2-
Daacuunka (Cholera)
Vibrio
Cholerae. Wisconsin University Photo
Cudurka daacuunku amaba Shubanku waa cudur
halis ah oo ku dhaca mindhicirada qofka qaba, ayna sababto
Bakteeriya lagau magacaabo Vibrio Cholerae. Cudurkan wuxuu qofka
qaba ku keenaa Shuban iyo Matag taas oo keenta biyahii
jidhkiisa ku jiray oo ka baxa (Dehydration), sababtana in uu
qofku u dhinto haddii aan si dhakhsa ah daawo loola gaarin.
Shubankan iyo Matagani waxay ka muuqdaan qofka qaba cudurka 6
saac ilaa 5 maalmood, ama 2 ilaa sadex maalin sida caadiga ah.
Sababta
ugu weyn ee keenta cudurkan Daacuunka waa iyadoo qofku uu cuno
cunto ama cabitaan ay ku wasakhaysantahay bakteeriyada Vibro
Cholerae. Dabcan bakteeriyadan waxaa sida oo ay ku nooshahay
Saxarada uu dhigo qof horay cudurka u qabay, taas oo sidaan
sheegnay u gudubtay cuntadii iyo biyihii dadka intiisa kale ay
cabbi ama cuni lahaayeen. Sidoo kale bakteeriyadan V. Cholerae
waxaa laga helaa meelaha biyaha leh sida wabiyada iyo xeebaha
dhulka u dhow.
Mar
haddii aan ogaanay in khatarta ugu weyn ee cudurkan Daacuunku ay ka imaanayso qofkii oo biyihii iyo nafaqadii jighkiisii kujiray ay shuban ahaan ama matag ahaan uga baxayaan, jidka ugu
wanaagsan oo qofkan lagu daaweyn karo waxay tahay:
-
Qofka oo biyo badan afka ama xididada
(Intravenous) laga siiyo si loo soo celiyo biyihii jidhkiisa ka
baxay.
-
In la isticmaalo Antibiotics, sida
Tetracycline si loo yareeyo Shubanka qofku uu shubmayo.
-
Iyo ugu danbayntii in lala dagaalamo
Bakteeriyadii Saxarada ku jirtay.

Ka hortagga cudurkan daacuunku aad ayay u sahlantahay
marka loo eego dhibaatada ballaaran ee uu geysto marka uu ummad
meel ku nool uu asiibo. Sida badan laba arimood ayaa halboowle u
ah ka hortagga in cudurkani uu dillaco.
-
Ugu horayntii in marwalba lagu dadaalo
isticmaalka biyo nadiif ah. Biyaha dhulka hoostiisa laga keenaa
waxay u baahanyihiin in la sifeeyo amaba la hubiyo in aanay
sidin wax jeermis ah kahor inta aan cabitaan ahaan loo
isticmaalin. Waxaa haboon in biyaha la karkariyo inta aan la
isticmaalin amaba lagu dadaalo nadiifnimada meesha biyaha lagu
kaydinayo, iyo shayga loo adeegsanayo in lagu soo dhurto ama
lagu soo shubto in uu marka horeba uu yahay mid lahubo in uu
nadiif yahay.
-
Waxaa iyana asaas u ah ka hortagga
cudurkan Daacuunka in lagu baraarugo in ay lagama maar maan
tahay in si wanaagsan loo asturo waxyaabaha qofka jidhkiisa ka
imanaya sida Saxarada. Waxay Saxarada qofka qaba cudurku xero
(Source) u tahay bakteeriyada cudurkan Daacuunka, haddii aan si
wanaagsan loogu hubsan meel ka fog deegaanka bulshadu ay ku
nooshahay waxaa dhacaysa in qofka qabay cudurkan uu si sahlan
ugu gudbiyo qofkii aan qabin. Inta badan ma dhacdo in labada qof
ay si toos ah u kala qaadaan cudurka.
Waxaa iyana haboon in mar walba lagu
dadaalo nadaafadda guud ee qofka, qoyska iyo bulshadaba. Mar
walba oo qofku uu cunto doonayo in uu cuno waxaa haboon in uu
hubiyo in cuntadan si wanaagsan loo kariyey, sidoo kalana uu mar
walba nadiifiyo shayga uu u isticmaalayo cunitaanka cuntada,
haday noqon lahayd gacmihiisa, qaadooyinka, saxamada, koobabka,
iyo shay kasta oo uu cuntadaas ama cabitankaba u isticmaalayo.
References: WHO, University of Wisconsin ( Department of
Bacteriology)
A/Razaq H. Nuurre
Nuclear Medicine
Ohio, USA