) sida dacaayado, bandigyo, baaq saxaafadeedyo, hadal hayn, dhanbaalo qoran, internetka iwm. Isgaarsiintaasi waxaa ugu xoog badan tan loo adeegsanayo qalbka warbaahinta sida telefishinada, raadiyaasha, joornaalada, boorarka, calaamaddaha korontada, internetka iwm. Noocyada isgaarsiineed oo la adeegsanayaa waa inay gudbiyaa fariin isku mid ah oo dadweynaha ay khusayso ay si sahlan u wada fahmayaan.

Straateejiyo kasta oo la adeegsadaba, ujeedada Suuqeyntu waa in la kasbo macaamiil lana badiyo iyo in xiir wanaagsan lala yeesho si ay macaamiil joogto ah meheradda ugu noqdaan. Taasi waxay tibaaxeysaa inaan Suuqeyntu la mid ahayn Iiibka sababo ay ka mid yihiin labada arimood oo aan soo sheegnay awgood. Iibka ujeedaddiisu waa in badeecadda la hayo la iibiyo ayadoon maxkaxda lagu hayn in qofka ad wax ka gaday ad xiriirtaan mar dambe iyo in kale ama inuu raali ku noqdo in shayga uu gatay daboolayo baahidiisa iyo in kale. Meesha Suuqeynta ay saldhig u tahay in iibsadduhu uu raali ku noqdo alaabta uu iibsaday si uu usoo noqnoqdo.

Suuqeyntu guud ahaan waa:

-          Maamulka Suuqeynta straateejiga ah  (strategic marketing management)

-          Suuqeynta straateejiga ah ee caalamka (strategic international marketing)

-          Isgaarsiinta Suuqeynta straateejiga ah  (strategic marketing communications)

-          Suuqeynta gudaha (internal marketing)

Saddexda qodob ee hore waxay khuseeyaan suuqeynta badeecooyinka, khidmadaha iyo fikradaha waxayna ku jihaysan yihiin waxa loo yaqaan Ferexa Suuqeynta (marketing mix). Ninkii soo saaray Ferexa Suuqeynta waxaa la yiraahdaa Neil Borden wuxuuna ku dhawaaqay 1949kii. Ferexa Suuqeynta waxaa looga jeedaa waa in suuq kasta ama macmiil kasta baahiddiisa la ogaado loona diyaariyo lana qorsheeyo sida ugu haboon oo loo haqabtiri lahaa. Ferexa suqeyntu waxay ku xiran tahay nooca suuqa iyo waxa la suuqeynayo. Haddii Badeeco la iibinayo Ferexa la rabo wuxuu ku koobnaanayaa waxa loo yaqaan Afarta P oo uu nin la yiraahdo Jerome McCarthy sammeyey:

-          Badeeco (Product)

-          Qiime     (Price)

-          Abaabul  (Promootion)

-          Goob      (Place)

Meel kasta ha loo suuqgeynayo suuq kastaa wuxuu rabaa in badeecada u doonayo, qiimaha uu ku iibsan karo, abaabulka ku haboon (isgaarsiinta) iyo qeybiyaha/yaasha ku haboon la isku ferxo si ujeedaddii shirkaddana loo gaaro baahida macaamiishana loo haqabtiro. Dhanka kale haddii Adeeg (khidmad) la suuqeynayo khaldadda waxay ku kordhiyeen saddex arimood kale Bernard Booms iyo Mary Bitner:

-          Dad                                    (People)

-          Hawl                                  (Process)

-          Muuqaalka goobta hawsha (Physical evidence)

Sababta dadka loogu kordhiyey waa ayadoo khidmaddu aysan ahayn wax la taaban karo, cidda gaddeysaa sida ay u egtahay ama u dhaqmeyso ay qeyb libaax ka qaadato suuqeynta adeegyaha. Ayadana sida hawsha suuqeynta loo fulinayo waa inaysan ahayn mida dhib ama waxaan macaamiishu jeclaysan lagala kulmayo waana inay soo jiidato dadka. Sidoo kale goobta wax lagu iibanayo waa in bilicdeedu hagaagsan tahay nadaafaddeeduna aad u sareyso. Waxaan wada ognahay goobaha khidmadaha lagu iibiyo iyo dadka iibiyaba sida meelaha tikidhada dayuuraha in aad bililcdooda iyo nadaafaddoodaba looga dadaalo. Waad garan kartaan xafiiskii laanta iibka Somali Airlines ee bartama Muqdishu ku ooli jirey siduu casri u ahaan jirey 80dii.

Hadaba marka la qorsheynayo in la sameeyo qorshe suuqeyneed waxaa lagama maarmaan ah in la derso baahiyaha qeyba bulshada ee kala geddisan loona habeeyo ferexyo suuqeynood kala duduwan. Taasi waxay horseedeysaa in la adeegsado ferexyo ku dhex jira ferexyada guud ee suuqeynta, waxaana loogu yeeraa:

-          ferexa badeecada (product mix)

-          ferexa qiimaha (price mix)

-          ferexa abaabulka (promotion mix)

-          ferexa  goobta (place mix)

 

Ferexa badeecaddu waxay ka kooban tahay sifaha badeecadda (product attributes), faa’iidooyinka guud ee badeecada (product benefits) iyo burooyinka badeecadda (product advantages). Macaamiilku wuxuu gataa faa’iidada badeecaddu leedahay ee badeecadda nafteeda lama iibsado sidaas awgeed waa in badeecadda shirkadi iibinaysaa ay leedahay buro dheeri (competitive advantage) oo ay uga gedisan tahay badeecooyinka kale ee la tartamaya. Waxaa kale oo ferexa badeecooyinka shirkadi leedahay noqoneysaa badeecooyinka ay macaamiisha kala duwan ka gado. Badeeco kastaa heer ama mansab la dhigo ayey suuqa ku leedahay oo maskaxda macaamiisha ku jirta ama lagu rido. Tusaale ahaan baabuurta Mercedesku waxay la micne ahaayeen darajo, qofka watana wuxuu yahay qof heer sare bulshada dhexdeeda ka jooga. Waxaase kaloo dhacda in ayadoon darajadii badeecadda la lumin qeyba kala gedisan oo suuqa loo bandhigo.

Haddii suuq ka kooban yahay macaamiil qani ah, kuwo dhexedhexaad ah iyo kuwo faqri ah waxaa huban inay koox weliba baahi gooni ah gabto. Waa in suuqayadaas loo qorsheeyo badeecooyin haqabtira baahiyaha kala gedisan, qiimeyaal iyo abaabulo kala duwan. Tusaale ahaan shirkadda Mercedeska waxay weligeed la macaamili jirtey dabaqadda dhexe iyo dadka dakhliga fiican oo u soo bandhigi jirtey noocyo kala gedisan oo baabuurta shakhsiga ah. Baabuurtaas tayadooda iyo qiimahooduba waa kala gedisnaayeen. Sannadaddii 90dii markuu qabsaday hoggaanka ninka la yiraahdo Jurgen Shremp wuxuu beddellay qorshihii hore ee shirkadda Mercedes wuxuuna baabuurtii kusoo kordhiyey dhawr kalaas oo cusub wuxuuna bacdeecadda shirkadda u soo bandhigay qeybaha bulshada oo dhan. Arintaas dad badan ayaa cabsi ka muujiyey waxayna ku andacoonayeyn in shirkadda mansabkeedii suuqa ay straateejiyadani hoos u dhigi doonto khasaare fara badanna keeni doonto. Nasiib wanaag taasi ma dhicin wuuna ku guuleystay hoggaamiyahaasi ferexii baabuurta oo uu qorsheeyey.

Ferexa ababulku ayadu waa tan ugu weyn oo la adeegsado maadaama ay koobto cunsuro ama curiyeyaal badan sida:

-          xayeysiin (advertising)

-          danbaal saxaafadeed (PR)

-          abaabul iib (sales promotion)

-          iibinta shakhsiga ah (personal selling)

-          dacaayad (publicity)

-          suuqeynta tooska ah (direct marketing)

-          suuqeynta elektrooniga ah (e-mail marketing)

-          suuqeynta faafta (viral marketing)

Cunsurada kore qaarkood ayaa ferexyo hoostaga leh sida dacaayada iyo suuqeynta tooska ah. Waxaa taasi ku xiran tahay hadba warbaahinta ka jirta suuqa lagu tartamayo. Tusaale ahaan dacaayadda noocyadeeda kala duwan waxaa lagu baahiyaa qalabka hadba loo baahan yahay oo gaaraya dadka ugu faraha badan ee looga golleeyahay in dacaayaddu gaarto. Waxaa dacaayadda aad u isticmaala marka ganacsiyaasha iyo macaashyada laga reebo xisbiyada iyo dawladaha. Dawladdii kacaanku waxay aad u adeegsan jirtay raadiyaha, goleyaasha hanuuninta, tiyaatarka, joornaalada, boorarka iyo fanaaniinta oo hal abuurka aad ugu ba’naa. Xataa waxay isticmaali jirtay nooc khatar ah oo aduunka suuqeynta si rasmi ah dhawaan ugu soo biiray. Taasina waa suuqeynta faafta (viral marketing) ama xaalad abuurka cilmiyeysan. Xisbiyada mareykanka iyo kuwa ingriiska gaar ahaan Labourka ayaa istraateejidaas ayana hadda isticmaala. Xataa doorashadii 2005tii wey adeegsadeen Labourku.

Macaashyada iyo ganacsiyada Soomaalidu Suuqeynta keli ah oo ay isticmaalaan waa dacaayadda ayadoon aad u cilmiyeysnayn. Sababtuna waa shirkado dacaayadda ku takhasusay oo aan wadanka ka jirin. Nuuradiin ayaa weligiis can ku ahaa inuu hal abuurka iyo oraahdaba, raadiyahana ka jeediya ilaa waqtigaan. Shirkado suuqeyn maba jirin mana jiraan. Waxaa laga yaabaa in la isweydiiyo war wakaaladdii suuqeynta xooluhu maxay qaban jirtey? Jawaabtu waa ma ahayn mana qaban jirin waxa magaceedu u sheegayey  mana ahayn mid suuqeynta xoolaha ka shaqeysa. Waxay adeegyo fudud u sameyn jirtey macaashleydii xoolaha dhoofin jirtey. Weligeedna suuq ma soo furin mana habeyn xataa macaashleyda xoolaha oo ahaa dad caadi ah oo an aqoon suuqeyneed lahayn.

Arimaha  an suuqeynta ka taabanay waa wada khuseeyaan suuqeynta caalamiga ah iyo suuqeynta gudahaba wallow isbeddelo lagu sameeyo istaraateejiyooyinka badankood marka suuq cusub la gelayo. Tan kale ferexyada aan soo sheegnay ujeedada looga jeedaa waa habkii lagu dabooli lahaa baahida macaamiisha ama loo soo ifbixin lahaa baahi qarsoon, ama mararka qaarkood loo abuuri lahaa baahi aan jirin, wallow tan danbe aysan marar badan dhicin marka laga reebo dacaayadaha ay sameeyaan shirkadaha caruurta yoolka saara sida kuwa cuntooyinka fudud iyo dharka.

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com