Health and Education are    # 1  Alldalka.com

                                                                                                                                                    The Power of Nuclear Medicine           

The Best Diagnosis Device in Medical Field

 

Waxaan boggan Caafimaad ugu talagalnay in aan akhristaheena sharfta mudan ku baraarujinno qiimaha Caafimaadku u leeyahay qof ahaan, qoys ahaan iyo bulsho ahaan intaba. Waxaan si kooban aan uga hadlaynaa cudurkan hoos ku qoran si aan macluumaad kooban uga siino akhristaha bogga Alldalka.com soo booqda cudurada dilaaga ah ee si sahlan ugu dhici kara qofkasta, gaar ahaan dadka aan wax fikrad ah ka haysan cudurkan hoos aan    ku muujinay, si uu uga digtoonaado khatartiisa.

 
 

CUDURADA FAAFA

3- AIDS

  • Waa maxay Aidsku? 

Ugu horayn haddii aan bal fiirino oraahda uu u taaganyahay ereyga AIDS waxaan oran karnaa sidan:

Erey ahaan AIDS wuxuu u taaganyahay "Acquired Immune Deficiency Syndrome"  Taas oo micnaheedu yahay in uu hoos u dhac ama tabar yari uu ku yimaado difaaca jidhka qofka kadibna ay abuuranto dhibaatooyin caafimaad oo abuura cudurro.

Cudurkan AIDSka waxaa sababa fayras lagu magacaabo HIV ( Human Immunodeficiency Virus). Marka uu jidhka qofka uu ku dhaco fayraskan (Viruses) HIV, jidhku wuxuu bilaabaa in uu sameeyo kahortagayaal (Antibodies) kuwaas oo uu jidhku kula dagaalamo fayraskii HIV ee soo galay.

Marka hadaba laga baarayo qof bal in uu qabo HIV, dhiiga qofka qaba HIVga waxaa laga dhex helaa Kahortagayaalkii(Antibodies) jidhka qofku u samaystay in uu kula dagaalamo HIVga. Taas ayaana muujinaysa in uu qofkan qabo HIV. Sidaas ayaa dadka sida fayraska loogu magacaabay HIV-sidayaal (HIV-Positive).

In qofku sido fauraskii HIV micnaheedu manoqonayso in uu qofku uu qabo Cudurkii AIDSka. Qofkan sida fayraska waxaa dhacda in uusan muddo dheer muujin wax jirro ah. Mar walba oo difaaca jidhka qofku uu yaraado fayraskii HIVguna uu jidhkiisa ku sii bato waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay u sahlanaato kuwii soo weerarayey sida fayrasyada, bakteeriyada iyo kuwo kaleba in ay si fudud ku soo galaan kuna degaan jidhka qofkaas qaba fayraska HIV, difaaca jidhkiisiina uu hoos u dhacay ama tabar dareeyeyba.

  • See qofku ku qaadaa HIV Viruses?

 1 2 3

Sadex arimood ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sahla in qofku uu qaado fayraskii HIVga waxayna kala yihiin:

  1. In uu qofku u galmoodo qof sida Fayraskii HIVga.

  2. In qofku uu ku dhasho( ay hooyadiis tahay qof iyadu siday fayraskii HIVga, amaba uu nuugo naaska hooyo kale oo iyadu qabtay Fayraskan)

  3. Iyo in uu qofku isticmaalo Cirbad(tan laysku duro) uu qof fayraskii HIV Sida ahi uu horay u isticmaalay.

In qofka lagu shubo dhiig laga soo miiray qof horay u qabay Fayraska HIVga. Arintan danbe iyadu aad ayay baryahan danbe ay hoos ugu dhacday, sababtoo ah marka horeba dhiiga lagu shubayo bukaanka u baahan dhiiga waxaa laga baaraa in uu sido fayraskii HIVga iyo fayrasyo kaleba inta aan lagu shubin qofka la doonayo in lagu shubo dhiigaas.

  • Waa maxay calaamadaha uu muujiyo qofka HIV sidaha ah?

Sida Guud qofka sida HIV Viruska waxaa la orankaraa wuxuu qabaa cudurka AIDSka marka unugyada CD4 (amaba T-4 oo asal ahaan kamid ah noocyada unugyada ee lagu magacaabo T-cells kuwan oo ah qayb kamid ah unugyada cad-cad White Blood Cells)) lagu magacaabo ee kamid ah nidaam difaaceedka jidhku ay gaaraan 14%. Amaba uu qofkan HIV sidaha ah unugyada CD4 kiisu ay ka yaraadaan ilaa 200/mm^3 oo dhiig ah, markaas waxaa la orankaraa qofkani wuxuu qabaa cudurka AIDSka.

Qofkan marka ay xaaladdiisu heerkaas gaartay waxaa aad ugu sahalanaada in ay soo weeraraan infekshanno lagu magacaabo fursad raadiyayaal (opportunistic Infections); waxaana marka ay asiibaan infekshanadan qofkan lagu tilmaamaa in uu qabo cudurka AIDSKA. Kooxdan aan ku magacawnay fursad raadiyayaal ama Opportunistic Infections waxaan ka tilmaami karnaa kuwooda ugu caansan:

  1. PCP (Pneumocystis Pneumonia) oo ah infekshan ku dhaca sanbabada.

  2. KS (Kaposi's sarcoma) oo ahy kansar ku dhaca dahaarka qofka amaba haraga jidhka.

  3. CMV (Cytomegalovirus) oo isna ah infekshan ku dhaca indhaha.

Cudurada yaguna la xiriira AIDSka waxaa kamid ah buro kansareedyada ku dhaca maskaxda iyo qofka oo miisaankiisu si aad ah uu hoos u dhaco.

  • Maxaa lagu daaweeyaa cudurka AIDS

ilaa iyo hadda ma jrto daawo lagu daweeyo cudurka AIDSka oo aan ka ahayn daawooyin kaalmayn kara nidaam difaaceedka jidhaka qofka qaba cudurkan.

  • See looga hortagi karaa AIDSka

habka ugu wanaagsan oo looga hortagi karo cudarkan Aidska waa iyadoo qofku si taxadar leh iskaga ilaaliyo sadexdii siyaabood ee muujinayey sida qofku ku qaadi karo cudurkan oo kala ahaa.

  • In qofku iska ilaaliyo in uu u galmoodo qof sida HIV Virus..

  • In qofku ka digtoonaado isticmaalka Irbadaha horay qofkale u isticmaalay oo ay dhici karto in ay siddo fayraskii HIVga.

  • Iyo in aan la isticmaalin dhiig aan laga baarin cudurada halista ah kahor inta aan qofka lagu shubin.

 

References: AIDS infonet, WHO, AIDS.ORG

A/Razaq H. Nuurre

Nuclear Medicine

Ohio, USA