DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

 

   

   

 

Saturday, May 17, 2008

 

Cutubka 1aad

Boqortooyada Ethiopia

Si aan u fahanno asalka khilaafka Soomaliweyn iyo qowmiyadaha Tigre-Amhariga, waxaa haboon in aan taariikhda boqortooyada Ethiopia dib u raadqaadno ilaa aan ka gaarno boqortooyadii Aksum. Waxay ahayd boqortooyada Aksum, boqortooyadii ugu muhiimsanayd ee soo marta taariikhda Ethiopia. Waxaad qormooyinkeena soo socda ka dhadhansan-doontaa sida dhacdooyinkii soo maray boqortooyadan reer Aksum ay saamaynta (aan tooska ahayn) ugu yeesheen khilaafka Soomaalida iyo Tigree-Amhaarada inkastoo xilligaas aanay jirin wax khilaaf ah oo kusugan buugaagta taariikhda 'inta aan anigu ka arkay'. Laakiin waxaan dareemay in ay lagama maarmaan tahay in wax laga ogaado taariikhda boqortooyada Aksum mar hadiiba laga hadlayo khilaafka Soomaalida iyo Ethiopia.

I. Reer Aksum

Aksum, waxay ahayd boqortooyadii ugu horaysay ee soo marta Ethiopia; waxaana loogu magacdaray caasumaddii xilligaas gobolka Tigre ee Aksum. Waxaa la xusaa in boqortooyadani ay soo bilaabatay qarnigii Koowaad ee miilaadiga; qiyaastii qarnigii Afraadna waxaa la rumaysanyahay in ay qaadatay diinta Masiixiga ee Nabi Ciise (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato).

Inta anan faah-faahinta boqortooyada Aksum aanan u gelin waxaan jeclaystay in aan isla xusuusanno, si kooban, sidoo kale asalka magacyada Ethiopia iyo Xabasha halka ay iyaguna taariikh ahaan kasoo jeedaan.

Ethiopia waa magac assalkiisu uu luuqadda Greek ka soo jeedo, micnihiisuna uu yahay "Dadkii wajiyada gubnaa" (Burned faces) oo reer Greek ugu yeeri jireen dadkii ku noolaa dhulka Suudaan iyo Ethiopia amaba dadka madoow ee qaaradda Afrika ee dhulkaas ku noolaa. Waxaa la rumaysanyahay in magaca Ethiopia uu bilaamay Qarnigii Afraad ( Ethiopia, The unknown land,  bogga.19)

Xabasha waxay iyana luuqad ahaan ka soo jeedaa dhulka carabta, laakiin guud ahaan magaca uu dhulka Ethiopia xilligaas uu caanka ku ahaa waxa uu ahaa 'Aksum' oo loogu magac daray boqortooyada reer Aksum.

Waxaa la rumaysanyahay, in boqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ee qaata diinta Masiixiga uu ahaa boqor Ezan sanadkii 340 miilaadiga; laakiin waxaad ku arkaysaa buugaagta kale ee  taariikhda Ethiopia wax ka qoray, in labadii boqor ee mataanaha ahaa ee reer Aksum, boqor Atsbeha iyo Abraha, ay iyagu ahaayeen boqorradii ugu horreeyey ee reer Aksum ee qaata diinta masiixiga. Boqor Abraha, oo ay taariikdiisa si fiican uga hadleen buugaagta taariikhda ee Islaamka, Quraankuna uu kaga hadlay dhacdadii Maroodiga, wuxuu ahaa boqorkii reer Aksum ee weeraray Kacbada waxyar kahor dhalashadii nabi Muxamed (naxariis iyo nabdgelyo korkiisa ha ahato)

Labadaan boqor, Atsbeha iyo Abraha, qiyaastii laba qarni ayay ka danbeeyeen boqor Esankii aynu soo sheegnay in uu ahaa buqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ah oo qaata diinta Masiixiga. Sida taariikhda ku sugan, Boqor Atsbeha, oo loo yaqaanay boqor Kaleb, wuxuu ku duulay oo qabsaday qaybo kamid ah dhullka Yaman; gaar ahaan dhulkii ay maamulaysay boqortooyadii Yuhuudda ee ka dhisnayd Ximyar qarnigii Lixaad, ee uu boqorka ka ahaa Boqor Yusuf Asar Yathar. Sabata keentay qabsashada boqor Atsbehe uu qabsaday boqortooyada Ximyar waxaa lagu tilmaamaa, in ay timid ka gadaal markii Boqortooyada Ximyar ay dad masiixiyiin ah ku laysay dhulkii ay maamulaysay. Boqorrada Reer Aksum dabcan masiixiyiin bay ahaayeen, taas ayaana sabab looga dhigi karaa duulaanka reer Aksaum ee koonfurta carabta, inkastoo ay jiri karaan sababo kale.

Qarnigii 6aad, oo ay awoodda dhaqaale, siyaasad iyo ciidan ee Boqortooyada reer Aksum isa soo tartay, waxaa markan la soo gudboonaaday dhibaato weyn oo xitaa gilgishaey dhulkii ay asal ahaan ka soo jeedey ee waqooyiga Ethiopia ee Aksum. Imbaratooriyaddii Furus ama Persia oo xilliyadaas ahayd mid ka mid ah labadii quwadood ee jirey, waxay markan go'aansatay in reer Aksum koonfurta Carabta laga saaro. Persianku waxay sanadkii 570 ku soo weerareen Boqortooyadii Aksum ee ka dhisnayd yaman 8 doonyood iyo 800 oo ciidan ah ( History of Ethiopia, Marcus, bogga.10).

Xilligaas ay sii yaraanaysey awoodda boqortooyada reer Aksum, oo ku xirnayd Imratooriyaddii Ruum (Rome Empire), oo iyana ahayd quwadda kale ee loolanku ka dhexeeyey reer Furus ama Persia, waxaa garab socdey in Islaamku ku fidayey dhulka Shaam. sanadkii 636 miilaadiga, Islaamku wuxuu gaaray Qudus illaa Dimishiq; afar sano kadibna Masar waxay hoostagtay khilaafadii Islaamka ee ka dhisnayd Madiina.

Mar haddii Persianku ridey boqortooyadii reer Aksum ee Yaman ka jirtay, Islaamkuna kala dhexgalay reer Aksum iyo Ruum, taas oo keenatay in uu go'o xidhiidhkii iyo isu socodkii ka dhexeeyey Ruum(Rome Empire) iyo boqortooyadii Aksum, jihada kaliya ee u furnayd boqortooyada Aksum waxay noqotay in ay u soo fiddo dhinaca koonfureed iyo dhulka Amxaarada.

Xilligaas ka hor xidhiidhka ka dhexeeyey Boqortooyadii Aksum iyo Islaamka wuxuu ahaa mid heerar kala duwan soo maray. Boqor Najaasha, boqorkii reer Aksum ee la kowsadey bilowgii Islaamka wuxuu Nabi Maxamed (NNK) uu ku tilmaamay in uu yahay boqor caaddil ah, oo aan agtiisa cidna lagu dulmin. Waxaa magangalyo ka helay dhulka boqor Najaashe ilaa 40 saxaabi oo uu kamid ahaa Jacfar sida ay kutubta Siiradu qoraan oo ka soo cararay dhibkii ka jirey Maka, ee ay Qurayshtu ku haysay Muslimiinta. 

Laakiin dhinaca kale markii xilli kaas ka danbeeyey uu xirmay marinkii reer Aksum ay u sii mari jireen Imratooriyaddii Ruum, sidaan soo xusnay, waxay bilaabeen in ay samaystaan burcad badeed ay ugu talagaleen in ay ku carqaladeeyaan ganacsigii isaga dhexgooshi jirey Badda Cas oo markan ay maamulkeeda gacanta ku hayaan muslimiintu. Sanadkii 702 waxay Boqortooyada Aksum weerartay xeebta Jidda, waxaana xusan in ay mar qabsadeen dekedda Jidda oo aad ugu dhow Makka ( History of Ethiopia, A.H.M jones and E. Monroe. bogga.45). Falalkan ay sameeyeen burcad badeedda reer Aksum waxay sabab u noqotay in Muslimiintu ay yimaadaan xeebta badda Cas, dhinaca Africa ee ay maamulayeen boqortooyada Aksum. Waxay dhacdooyinkan intooda badani ku beegnaayeen xilligii khilaafada Umawiyiinta, gaar ahaan Waliid Ibn-Cabdulmalik Ibn-Marwaan ee bilowgii qarnigii 8aad jirtey. Waxay khilaafada Waliid soo afjartay burcad badeedkiii reer Aksum.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com