Health and Education are    # 1  Alldalka.com

                                                                                                                                                    The Power of Nuclear Medicine           

The Best Diagnosis Device in Medical Field

 

Waxaan boggan Caafimaad ugu talagalnay in aan akhristaheena sharfta mudan ku baraarujinno qiimaha Caafimaadku u leeyahay qof ahaan, qoys ahaan iyo bulsho ahaan intaba. Waxaan si kooban aan uga hadlaynaa cudurkan hoos ku qoran si aan macluumaad kooban uga siino akhristaha bogga Alldalka.com soo booqda cudurada dilaaga ah ee si sahlan ugu dhici kara qofkasta, gaar ahaan dadka aan wax fikrad ah ka haysan cudurkan hoos aan    ku muujinay, si uu uga digtoonaado khatartiisa.

 
 

CUDURADA FAAFA

2- Daacuunka (Cholera)

  • Waa maxay Daacuunku?

Vibrio Cholerae. Wisconsin University Photo

Cudurka daacuunku amaba Shubanku waa cudur halis ah oo ku dhaca mindhicirada qofka qaba, ayna sababto  Bakteeriya lagau magacaabo Vibrio Cholerae. Cudurkan wuxuu qofka qaba ku keenaa Shuban iyo Matag taas oo keenta biyahii jidhkiisa ku jiray oo ka baxa (Dehydration), sababtana in uu qofku u dhinto haddii aan si dhakhsa ah daawo loola gaarin. Shubankan iyo Matagani waxay ka muuqdaan qofka qaba cudurka 6 saac ilaa 5 maalmood, ama 2 ilaa sadex maalin sida caadiga ah.

 

  • Sidee dadku ku qaadaan cudurkan Daacuunka

Sababta ugu weyn ee keenta cudurkan Daacuunka waa iyadoo qofku uu cuno cunto ama cabitaan ay ku wasakhaysantahay bakteeriyada Vibro Cholerae. Dabcan bakteeriyadan waxaa sida oo ay ku nooshahay Saxarada uu dhigo qof horay cudurka u qabay, taas oo sidaan sheegnay u gudubtay cuntadii iyo biyihii dadka intiisa kale ay cabbi ama cuni lahaayeen. Sidoo kale bakteeriyadan V. Cholerae waxaa laga helaa meelaha biyaha leh sida wabiyada iyo xeebaha dhulka u dhow.

 

  • Maxaa lagu daaweeyaa Daacuunka?

Mar haddii aan ogaanay in khatarta ugu weyn ee cudurkan Daacuunku ay ka imaanayso qofkii oo biyihii iyo nafaqadii jighkiisii kujiray ay shuban ahaan ama matag ahaan uga baxayaan, jidka ugu wanaagsan oo qofkan lagu daaweyn karo waxay tahay:

  1. Qofka oo biyo badan afka ama xididada (Intravenous) laga siiyo si loo soo celiyo biyihii jidhkiisa ka baxay.

  2. In la isticmaalo Antibiotics, sida Tetracycline si loo yareeyo Shubanka qofku uu shubmayo.

  3. Iyo ugu danbayntii in lala dagaalamo Bakteeriyadii Saxarada ku jirtay.

 

  • See looga Hortagi karaa Daacuunka? 

Ka hortagga cudurkan daacuunku aad ayay u sahlantahay marka loo eego dhibaatada ballaaran ee uu geysto marka uu ummad meel ku nool uu asiibo. Sida badan laba arimood ayaa halboowle u ah ka hortagga in cudurkani uu dillaco.

  1. Ugu horayntii in marwalba lagu dadaalo isticmaalka biyo nadiif ah. Biyaha dhulka hoostiisa laga keenaa waxay u baahanyihiin in la sifeeyo amaba la hubiyo in aanay sidin wax jeermis ah kahor inta aan cabitaan ahaan loo isticmaalin. Waxaa haboon in biyaha la karkariyo inta aan la isticmaalin amaba lagu dadaalo nadiifnimada meesha biyaha lagu kaydinayo, iyo shayga loo adeegsanayo in lagu soo dhurto ama lagu soo shubto in uu marka horeba uu yahay mid lahubo in uu nadiif yahay.

  2. Waxaa iyana asaas u ah ka hortagga cudurkan Daacuunka in lagu baraarugo in ay lagama maar maan  tahay in si wanaagsan loo asturo waxyaabaha qofka jidhkiisa ka imanaya sida Saxarada. Waxay Saxarada qofka qaba cudurku xero (Source) u tahay bakteeriyada cudurkan Daacuunka, haddii aan si wanaagsan loogu hubsan meel ka fog deegaanka bulshadu ay ku nooshahay waxaa dhacaysa in qofka qabay cudurkan uu si sahlan ugu gudbiyo qofkii aan qabin. Inta badan ma dhacdo in labada qof ay si toos ah u kala qaadaan cudurka.

Waxaa iyana haboon in mar walba lagu dadaalo nadaafadda guud ee qofka, qoyska iyo bulshadaba. Mar walba oo qofku uu cunto doonayo in uu cuno waxaa haboon in uu hubiyo in cuntadan si wanaagsan loo kariyey, sidoo kalana uu mar walba nadiifiyo shayga uu u isticmaalayo cunitaanka cuntada, haday noqon lahayd gacmihiisa, qaadooyinka, saxamada, koobabka, iyo shay kasta oo uu cuntadaas ama cabitankaba u isticmaalayo.

 

References: WHO, University of Wisconsin ( Department of Bacteriology)

A/Razaq H. Nuurre

Nuclear Medicine

Ohio, USA