|
Health and Education are # 1 Alldalka.com |
|
|
The Best Diagnosis Device in Medical Field |
|
|
|
||
1- QAAXADA (Tuberculosis, TB)
TB, ama qaaxadu waa cudur uu keeno bakteeriya lagu magacaabo MYCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Bakteriyadani waxay soo weerari kartaa xubin kasta oo jidhkaaga kamid ah, laakiin inta badan waxay asiibtaa Sambabada.
Cudurka Qaaxadu wuxuu ugu fidaa dadka dhexdooda marka qof qaba cudurka ama xambaarsan bakteeriyada aan kor kusoo sheegnay uu ku qufoco, ama ku hindhiso hawada, taas oo keenta in bakteeriyadii ay hawada u gudubto kadibna ay sidaas ku neefsadaan dadka ka ag-dhaw hawadii xambaarsanayd bakteeriyada MYOCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Marka qofku uu neefsado hawo xambaarsan bakteeriyada TBda ama Qaaxada, waxay bakteeriyadu degtaa sambabada iyadoo biloowda in ay ku korto halkaas. Markaas kadib ayay soo raacdaa dhiigga iyadoo uga sii gudubta qaybaha kale ee jidhka sida kalyaha, Laf-dhabarta, iyo Maskaxda.
Inta badan dadka ay ku dhacdo Bacteeriyada TBda ama Qaaxada, jidhkoodu wuxuu awoodaa in uu la dagaalamo Bacteeriyada si uu uga hortago in ay ku korto jidhka dhexdiisa. Sidaas darteed bakteeriyadii waxay noqotaa hawl-gab (Inactive), laakiin waxay wali ku dhex nooshahay jidhka, waxayna isu badali kartaa Hawl-gal (Active). Dadka nooca hore ee Bakteeriyada qaba malaha wax muujinaya in uu cudurka Qaaxada qabo, kuma fidin karo bakteeriyada dadka kale ee la nool, marka laga baaro jidhkooda waxaa si sahlan loo ogaan karaa in uu qabo TB, ugu danbayntiina haddii uusan qaadan daawo lagula dagaalamo bakteeriyadan hawl-gabka ah waxaa dhacaysa in ay isu badesho mid Hawl-gal ah (Active), gaar ahaan haddii difaaca jidhku uu liito, taas oo ku keenta khatar ballaaran qofkan iyadoo uu ku fidiyo dadka la nool cudurka. Dad fara badan oo qaba bakteeriyada TBda ee hawl-gabka ah (Inactive) ayaa waxaa dhacda in aanay sina u noqon Bakteeriyadu mid shaqaysa (Active).
Dadka qaba TBda waxaa lagu gartaa calaamadaha soo socda:
Noocyada Loo baaro Cudurka Qaaxada (TB) Sadex siyaabood ayaa looga baaraa dadka qaba Cudurka Qaaxada, waxayna kala yihiin:
Sida ugu wanaagsan ee cudurkan Qaaxada lagula dagaalami karo waa in dadka qaba Cudurka TBda ay si joogto ah u qaataan daawada loo qoro. Dadka iyagu la il-daran cudurkan Qaaxada waxay xambaarsanyihiin jeermis shaqaynaya (Active), kaas oo u gudbi kara dadka aan cudurka qabin. Hadaba sida ugu wanaagsan ee dadkan qaba Cudurka TBda ay ku bogsan karaan waa iyagoo u qaata daawada sidii dhakhaatiirtu ugu qortay. Dadka qaba cudurka, laakiin aan jiranayn waxay iyagu xambaarsanyihiin jeermis hawlgab ah (inactive). Waa dhab in aanay jiranayn hadda, laakiin xilli kasta jeermiskan hawlgabka ahi (Inactive) wuxuu isu badali karaa hawlgal (Active) taas oo keenta in ay jiradaan. Hadaba dadkan qaba jeermiska hawlgabka ah waxaa la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoray si ay uga takhalusaan jeermiskii TBda ugana bad-baadaan in ay jiradaan. Dadka iyagu la nool ama ka agdhow dadka qaba TBda waxaa iyana la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoro si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco cudurka TBda.
References: WHO, Tuberculosis net, New York City Dep. Of Health A/Razaq H.Nuurre (Xuubeey) Nuclear Medicine Ohio, USA
|
|||
|
|
|||