|
Health and Education are # 1 Alldalka.com |
|
The Best Diagnosis Device in Medical Field |
|
|
|
||
4- Cudurka Beer-Xanuunka (Hepatitis)
Waa maxay HEPATITIS? Guud ahaan marka laga hadlayo cudurka Hepatitiska (Beer-xanuunka) waa cudur ku dhaca beerka. Inkastoo sababta ugu badan ee keeni karta cudurkan uu yahay Viruska, hadana waxaa sabab u noqon kara waxyaabo kale oo ay kamid yihiin Alcoholka, daawo iyadu waxyeela u gaysatay beerka, sumoobid, iyo nidaamka difaaca jidhka oo cadaw ku noqda qofka (Autoimmune disorder).
Noocyada Cudurka Hepatitis Marka la isku daro, guud ahaan cudurka Hepatitis ama Beer-xanuunku wuxuu ka koobanyahay ilaa 7 nooc oo kala ah: A, B, C, D, E, F, iyo G. Waxaanan mid walba uga hadli doonaa si gooni ah, inagoo soo koobayna. Lakiin saw ma haboona in aad macluumaad iyana aad u kooban aad ka hesho beerka laftirkiisa. Beerku waa xubin aad iyo aad muhiim ugu ah nolosha qofka; waa xubin aanuu sina uga maarmi Karin nooluhu. Beerku wuxuu la diriraa Infectionska iyo suntan mararka qaar soo raacda dhiigga; beerku wuxuu kaydiiyaa tamarta jidhkaagu u baahanyahay si uu u isticmaalo xilliga uu u baahdo.
Sidee lagu kala qaadaa Hepatitis A Sida muuqata sabata ugu badan ee Hepatitis A lagu kala qaado waxay tahay dadaal la’aan dhinaca nadaafadda ah oo ka imaan karta qofka qaba cudurka iyo qofka uu u gudbinayo cudurka. Tusaale ahaan haddii qof qaba cudurkan Hepatitis A uusan si wanaagsan isaga nadiifin gacmihiisa kadib markii uu soo xaajooday (hadiiba ay gacmihiisu taabteen Saxaradiisa), islamarkaasna uu hawl u qabto dadkii ka agdhawaa ee iyagu ka bad-qabay cudfurka (Tusaale ahaan uu cunto ama cabitaan u diyaarinayo) waxaa dhacaysa in Viruskii uu si sahlan ugu gudbo cuntadii iyo cabitaankii, ka gadaalna ay cunaan ama cabaan cuntadii ku wasakhaysnayd jeermiska HAV dadkii iyaga loo diyaariyey cuntada ama cabitaanka. Hadaba taabasho Saxaro uu ku jiro Viruska HAV aad gacmahaaga ku taabato islamarkaasna aadan ku dadaalin nadaafaddii gacmahaaga ayaa ah sababta ugu badan ee uu Viruskan ugu gudbo qofkale. Sidoo kale waxaa lagu kala gudbin karaa cudurkan galmo xagga dabada ah (Anal sex) iyo haddii qofi cuno kaluun kunoolaa biyo uu ku wasakhaysanyahay Virusku.
Yuu ku dhici karaa Cudurkan Hepatitis A Qof walba wuu ku dhici karaa HAV. Laakiin dadka inta badan halista u ah in uu ku dhaco waxaa kamid ah:
Maxaa kamid ah calaamadaha lagu garto qofka qaba Cudurka Hepatitis A
See loo daaweeyaa Hepatitis A Inta badan dadka uu ku dhaco cudurkan HAV waxay iskood ka bogsadaan cudurka muddo dhowr usbuuc ah iyagoon wax daawayn ah qaadan. Waxaase haboon in qofku uu la xidhiidho Dhakhaatiirta si ay ugu qoraan daawooyinka uu u baahanyahay cudurkan in lagula dagaalo.
Sidee looga hortagaa cudurkan Hepatitis A
2- Hepatitis B Waa maxay Hepatitis B Hepatitis B waa cudur ku dhaca beerka oo uu sababo Viruska lagu magacaabo Hepatatis B Virus (HBV). Sida caadiga ah Viruskan waxaa laga helaa dheecaan jidhka sida mainida, dhareerka ( dheecanka afka ), dhiigga, iyo kaadida.
Waa maxay calaamadaha lagu garto cudurka Hepatitis B? Calaamadaha uu muujiyo qofka qaba cudurkan Hepatitis B waxaa kamid ah:
Waxaa kaloo dhacda in kaadida qofka qaba cudurkan ay yeelato midab kale; sidoo kale dahaarka qofkan cudurka qaba wuxuu muujiyaa midabka Jaalaha ama huruudda. Haddii uu cudurkani daba dheeraado wuxuu keeni karaa Kansar ku dhaca beerka (Liver Cancer). Dadka uu ku dhaco Cudurkan Hepatitis B Guud ahaan cudurkan Hepatitis B wuxuu ku dhici karaa qof kasta, laakiin dadka halista ugu jira in uu ku dhaco cudurkani waxaa kamid ah:
Sidee ayuu ku fidaa Cudurkan Hepatitis B Sida kor ku xusan Viruska sababa cudurkan ee Hepatitis B Virus (HBV) waxaa laga helaa Dhiigga, dhareerka ama dheecaanka afka (Saliva), Manida, iyo dareerayaasha kale ee jidhka qofka qaba cudurkan. Waxaa lagu kala qaadi karaa cudurkan in qofku uu si toos ah ula fal galo dareeraha jidh qaba ama xambaarsan Viruska; inta badan waxay timaadaa arintani cirbad ku wasakhaysnayd dhiigga qof qaba cudurka oo mudda qof bad qabey, cirbadaha oo la isla isticmaalo ( sharing needles), iyo galmo uu la sameeyo qof qabay cudurkan qof isagu bad qabey. Waxyaabaha kale oo lagu kala qaadi karo HBV waxaa kamid ah qaniinyada, iyo qofka oo isticmaalo gadh xiidh iyo caday uu isticmaalay qof qabay cudurkan. Sidoo kale hooyada qabtay cudurkan waxay u gudbisaa ilamaheeda.
Sidee loo daaweeyaa Cudurkan Hepatitis B: La xidhiidh dhakhtarkaaga.
Sidee looga hortagi karaa Cudurkan Hepatitis B? Waxaa haboon ugu horaynba in dadka qaba cudurkani ay ku dadaalaan nadaafadda jidhkooda si uusan dhiigooda iyo dheecaanka jidhkooduba uusan halis ugu noqon dadkii ka bad-qabay cudurkan halista ah. Sidoo kale dadka iyagu qaba cudurkan waa in aysan la isticmaalin dadka aan qabin cudurka gadhxiidhta, cadayga, cirbadaha, iyo wax kasta oo iyagu ku wasakhaysmay dhiiga qofka qaba cudurkan. Waxaa haboon sidoo kale in qofku uu qaato talaalka ku haboon ka hortagga cudurkan. Dadka qaba cudurkan waxaa haboon in ay u sheegaan jiritaanka cudurka kal-kaaliyaasha caafimaadka sida dentistaha, dadka ka shaqeeya rugaha caafimaadka sida Cusbitaalada si dadkani ay uga taxadaraan qaaditaanka cudurka marka ay caawinayaan qofkan isagu qaba cudurka.
3- Hepatitis C Waa maxay Hepatitis C? Hepatitis C waa cudur ku dhaca beerka oo uu sababo Virus lagu magacaabo Hepatitis C Virus (HCV) oo laga helo dhiigga qof qaba cudurkan. Sababta ugu weyn ee cudurkan uu ku fido waa iyadoo dhiig qof horay u qabay cudurkan uu ku wasakhoobo qof bed qabay. Cudurkan halista ah ee Hepatitis C wuxuu ku keeni kara beerka qofka qaba cudurkan cudurro aad halis u ah, sababi karana in uu beerku joojiyo hawlihii uu qabanayey; wuxuu qofku markaas u baahanayaa in beer cusub loo galiyo. Sidee ayuu ku fidaa Cudurkan Hepatitis C Dhiig horay u siday viruska (HCV) oo u gudba qof ka bedqabay cudurkan ayaa ah sababta ugu badan ee cudurkan lagu kala qaado; dariiqooyinka uu cudurkani ku faafi karo waxaa kamid ah:
Waa maxay calaamadaha lagu garto cudurka Hepatitis C? Dad badan oo cudurkan Hepatitis C qaba ayaanay kamuuqan wax calaamad ah oo muujinaya jiritaanka cudurkan; waxaa kamid ah calaamadaha lagu garto qofka qaba cudurkan:
Sidee loo daaweeyaa Cudurkan Hepatitis C: La xidhiidh dhakhtarkaaga. Sidee looga hortagi karaa Cudurkan Hepatitis C? Siyaabaha ugu muhiimsan ee cudurkan looga hortagi karo waxaa kamid ah:
Cudurkan ma leeyahay Talaal? May cudurkan talaal malaha.
References: Hepatatis-Centeral.com; Hepatitis Foundation International; American Liver Foundation. A/Razaq H.Nuurre Nuclear Medicine Ohio, USA
|
||