|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|
|
Monday, August 27, 2007
Daacuunka (Cholera)
Sababta ugu weyn ee keenta cudurkan Daacuunka waa iyadoo qofku uu cuno cunto ama cabitaan ay ku wasakhaysantahay bakteeriyada Vibro Cholerae. Dabcan bakteeriyadan waxaa sida oo ay ku nooshahay Saxarada uu dhigo qof horay cudurka u qabay, taas oo sidaan sheegnay u gudubtay cuntadii iyo biyihii dadka intiisa kale ay cabbi ama cuni lahaayeen. Sidoo kale bakteeriyadan V. Cholerae waxaa laga helaa meelaha biyaha leh sida wabiyada iyo xeebaha dhulka u dhow.
Mar haddii aan ogaanay in khatarta ugu weyn ee cudurkan Daacuunku ay ka imaanayso qofkii oo biyihii iyo nafaqadii jighkiisii kujiray ay shuban ahaan ama matag ahaan uga baxayaan, jidka ugu wanaagsan oo qofkan lagu daaweyn karo waxay tahay:
Ka hortagga cudurkan daacuunku aad ayay u sahlantahay marka loo eego dhibaatada ballaaran ee uu geysto marka uu ummad meel ku nool uu asiibo. Sida badan laba arimood ayaa halboowle u ah ka hortagga in cudurkani uu dillaco.
Waxaa iyana haboon in mar walba lagu dadaalo nadaafadda guud ee qofka, qoyska iyo bulshadaba. Mar walba oo qofku uu cunto doonayo in uu cuno waxaa haboon in uu hubiyo in cuntadan si wanaagsan loo kariyey, sidoo kalana uu mar walba nadiifiyo shayga uu u isticmaalayo cunitaanka cuntada, haday noqon lahayd gacmihiisa, qaadooyinka, saxamada, koobabka, iyo shay kasta oo uu cuntadaas ama cabitankaba u isticmaalayo. References: WHO, University of Wisconsin ( Department of Bacteriology) A/Rasaq H. Nuurre
|